Qoysas ay saamaysay musiibada ka dhalatay roobabka Muqdisho oo BBC-da la hadlay

Xigashada Sawirka, Qoyska
Waxaa wali soo baxaya khasaaraha naf iyo maalba leh ee ay geysteen roobab xooggan oo fiidnimadii jimcaha ilaa subaxnimadii sabtida ka da'ayey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Roobabka oo saacado badan da'ayey ayaa dhaliyey daadad xooggan oo sababay dhimasho, dhaawac iyo waxyeello soo gaartay jidadka magaalada qaarkood.
Inta badan goobaha ay deggan yihiin dadka danyartaa ayey saamaynta ugu badan gaartaa xilliyada roobabka noocaan oo kale ay ka da'aan magaalada Muqdisho kuwaas oo deggan goobo ka samaysan jiingado iyo dhismayaal nugul.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay Raysal Wasaare ku xigeenka Labaad ee xukuumada Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jibriil Cabdirashiid oo hoggaaminayey guddi ka kooban heer wasiirro, gobol iyo hey'adda SoDMA, kuwaas oo uu magacaabay Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagey qaar ka mid ah goobihii ay saameynta ku yeesheen roobabkii mahiigaanka ahaa ee ka da'ayey caasimadda.
Sidaas oo kale Intii roobabku da'ayeen, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo ay weheliyeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa kormeeray sida xaalku noqday xilli waddooyinka qaar ay go'een daadka roobabka ka dhashay owgeed.
Taliyaha ayaa boogaadiyay "ciidanka booliiska oo gurmad bini'aadanimo u sameeyay shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho oo qaarkood ay waxyeello u geysteen daadadkii ay dhaliyeen roobabkii xalay."

Xigashada Sawirka, OPM
Qoys ay khasaaro dhimasho ka soo gaaray roobabkii da'ayey

Xigashada Sawirka, Qoyska
Liibaan Cismaan Xaaji, waa aabbe qoys ka kooban dhowr iyo tobban qof oo waxyeello dhimasho ah ay qosykiisa ka soo gaareen roobabkii ka da'ay Muqdisho.
Qoyska ayaa degganaa guri jiingad ka samaysan oo ka kooban labo qol iyo daarad, markii masiibadu qasatay, roobabka xooggana owgood, qoyska waxaa ku soo dumay darbi ku teedsanaa qaybta dambe ee gurigood sida uu BBC-da u sheegay Liibaan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
''Waxaan ka koobnayd ilaa 10 qof markaas, waxaan guriga tagay abaaro xilligii cishaha, markaas oo roobku yimaaday, markaan guriga tagay, waxay isiisay koob biyaa waxaana ka wada hadlaynay arrimo noo gaara, waxay jiiftay joodari, ilmo yar oo ay ayeeyo u tahay dhinaceeda ayey jiftay, guriga hoos ayaa biyo naga soo galeen, waxaan u istaagay biyaha inaan celceliyo, biyihii waa celin waayey waxaan ku dhahay walalaeey biyaha ma celin kareen ee roobka ha istaago waxay igu yiri waayahaye iska soo fariiso," ayuu BBC-da u sheegay Liibaan.
Wuxuu intaa ku daray in ay xaaskiisu u sheegtay inay carruurta la geeyo qolka ay ku jireen mahaa kan kale oo isaga iyo xubnaha kale ee qoysku ay geeyeen qolka kale, markaas ka dibna uu ku soo dumay darbigu.
''ilmihii markii la bixiyey oo an rabo inaan joodariga ku fariisto balse aan taaganhay wali ayaan darbigii soo dumay, gadaal ayaan u booday darbigii iyada iyo ilmaha yar ayuu ku habsaday anniga tarniiga ama laamayeeriga ayaa igu soo dumay"ayuu yiri Liibaan.
Xaawo Xasan Isaaq oo 47 sanno jir ahayd iyo gabar yar oo 10 bilood jir ah oo ayeeyo u tahay ayaa ku dhintay darbiga ku soo dumay gurigeeda sida uu BBC-da u sheegay Liibaan Cismaan oo xilliga dumista darbiga indhihiisa ku arkayey siday wax u dhacayeen.
''Darbiga waa naga sareeyey annaga ka hoosaynayn iyada dhan waa duugantay, deriska aya noo soo gurmaday, ilaa tobbankii ama shan saac habeenimo ayaan maydkooda ka soo saarnay,"ayuu yiri Liibaan.
Xasan Jaylaani Amiin, waxaa dhashay Xaawo Xasan wuxuu BBC-da u sheegay in xilliga gurigu ku dumayey hooyadiis uu isagu ku maqnaa badda oo uu kalluumayste yahay.
''Waa dareemi kartaa qof hooyadiis oo caafimaad qabta ka tagay markuu soo laabtay iyadoo mayd ah iyada gabar aan abti u ahay u yimid, waxaa masiibada ii sheegay subaxdii markaa imid adeerkay, ayaa soo sheegay" ayuu yiri Xasan.
Labada marxuum ayaa shalay lagu aasay magaalada Muqdisho.

