Maxay yahiin xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhacay Somaliland sannadkii hore?

Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud

Xigashada Sawirka, Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud

Qoraalka sawirka, Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud
    • Author, Saleebaan Saxansaxo
    • Role, Hargeysa

Xarunta Xuquuqul Insaanka Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland ayaa soo bandhigtay kiisaska xadgubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhacay deegaannada Somaliland sannadkii lasoo dhaafay.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in caqabadaha xorriyadda hadalka ay yihiin kuwo ku kordhay Somaliland muddooyinkii u dambeeyey, iyada oo xadhigga weriyeyaasha iyo dadka fikirkooda cabbira ee la xidhay ay gaadheen sannadkii hore 40 qof.

Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland, oo ah xarun madax bannaan oo kor-joogtaysa xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, ayaa sheegtay in waxyaabaha dhiirri-gelinaya inay tacaddiyo dhacaan ay ka mid yihiin ku dhaqan la'aanta sharciga iyo xeerarka u yaalla Somaliland.

Noocyada xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee dhacay

Xarunta xuquuqul insaanka

Xigashada Sawirka, Xarunta xuquuqul insaanka

Sida ay BBC-da u sheegtay guddoomiyaha xarunta, Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud, 40-ka kiis ee tacaddiyada ah ee ka dhacay Somaliland ayaa isugu jira xadhig loo geystay wariyeyaal gudanaya waajibaadkooda shaqo, dad baraha bulshada fikirkooda ku cabbiray iyo dad kale oo loo xidhay arrimo siyaasaddeed.

"Tacaddiyadan waxa ay isugu jiraan 12 wariye oo la xidhay iyo 28 qof oo kale oo isugu jiray siyaasiyiin, dad arrimaha bulshada u dhaqdhaqaaqa, dad baraha bulshada aragtidooda ku qoray iyo dad mudaharaad sameeyey" ayey tidhi Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Iisaanka Somaliland Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud.

Tacadiyada ka dhacay Somaliland sannadkii 2024-ka, ayaa ka yar kuwii sannadkii ka horreeyey, oo ahaa 78 kiis, inkasta oo tiradu yar tahay sannadkii dhamaaday, haddana sida ay leedahay Yaasmiin Cumar qaabka ay u dhacaan tacadiyadan waxba iskama beddelin.

"Qaabka xadhiggu ku dhacaayey waxba iskama beddelin oo waa sidii hore uun oo mararka qaarkood sharciga baal marsan, markaas tirada dadka la xidhay ha yaraadaan, laakiin sharci daradii lagu xidhayey waxba iskama beddelin".

Waxaa sidoo kale kordhay tacaddiyada haweenka

Hargeysa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Hargeysa

Warbixintan ay soo saartay Xarunta Xuquuqul Insaanku, waxa lagu xusay inuu jiro korodhka baahsan ee tacadiyada ka dhanka ah haweenka, hablaha yaryar iyo dadka nugul, inkasta oo aanay warbixinta lagu sheegin tirada rasmiga ah ee xaruntan diiwaan gelisay, haddana Guddoomiyaha Xaruntan ayaa BBC-da u sheegtay in ay adag tahay in la helo xogo la isku halayn karo oo ku saabsan dhibaatooyinka haweenka loo geysto.

Waxay sheegtay in 321 kiis oo tacadiyo ah oo sannadkan ah ay Xukuumaddu sheegtay, taasina ay tahay xogta la diiwaan geliyey ee la hayo.

Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud, waxa ay sharaxday waxyaabaha keena in la beegsado haweenka.

"Tacadiyada haweenka loo geystaa waa kuwo si maalinle ah u dhaca, waxaana laga arkaa kiisaska maxkamaddaha ka socda, waana kuwo sii kordhaya, tusaale ahaan warbixintii dawladdu soo saartay waxay ahayd 321 kiis oo tacadiyo haweenka ka dhan ah."

"Waxyaabaha kordhinaya waxa ka mid ah ma jiro xeer sax ah oo lagu dhaqo kiisaska haweenka, arrimihii dhaqankuna saamayn kale ayey leeyihiin korodhka tacadiyada"

Maxay xukuumadda cusub ee Somaliland ka tidhi warbixintan xarunta?

Inkasta warbixintan la soo saaray ay ahayd sannadkii hore ee 2024-kii, oo tacadiyada dhacay ay ahaayeen kuwo la geystay xilliga xukuumaddii hore, haddana Xisbiga Waddani oo talada Somaliland ku guuleystay ayaa waxyaabaha ay balan-qaadeen waxa ka mid ahaa in ay wax ka qabanayaan xadhigga sharci darrada ah ee dadka loo geysto.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda ee Somaliland Maxamed Cabdi Xaashi oo BBC-du weydiisay sida u arko warbixintan, ayaa sheegay in ay ka go'an tahay xukuumaddooda in ay ilaaliso xuquuqda dadka oo aan qofna loo xidhi doonin sifo sahrci daro ah "Annagu waxa aanu u arkanaa warbixintaas xarunta xuquuqul Iisaanku soo saartay, hawlo dhacay sannadkii 2024-ka, oo u baahan in ay mar labaad dhacaan. waxyaabaha noogu qorshaysan arrimaha xoriyatul qawlkana waxa ka mid ah in la ilaaliyo qof xuquuqdiisa aasaasiga ah iyo waxyaabaha ay damaanad qaadeen xeerarka iyo Distuurka.