Sidee buug uu qoray Sheekha Al-azhar ugu gogol xaaray doodda Islaamka iyo cilmaaniyadda?

sawir

Xigashada Sawirka, Dar Al Tanweer Publishing House

Dood tobannaan sano u dhexeysay aqoonyahanno iyo kuwa xiiseeya siyaasadda dunida Carabta oo dhinac walba isku dayayeen in ay qiil u yeelaan dooddooda ayaa inta badan guuldarro ku dhamaaneysay. Arrintan ayaa siyaabo kala duwan u soo laalaabatay.

Bishii April sanadkii 1925-kii, buug lagu magacaabo "Islaamka iyo mabaadi'da dowladnimada" waxaa Masar ku daabacay Sheikh Ali Abdel Razek. Ujeedka buuga ayaa ahaa in uu kor u qaado fikradaha dowlad rayid ah. Dooda buuga waxay aheyd in Islaamka uu yahay fariin diimeed, mana cadeyn qaabka ugu haboon ee siyaasad dowladeed.

Waxa uu buugga xoojiyay inaysan caqiiddada Islaamka aasaas u aheyn nidaamkii maamulka Khilaafada ee boqolaalka sono soo xukumayay Islaamka.

Buugga wuxuu dood ka dhex dhaliyay gudaha Masar iyo dibadda, wuxuuna keenay in qoraaga buugga laga eryo Al-azhar, eedeymo badan ayaa loo soo jeediyay ilaa ay gaarto in la dhaho Ali Abdel Razek ma ahan qoraaga saxda ah ee buuga. Hadaba waa kuma Ali Abdel Razek? Maxay yihiin afkaarta uu soo bandhigay? Maxayse aheyd sababta keentay in la daabaco buuggaas?

Burburkii Khilaafada

Waqtiga buugga la dabaacay oo aheyd 1925-kii ayaa dooda sii kordhisay. Waxay aheyd sanad kaddib markii baarlamaanka Turkiga ay burburiyeen hay'adihii khilaafada.

Muddadaas, dalal badan oo Muslimiintu ku badan yihiin waxaa maamulayay gumeysiga reer galbeedka kaddib qarniyo ay boqortooyadii Cusmaaniyiina soo xukumeysay.

Aqoonyahannada dalalkan waxay doonayeen in ay dhisaan dowlada casri ah oo ku saleysan fikradaha dimuqraadiyada, in awoodaha lakala qaado iyo doorasho, waxay u muuqdeen in nidaamka siyaasadeed ee reer galbeedku uu saameeyay. Masarna waxay ka mid aheyd meelaha ugu muhiimsan ee isbeddeladan.

Kacaankii 1919-kii, kaas oo madaxbannaani ka dalbaday gumeysigii Britain ayaa laga dhexlay madaxbannaani aan dhammeystirneyn, dastuur cusub iyo doorashooyin baarlamaan. Waxaa horkacayay howlashaas Saad Zaghloul, oo ahaa hoggaamiyaha xisbiga Wafd.

Dowladda Masar u dhalatay xilligaas in ka yar sanad ayey ku burburtay. Kaddib waxaa la dhisay dolwad kale oo ka kooban xisbiyo balse caan uma aheyn sida tii xisbiga Wafd.

Dimuqraadiyadda curdunka aheyd ee Masar dib u dhac weyn ayaa ku yimid, waxaana soo baxay baaqyo ah in la soo celiyo khilaafada iyadoo boqor Fuad la soo jeediyay in uu hoggaanka qabto.

Buugga waxa uu ku saleysnaa wixii markaas dhacayay balse waxa kaliya ee ku cusbaa ayaa ahaa garsooraha magaalada Mansoure.

liberaal

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xisbiga Liberaalka

Ali Abdel Razek waxa uu ka dhashay qoys beeroley ah oo ka soo jeeda gobolka Minya, wuxuuna dhashay 1887-dii. Waxa uu wax ku bartay Al-azhar, kaddibna waxa uu waxbarasho u yimid jaamacadda Oxford ee UK. Ka hor inta uusan Masar ku laaban kuna biirin garsoorka Shareecada, Abdel Razek fakarkiisu wuxuu ahaa mid taageersan xisbiga Liberaalka kaas oo ay xubno ka ahaayeen saraakiil badan iyo maalqabeeno.

Marka laga reebo Ali Abdel Razek, xisbigaas waxaa taageerayay dad badan oo caan ah sida Taha Hussein oo si la mid ah Ali Abdel Razek soo maray khilaaf la xiriirka buugiisa 1926-dii. Maxay yihiin fikradaha ugu caansan ee buuga ku jira kuwaas oo keenay dooda?