Xigashada Sawirka, Qoyska
Dhanka kale hooyadan oo ka gaabsatay in la sheego magaceeda ayaa BBC-da u sheegtay inay ka barakaceen gurigooda oo ku yaalla inta u dhaxaysa isgoyska Dabka iyo Bakaaraha halkaas oo roobabakii xooggana ee da'ay ay waxyeello gaarsiiyeen teedka dhismahooda.
Waxay sheegtay in xilligii habeenimada ay cabsi badan ku jireen ka dib markii korontadii iyo biyihiba ay go'een, markii waagu baryeyna ay iyada iyo afar carruura oo ay dhashay ay ku qasbanaadeen inay ka baxaan gurigooda iyagoo u barakacay xaafadaha degmada Warta Nabadda ee isla magaalada Muqdisho.
''Waan cabsannay maaddaama guriga hoostiisa ay biyuhu si daran u qodeen, guryihii oo nagu dumi gaaray, waxaan ku khasbanaanay inaan ka soo baxo guriyagii oo goglan, meesha wadadiina waa go'day cidna ma gali karto, markaa ilmo haysatidna waa dhib." ayey sheegtay hooyadan iyadoo cabiraysay dareenkeeda.
Waxay sheegtay inay cabsida ugu badan ee ay gurigeeda uga guurtay ay tahay inay ka cabsanayaan ina roobab kale oo mahiigaana ay da'aan guryuhuna ku dumaan.
Caqabadaha iyo xalka

Haddaba khasaaraha noocan oo kale ah marka uu yimaado maxay tahay in laga barto, Injineer Cabdifataax Axmed Gacal waa khabiir ku takhasusay dhismayaasha iyo qorshayntooda, gaar ahaanna wuxuu bartay sida loo qorsheeyo oo loo diyaariyo dhismayaasha magaalooyinka.
"Arrinta ugu weyn waa ayadoo aan dib loo eegin ama aan loo samayn qoshe magaalo oo guud (Master plan), waxayna u baahan tahay in daraasad lagu sameeyo, maadaama ay 10kii sano ee u dambeeyey ay dad ku soo badanayeen magaalada, waxaa sidoo kale ku soo batay dhismayaal cusub oo waaweyn, waxaana dhacday in meelihii biyuhu mari lahaayeen qaarkood guryo laga dhiso, ayadoo qof kastana uu biyaha iska soo moosayo, waxayna saamayn ku yeelanaysaa dadka danyarta ah" ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray in kaabayaasha magaalada ay iyagana caqabad haysato "waxaa isku xiran biyaha, tamarta iyo gaadiidka, ilaa haddana ma muuqato in ay xiriir leeyihiin dadka hawshaas gacanta ku haya, waxaana muhiim ah in dadka ay arrintan khusayso laga qayb galiyo" ayuu sii raaciyey Injineer Cabdifataax.
Sidoo kale meesha kama uusan saarin saamaynta isbeddelka cimilada, laakinse wuxuu diiradda saaray caqabadaha xagga farsamada iyo khibradda "dhaliisha waxay ka taagan tahay khubaro la'aan, laakinse waxay ila tahay taas marka la fiiriyo in hay'adaheenna aysan weli si buuxda uga soo kaban dhibaatadii laga dhaxlay dagaallada sokeeye" ayuu yiri Injineer Cabdifataax.
Wuxuu intaa ku daray in dib u hawl galinta nidaamka bullaacadaha ee magaalada ay u baahan tahay wakhti iyo juhdi badan "Way adkaanaysaa in nidaamkii bulaacadaha sidiisii lagu soo celiyo, nidaam cusub haddii hadda la samaynayana 8 jeer ayuu ka kharash badnaanayaa kii hore, sidaa darteed waxaa haboon in qorshaha dhismaha magaalada dib loogu laabto oo magaalooyin kale daafaha magaalada laga abuuro, Muqdishana xalkeeda la raadiyo" ayuu yiri, wuxuuna tusaale u soo qaatay magaalada Delhi oo kala ah Delhi-da duqda ah iyo Delhi-da cusub. Wuxuu ku taliyey in khubaro hawshaas loo xil saaro.













