Taariikhda faynuusta Ramadaanka laga soo bilaabo waqtigii Faatimiyiinta

Taariikhda Faynuusta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Xiriirka ka dhexeeya cuntada iyo nalalka lagu shido miiska xilliga Ramadan waa taariikh muddo soo jirtay. Faynuusta waxay ka mid tahay astaamaha ugu caansan ee laga daaro meelo badan marka lagu jiro bisha Ramadan.

Faynuusta qiimo gaar ah ayey ka leedahay dalka Masar marka la gaaro bisha Ramadaan. Suuqyada waxaa laga shidaa noocyo kala duwan oo faynuus ah. Wadooyinka iyo guryaha waxaa lagu qurxiyaa nalal midabo kala duwan leh.

Sida laga soo xigtay Encyclopedia Britannica, faynuusta waxaa lagu iftiimiyaa waddooyinka iyo guryaha marka la gaaro habeenkii bisha Ramadan, waa astaan muujineysaa farxadda iyo rajo la xiriirta bishan.

Iibsashada faynuusta waxay noqotay dhaqan sannadle ah oo qoysas badan sameeyaan taas oo muujineysa bilowga diyaargarowga bisha Ramadan. Faynuusta waxay muujisaa wadajir iyo in ay isku soo dhawaadaan qoysaska.

Dhaqankan wuxuu soo bilaawday qarniyo hore, waxaa jirtay xilli faynuusta loo isticmaali jiray in habeenkii wax lagu iftiimiyo maadaama aysan jirin koronto. Bulshooyinka Islaamka markii ay horumareen, faynuusta waxa laga dhigay qaab farshaxan iyo qurxin, waxayna ka tarjumeysaa dhismaha iyo farshaxanka Islaamka iyadoo noqotay dhaxal dhaqameed dareen gaar ah leh.

Sida ay sheegeen khubarada luqadda, erayga "faynuus" asal ahaan wuxuu ka yimid luqadda Giriigga, macnihiisuna waa iftiin. Eraygu wuxuu u badan yahay in uu galay Carabiga isagoo soo maray luqadda Kobtiga ama saameynta ilbaxnimadii Byzantine ee Masar iyo Suuriya xilligii dambe ee Roomaanka iyo bilowgii Islaamka.

Muddo kaddib, eraygu wuxuu isu beddelay qaabka uu hadda yahay ee Carabiga, "faynuus". Dhaqanka Carabta, gaar ahaan Masaarida, faynuusta waa astaan lala xiriiriyo bisha Ramadan.

Taariikhda Faynuusta

Xigashada Sawirka, Wikipedia

Dhaqamo kala duwan ayaa lala xiriiriyaa faynuusta

Sida ay sheegaan taariikhyahannada, asalka dhaqankan wuxuu la xiriiraa xilligii dowladdii Faatimiyiinta ee Masar. Dr. Anas Muhammad Al-Baheji, wuxuu qoray buugga Tarih Al-Dawlat Al-Fatimia, wuxuuna sheegay in "Faatimiyiintu ay sameeyeen dhaqammo badan kuwaas oo noqday qeyb ka mid ah dhaqanka Islaamka guud ahaan iyo kan Masaarida. Muslimiinta Masar iyo kuwa dalalka deriska la ah waxay sii wadaan dhaqamadaas.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Jawhar al-Saqli ayaa hoggaaminayay ciidamadii Faatimiyiinta ee galay Masar. Tallaabadan waxaa la qaaday xilligii ay daciifeen Khilaafaddii Cabbaasiyiinta ee Baqdaad iyo dowladdii Akhshid ee Masar.

Jawhar al-Saqli wuxuu galay Masar isaga oo aan la kulmin iska caabin weyn, wuxuuna si ku meel gaar ah caasimad uga dhigtay Fustat. Isla markiiba wuxuu bilaabay dhismaha Qaahira, taas oo noqotay caasimadda cusub ee Faatimiyiinta, sidoo kalena noqotay xarunta khaliifka. Isla waqtigaas waxaa sidoo kale la bilaabay dhismaha qasriga khaliifka iyo masaajidka Al-Azhar.

Marka laga hadlayo asalka dhaqanka faynuusta ee bisha Ramadan, Ahmed Al-Manzlawi wuxuu buuggiisa Bisha Ramadaan ku qoray in Khaliifkii Faatimiyiinta Al-Mu'izz uu Qaahira ka galay Mahdia oo ah magaalo hadda ku taalla Tunisia habeen Talaado ah, 5-tii Ramadan sanadkii 362 Hijriyada oo ku beegneyd 973 taariikhda miilaadiyada.

Masaarida ayaa dibadda u soo baxay si ay u soo dhaweeyaan, waxayna wateen faynuusyo. Laga bilaabo maalintaas, faynuusta waxay noqotay iftiin lala xiriiriyo bisha Ramadan.

Dadku waxay gacmaha ku qaadan jireen faynuusyo marka ay masaajidka u aadayaan salaadda subax. Haweenka iyo carruurtana waxay qaadan jireen marka ay suuqyada aadayaan ama booqanayaan qaraabadooda.

Xilligii Mamluk iyo Cusmaaniyiinta, faynuusta waxay noqotay in loo adeegsado dabaaldegyada bulshada. Carruurtu waxay waddooyinka ku socon jireen iyagoo sita faynuus isla markaana qaadaya heeso diini ah. Tan iyo markaas, faynuustu waxay noqotay astaan muhiim.

Sameynta faynuusta

Sameynta faynuusyada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Intii lagu jiray xilligii Faatimiyiinta, faynuusta waxaa laga samayn jiray bir iyo muraayad, waxayna ahaayeen qalab wax ku ool ah oo iftiin bixiya, isla markaana muujinaya waqtiga salaadda iyo suxuurta.

Muddo kaddib, farsamada samaynta faynuusta aad ayay u horumartay, gaar ahaan xilligii Mamluk. Farsamayaqaannadu waxay naqshadahooda ka soo qaadan jireen dhismaha Islaamka sida minaaradaha iyo wixii la mid ah.

Qarnigii 20-aad, samaynta faynuusta waxay noqotay farsamo dadweyne oo caan ah, gaar ahaan xaafadaha qadiimiga ah ee Qaahira.

Waxaa jira noocyo badan oo faynuus ah, kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah Abu Shammah, sidoo kale waxaa jira Al-Mukhams, Abu Bab, Al-Batik, Al-Shamama, iyo Al-Saroukh.

Faynuusta casriga iyo sida maanta loo isticmaalmo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Faynuusyada casriga

Samaynta faynuusta waxay si weyn isu beddeshay xilligan casriga ah. Markii hore gacanta ayaa lagu sameyn jiray iyadoo la adeegsanayo bir, alwaax iyo muraayad midabo leh, laakiin maanta suuqyada waxaa soo galay faynuus ka sameysan balaastig oo muusig leh, waxaa laga keenaa Shiinaha.

Masar weli waxaa ka jira faynuusyo gacanta lagu sameeyo. Dhawaan waxaa kordhay baahida loo qabo noocyada gacanta lagu sameeyo.

Qarniyo badan, faynuustu waxay aheyd astaan farxad iyo rajo marka la gaaro bisha Ramadan. Waqtiga hadda la joogo faynuustu weli waa astaan lagu maamuuso bisha Ramadaan.