Dhegeyso: Malaayiin Soomaali ah oo laga talaalayo cudurka Dabaysha
Soomaaliya waxa maanta ka bilowday olole socon doona muddo afar maalmood ah, kaas oo la doonayo in xanuunka dabeysha looga talaallo caruur gaaraysa 2.5 milyan oo ah caruurta da'doodu ka hooseyso shanta sano. Ololahan ayaa laga fulin doonaa deegaannada Banaadir, Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle.
Soomaaliya, marbaa lagu guuleystay in cudurka laga cirib tiro 2017-kii, balse mar kale ayuu dib ugu soo laabtay ka dib markii cudurka lagu arkay caruur dhawr ah.
Dawladda Federaalka oo kaashanaysa hay'adaha WHO, UNICEF iyo kuwa kale ayaa doonaysa in muddada afarta maalin ah oo ay la socoto maalin dheeraad ah in lagu talaalo 2.5 milyan oo ah caruurta da'doodu ka hooseyso shanta sano, iyadoo albaabada loo garaacayo xaafaddaha ay ku nool yihiin.
Haddaba dadka uu xanuunkan dhibaatada u gaystay waxaa ka mid ah Ismaaciil Cilmi Cabdi. BBC ayuu uga warramay xilligii uu ku dhacay iyo sida uu noloshiisa u saameeyey.