Buugga

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Abdul-Razzaq buugiisa waxa uu ku bilaabay, "Islaamka iyo mabaadi'da dowladnimada", oo ah cilimibaaris laga sameeyay dowladii Khilaafada Islaamka. Wuxuu sheegay in cilmibaaristiisa Shareecada ay ku dhalisay in uu buug qoro.

Fakradaha uu buugga ku fadhiyo ayaa aheyd in Nabi Muxamed 'CSW' uu ahaa 'rasuul diimeed oo boqortooyo aysan saameyn ku yeelan".

Abdul Razzaq wuxuu kaloo sheegay in aysan diinta ku jirin wax taageeraya in khilaafada ay lagama maarmaan tahay "waxyna ku saleysneyd xoog cabsigelin ah".

Wuxuu sidoo kale tilmaamay sida Muslimiinta u galeen boqortooyooyinka, una noqdeen wadamo yar yar xiligii khilaafada ay daciiftay, aysan keenin in diinta la lumiyo ama Muslimiinta joojiyaan ku dhaqanka diinta.

Buugga Abdul Razzaq wuxuu ugu baaqay Muslimiinta in ay sameeyaan asaaska boqortooyo iyo habkooda dowladnimo taas oo u saleysan 'hal abuurka ugu casrisan ee maskaxda aadanaha'.

Fikradaha buugga waa kuwa khilaaf iyo dhaliilo keenay gaar ahaan dhammaadkii khilaafada.

Qoraaga caanka ah, Muhammad Rashid Rida ayaa weerar xoogan ku qaaday buuga iyo qoraaga isagoo ku tilmaamay fikradaha buuga ku qoran bidcanimo.

Buugaag badan ayaa laga qoray Islaamka iyo mabaad'ida dowladnimo waana la dhaliilay.

masar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kuwa ka horjeestay fikradaha ku qoran buugga Ali Abdel Razek waxay qoreen waxyaabo beeninaya qoraalkiisa iyagoo soo xigtay qoraallo taariikhi ah.

Sidoo kale wargeysyada Masar ayaa qoray warbixino badan oo lagu difaacayo Ali Abdel Razek iyo fikaradihiisa, waxaana ka mid ah qoraaldaas kuwa ay qoreen Mohamed Hussein Heikal iyo Salama Moussa.

Dagaalka ku saabsan buugga kuma ekeyn wargeysayda balse waxa uu gaaray golayaasha jaaacadda Al-Azhar.

Golaha culumada Al-Azhar ayaa isku yimid July 1925-kii, waxayna ku soo oogeen Ali Abdel Razek toddobo qodob. Bishii Agost ayuu horyimid golaha iyagoo ka qaaday darajada culumonimo, waxana ka tirtireen magaciisa diwaanka Al-Azhar.

jaamacadda Azhar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Go'aanka Abdel Razek looga saaray Al-Azhar sooma afjarin dagaalka ku saabsan buugga. Qoraallo markaas kaddib la sameeyay iyo cilmibaarisyo ku saabsan doodaas ayaa shaaca ka qaaday in khilaafka uu la xiriiro siyaasad.

Sanado ayuu Ali Abdel Razek ka maqnaa fagaarayasha ka hor inta aysan Al-Azhar go'aamin in ay dib u soo celiso sanadkii 1940-kii. Xiligaas walaalkii Mustafa Abdel Razek ayaa ahaa imaamka ugu weyn Al-Azhar, waxaana isla sanadkaas loo magacaabay wasiir. Dadaallo lagu soo celinaya Khilaafada ayaa degdeg u guuldaresytay. Waxaana cadaatay in ay ka xoog badiyeen arrimaha madaxbannaanida iyo dimuqraadiyada taasoo Masaari badan doonayeen.

Hal qarni kaddib daabacada buugga "Mabaadi'da Islaamka iyo dowladnimada", su'aashii uu keenay Ali Abdel Razek, taageerayaashiisa iyo kuwa ka horjeeday, weli waxay ka muuqdaan fagaarayaasha lagu doodo ee dunida Carabta. Waxaana ka mid ah su'aalahaas. Diintu miyey jaangoysaa qaabka dowladnimo? Islaamka iyo dowladaha rayidka ma isla jaanqaadikaraan? Khilaafada Islaamka halkaas miyey ku joogsatay mise qaab hor leh ayey u soo baxeysaa. Waa doodaha taagan.