Maxaa ka dhacay Jabuuti: Khasaaraha daadadkii ku dhuftay iyo gurmadka la fidiyey

Jabuuti
Qoraalka sawirka, Daadadka Jabuuti

Dalka Jabuuti waxaa ku dhuftay daadadkii ugu saameynta badnaa ee dalkaasi soo mara, waxaana la arkay biyo fara badan oo qulqulaya wadooyinka magaalaooyinka kala duwan ee dalkaasi.

Baraha bulshada ayaa lagu arkay kooxaha badbaadada oo gurmad u fidinaya dhowr qof oo ay biyuhu qaadeen, iyadoo ay jirto tiro dhimasho ah oo aan badneyn, walow dadka ugu badan la soo badbaadiyay.

Gobolka Carta ayey ka dhacday dhimashada, hase yeeshee daadadka badankood ayaa lagu arkayay gudaha magaalada caasimadda ah ee Jabuuti.

Kooxaha gurmadka ayaa saacado badan baadi goobayay mid ka mid ah dadka dhintay oo ugu dambeyn meydkiisa la helay, iyadoo xilligaasi ay roobab mahiigaan ah ka da'ayeen gobollada iyo deegaannada ku hareereysan gobolka Carta.

Sida uu sheegay Taliye Xasan Ibraahim Ismaaciil oo ah madaxa samatabixinta ee Hay’adda iyo Ilaalinta Rayidka, kooxaha gurmadka ayaa aad ugu dadaalaya sidii ay u badbaadin lahaayeen dadka ay daadadku la tagaan.

Duqa Jabuuti Siciid Daa'uud Maxamed oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in Jabuuti ay la kulantay roobab mahiigaan ah, taasina ay keentay in magaalada ay biyo badan dhex qul qulaan.

“Tiro rasmi ah oo ku geeriyootay weli ma hayno, dad badan ayaa isbitaallada la geeyay oo diyaarado lagu daad gureeyay, waxa aan galnay shir deg deg ah, si xaaladda aan gurmad deg deg ah u gelinno, haddeerna heegan ayaan nahay.

Jabuuti
Qoraalka sawirka, Daadadka Jabuuti

Roobabku xilligii loogu tala galay ama la sugi jiray ma da’ayaan, waxaa jira khasaare hantiyeed oo beero u badan laakiin ilaa hadda si rasmi ah looma ogaan karo khasaaraha rasmiga ah”, ayuu yiri Barasaabka Jabuuti Siciid Daa'uud Maxamed.

Jabuuti ma aha xilligii caadiga ahaa ee ay roobabku ka di’i jireen ama la sugi jiray sida uu barasaabku sheegay, waxaase muuqata in ay jirto is bedel cimilo oo saameyn leh.

Maxamed Ismaaciil Nuur oo ah agaasimaha guud ee saadasha hawada dalka jabuuti ayaa ka faalloonaya waxyaabaha dhaliyay isbedelka cimilo iyo daadadka xad dhaafka ah ee uu wajahayo dalka.

“Ka dib roobab xooggan oo maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayay Jabuuti, waxa ay sababeen is bedel cimilo, sida caadiga ah Jabuuti roobabka diraacda ayaa ka da’a bilaha saddexaad, bisha afaraad iyo bisha shanaad, bishii saddexaad ayaana hadda ku jirnaa".

"Waxa uu u badnaa dhinaca dhinaca shibille, Jabuuti waxa uu da’ay 20-mm, Carta 12, Weeco 5, Dameerjoog, 20, Cumar jagac 8, Lowyacadde 10, Dikafaa 60, Shabeeley 100, iyo calisabiix oo tiixtiix uu ahaa”, ayuu yiri Agaasimaha guud ee saadaasha hawada Jabuuti.

Jabuuti

Xigashada Sawirka, X

Qoraalka sawirka, Maxamed Ismaaciil Nuur oo ah agaasimaha guud ee saadasha hawada Jabuuti

Waxa uu sheegay in dhowr goor oo hore oo roobkan oo kale uu da’ay uu gaaray ilaa 500-mm gaar ahaan sanadkii 1998-dii iyadoo uu sababay in kabadan 25-000 oo barakacayaal ah.

Sidoo kale waxaa ku dhintay dad gaaraya ilaa 40 ruux.

2004-tii dad lagu qiyaasay ilaa boqol ruux ayaa ku geeriyootay daad ka dhashay roobabka diraacda ee xilligan oo kale da’ay iyadoo kumanaan kalana ay ku barakeceen.

“Roobkan wax duufaanno ah ma wato waa roobkan diraacda ah, dabeylana ma wato oo xagga badda ayuu ka imaanaya, waxa quwadda u yeelaya waa badda, marka shicibka Jabuuti ha taxadaraan hana is dejiyaan waa Ramadaan waana roobkii aan Sugeynay”, ayuu sii raaciyay Agaasime Maxamed Nuur.

Diyaaradaha Helilokabtar ah ayaa la arkayay iyaga oo badbaadinaya dad shacab ah oo ay daadku go,doon geliyeen, iyadoo dowladdu ay sheegtay in kooxaha gurmadka deg degga ah ay ku guda jiraan raadinta dadka kale ee loo maleynayo in ay biyuhu la tageen.