Xal ma loo heli karaa dhibaatada reer Muqdisho soo foodsaarta xilliyada roobabku da’aan

Roob waddo xiray

Xigashada Sawirka, Radio Kulmiye

Magaalada Muqdisho waxaa Axaddii ka da’ay roob aad u xoog badan oo da’ayey muddo ka badan 12 saacadood.

Wuxuu roobkaas gaystay khasaare mood iyo noolba leh, ayadoo uu saameeyey isu socodkii dadweynaha, imtixaannadii iskuullada, dullimaadyadii gudaha dalka iyo kuwa caalamiga ah, iyo nolosha guud ahaan.

Ma aha markii ugu horreysay ee roob xoog leh uu khasaare gaysto, kuwii hore u di’i jiray ee khasaaraha gaysan jiraynna ma muuqato in si wanaagsan loogu baraarugsanaa si looga gaashaanto xaaladahan oo kale.

Hay’adaha saadaasha hawada ee Qaramada Midoobay iyo kuwa Soomaaliya waxay hore uga digeen roobab iyo daadad laga yaabo in ay khasaare gaystaan, laakin khasaaraha hore loo soo arkay marnaba ma gaarsiisnayn midkii Axaddii la arkay, ama waxaa suurtogal ah in la fududaystay.

Xaafadaha ay roobabku saameeyeen badankood ayaa ah kuwo ku yaalla dhul godan oo biyo qabatin leh.

Roob waddo burburiyey

Xigashada Sawirka, Somalia Online

Saamaynta waddooyinka

Tiro waddooyin ah oo magaalada Muqdisho ku yaalla ayuu roobku jaray, qaarna burburiyey.

Waddooyinkaas waxaa ka mid ah, sida uu sheegay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, waddada dabka ka baxda ee tagta bakaaraha, waddada Shaqaalaha ka baxda ee tagta Kaasa bobolaare, Waddada Ceel qalow ee gasha korantada, Waddada Daalo, Waddada iskuulka Xamar jadiid, waddada masaajidka xareed iyo qaar kale oo ay ka mid tahay waddada xerada ciidamada ee Cagadhiig.

Waddooyinkaas qaarkood ama intooda badan waxaa lagu yaqaanna inay xirmaan xilliyada Roobabka, waxaana ugu wacan hanaankii bullaacadaha Magaalada oo aan muddo dheer dayactid lagu samayn, iyo qashinka oo si joogto ah loogu daadiyo, kadibna uu keeno inay xirmaan meelaha biyuhu ka baxaan.

Qaar ka mid ah waddooyinkaas waa kuwa soo gala garoonka dayaaradaha ee Aadan Cadde oo dhamaantood ay biyo xireen. Waxaa kaloo ku burburay waddooyin dhawaan dayactir lagu sameeyey.

Biyo fariisinnada

Biyaha Muqdisho kala xiray oo ah kuwo ka dhashay roobabka xoogga leh ayaa waxaa jira biyo fariisinno caan ah oo magaalada gudaheeda ku yaalla, meelahasoo ay isugu tagaan biyaha meelaha kala duwan ka soo rogmada.

Biyo fariisinnadaas waxaa ka mid ah warta Siigaale, warta Ceel Aw Muudde, Warta 15ka May ee degmada Wardhiigley iyo warta Hillaac ee degmada Wadajir.

Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in inta la ogyahay ay “laba qof ku dhinteen, qoysaskii deegaannadaas degganaana ay ka guureen, 11 gurina ay ku dumeen”.

Garoonka dayaaradaha Aadan Cadde

Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ayey wararku sheegayaan in muddo uu xirnaa sababo la xiriira roobka xoogga leh. Taas waxay keentay inmuddo ay hakad galaan duullimaadyada

Midi waa wadooyinka garoonka soo gala oo xirmay sida waddada ka timaada Lambar afar, waddada ka timaadda korantada iyo waddada iskuulka 21 Nofembar.

Tan kale waa ciiryaamo xoog leh oo aan looga baran garoonka iyo agagaarkiisa oo keentay in la joojiyo duullimaadyadii ka bixi lahaa Muqdisho, kuwa soo degi lahaana loo weeciyo meelo kale.

Roob biyo dhigay

Caqabadaha iyo xalka

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Haddaba khasaaraha noocan oo kale ah marka uu yimaado maxay tahay in laga barto, Injineer Cabdifataax Axmed Gacal waa khabiir ku takhasusay dhismayaasha iyo qorshayntooda, gaar ahaanna wuxuu bartay sida loo qorsheeyo oo loo diyaariyo dhismayaasha magaalooyinka.

"Arrinta ugu weyn waa ayadoo aan dib loo eegin ama aan loo samayn qoshe magaalo oo guud (Master plan), waxayna u baahan tahay in daraasad lagu sameeyo, maadaama ay 10kii sano ee u dambeeyey ay dad ku soo badanayeen magaalada, waxaa sidoo kale ku soo batay dhismayaal cusub oo waaweyn, waxaana dhacday in meelihii biyuhu mari lahaayeen qaarkood guryo laga dhiso, ayadoo qof kastana uu biyaha iska soo moosayo, waxayna saamayn ku yeelanaysaa dadka danyarta ah” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray in kaabayaasha magaalada ay iyagana caqabad haysato "waxaa isku xiran biyaha, tamarta iyo gaadiidka, ilaa haddana ma muuqato in ay xiriir leeyihiin dadka hawshaas gacanta ku haya, waxaana muhiim ah in dadka ay arrintan khusayso laga qayb galiyo” ayuu sii raaciyey Injineer Cabdifataax.

Sidoo kale meesha kama uusan saarin saamaynta isbeddelka cimilada, laakinse wuxuu diiradda saaray caqabadaha xagga farsamada iyo khibradda "dhaliisha waxay ka taagan tahay khubaro la’aan, laakinse waxay ila tahay taas marka la fiiriyo in hay’adaheenna aysan weli si buuxda uga soo kaban dhibaatadii laga dhaxlay dagaallada sokeeye” ayuu yiri Injineer Cabdifataax.

Wuxuu intaa ku daray in dib u hawl galinta nidaamka bullaacadaha ee magaalada ay u baahan tahay wakhti iyo juhdi badan "Way adkaanaysaa in nidaamkii bulaacadaha sidiisii lagu soo celiyo, nidaam cusub haddii hadda la samaynayana 8 jeer ayuu ka kharash badnaanayaa kii hore, sidaa darteed waxaa haboon in qorshaha dhismaha magaalada dib loogu laabto oo magaalooyin kale daafaha magaalada laga abuuro, Muqdishana xalkeeda la raadiyo” ayuu yiri, wuxuuna tusaale u soo qaatay magaalada Delhi oo kala ah Delhi-da duqda ah iyo Delhi-da cusub. Wuxuu ku taliyey in khubaro hawshaas loo xil saaro.