Maxaa Sacuudi Arabiya loogu doortay goobta wadahadallada Trump ee ku saabsan Ukraine

Xigashada Sawirka, Reuters
Maamulka Madaxweyne Trump ayaa u doortay Sacuudi Carabiya inay noqoto goobta lagu qabanayo wadahadallo muhiim ah oo ku saabsan Ukraine.
Taasi waxay muujineysaa sida boqortooyadu uga soo kabsatay go'doomintii diblomaasiyadeed ee ay la kulantay kadib dilkii wariyaha Sacuudiga Jamal Khashoggi sanadkii 2018.
Cawaaqibtii ka dhalatay dhacdadaas, gaar ahaan kuwii ku dul dhacay hogaamiyaha dalka, Dhaxal-sugaha Mohammed bin Salmaan, waxay u muuqdaan kuwo sii libdhaya, inkasta oo weli mararka qaar looga hadlo fagaarayaasha caalamiga ah habdhaqanka Sacuudigan ee xuquuqda aadanaha.
Madadaaladda iyo cayaaraha ayay Sacuudigu ku maalgeliyeen lacago aad u badan si ay ugu guulaysato hadafkeeda ah inay noqoto awood weyn oo caalami ah.
Dhinaca diblomaasiyadda, hoggaanka Sacuudiga wuxuu sidoo kale sare u qaaday doorkiisa caalamka. Xilligii Biden, boqortooyadu waxay billowday in ay si tartiib ah uga fogaato ku-tiirsanaanta ay horey ugu tiirsanayd Maraykanka oo ahaa garabkeeda ugu muhiimsan.
Sacuudiga wuxuu caddeeyay in uu mar walba danihiisa gaarka ah ka hormarin doono wax walba, wuxuuna xoojiyay xiriirka uu la leeyahay dalal sida Ruushka iyo Shiinaha, oo loo arko inay yihiin tartanka ugu culus ee Maraykanka la loolamaya.
Soo laabashada Donald Trump ee Aqalka Cad waxay ahayd war wanaagsan oo ay Sacuudigu si weyn u soo dhoweeyeen. Xilligii uu xukunka hayay, safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda wuxuu ku tagay Sacuudi Carabiya, waxaana la ogaa in siyaasaddiisa arrimaha dibadda ay ku salaysnayd hab ganacsi oo aad ugu habboon hoggaanka Sacuudiga ee hadda jira.
Mid ka mid ah guulaha uu Trump jeclaan lahaa in lagu xasuusto waa heshiis nabadeed dhex mara Sacuudiga iyo Israa'iil, taasoo noqon lahayd gunaanadka Abraham Accords, oo uu horey u bilaabay xilligii uu madaxweynaha ahaa.
Hase yeeshee, dagaalka Gaza ayaa carqaladeeyay qorshahaas, wuxuuna sare u qaadi karaa shuruudaha iyo qiimaha Sacuudigu ku xiri doono heshiiska nabadeed.
Sacuudiga si dhaqso leh ayuu uga horyimid qorshaha Trump ee ku aadan Qaza, kaas oo ahaa in dhammaan Falastiiniyiinta laga saaro dhulkaas laguna beddelo dhisme cusub oo loo ekaysiiyo goob dalxiis.

Xigashada Sawirka, EPA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Taa beddelkeeda, boqortooyadu waxay hormuud u noqotay dadaal lagu sameynayo qorshe kale oo ay la wadaan dowlado kale oo Carbeed, kaasoo ogolaanaya in reer Qaza ay halkaas sii joogaan iyada oo dib loogu dhisayo, loona gogol xaarayo xal laba dowladood ah oo lagu dhameeyo khilaafka Falastiin iyo Israa'iil.
Halka fikirka Sacuudiga uu sidaas u socdo, maamulka Trump wuxuu u muuqdaa mid ka aragti duwan, gaar ahaan siyaasaddiisa ku aaddan Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto.
Sida arrimahaasi loo xalliyo waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa xiriirka is-bedelaya ee Maraykanka iyo Sacuudiga.
Waxaa hubaal ah in Sacuudi Carabiya aysan qorsheyneynin in ay dib u dhigto hamigeeda ah in ay noqoto awood weyn oo saamayn ku leh xagga diblomaasiyadda caalamka.
Wufuud ka socoata Ruushka oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka, Sergei Lavrov, iyo kaaliyaha madaxweynaha ay u safay dalkaasi sida uu sheegay afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov.
Waxa kale oo uu sheegay inay ka wada hadli doonaan dagaalka Ukraine iyo sidii ay u dhisi lahaayeen aasaaska kulanka u dhaxeeya madaxweyneyaasha Putin iyo Trump.
Dmitry Peskov ayaa sheegay in Ruushku uu doonayo in dib loo soo celiyo xiriirkii uu la lahaa Mareykanka, iyadoo wadahadalo ay ka bilaaban doonaan Sacuudiga Talaadada.













