Muxuu yahay go’aanka adag ee ka soo baxay maxkamadda Cadaalada ee ICJ ee la dul-dhigay Israa’iil?

DAGAALKA QASA

Xigashada Sawirka, Reuters

Maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay ayaa si wada jir ah ugu amartay Israa’iil inay awood u siiso qulqulka gargaarka aan la xannibin ee Gaza si loo baajiyo macaluul.

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ayaa sheegtay in Israa’iil ay ku qasban tahay inay ku dhaqaaqdo “daahitaan la’aan” si ay u oggolaato bixinta adeegyada aasaasiga ah iyo gargaarka bini’aadantinimo.

Tani waxay daba socotaa digniino sheegaya in macaluul ay ku dhufan karto Qasa toddobaadyo gudahood.

Israa'iil ayaa ku tilmaantay eedeymaha ah in ay xannibayso gargaarka "mid aan sal lahayn".

Waxa ay sidoo kale beenisay eedeymaha xasuuqa ah ee ay South Africa u gudbisay maxkamada ICJ waxa ayna ku eedeysay Qaramada Midoobay dhibaatada qeybinta gargaarka.

DAGAALKA QASA

Go’aankii ugu dambeeyay ee maxkamada Hague ayaa imaanaya kadib markii Koonfur Afrika ay ka codsatay inay xoojiso amar la siiyay Israa’iil bishii Janaayo si ay u qaado dhammaan tallaabooyinka looga hortagayo falalka xasuuqa ah ee Qasa.

In kasta oo amarada ay soo saarto ICJ ay yihiin kuwo si sharci ah loo fulinayo, haddana maxkamaddu ma laha awood ay ku dhaqangeliso.

Toddobaadkii hore, warbixin ay soo saareeny Hay'adda Isku-dhafan oo ay maamusho Barnaamijka Cunnada Adduunka iyo kuwa kale, ayaa ka digtay in xaalad "masiibo ah" ay soo kordheyso.

Waxay sheegeen in dhammaan 2.2 milyan oo qof oo Gaza ku nool ay "wajahaan heerar sare oo cunto yari ah" waxaana la saadaaliyay in macaluul ay ku dhufatay waqooyiga dhulka ka hor dhammaadka May.

Go’aankeeda, ICJ waxay ku sheegtay “in Qasa aysan hadda la kulmin khatar macaluul ah” balse “macluul ayaa ku so socota” balse sida ay sheegeen.

kormeerayaasha Qaramada Midoobay, 31 qof oo ay ku jiraan 27 carruur ah, ayaa mar hore u dhintay nafaqo darro iyo fuuq bax.

Dhawaan wakiilka sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqal insaanka Volker Türk ayaa sheegay in xaaladda gaajada iyo macaluush ka taagan Qasa ay tahay "natiijadii xayiraadda ballaaran ee Israa'iil ee soo gelitaanka iyo qaybinta gargaarka bini'aadantinimo”

Maxkamaddu waxay sheegtay in Israa'iil ay "qaadato dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee waxtarka leh si loo xaqiijiyo in haya’addaha gargaarka ee Qaramada midoobay ay bixiyaan gargaarka dadku u baahan yihiin.

Muxuu yahay gargaarka hadda Qasa looga baahan yahay

DAGAALKA QASA

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Iyadoo xiisadu ka sii darayso, Israa’iilna wali ku adkaysanayo howlgal ay ku qaadayso magaaada Rafax haddana walaaca laga muujinayo xaalada nololeed ee malaayiin reer Falastiina ayaa sii kordhaysa

Gargaarka aadka loogu baahan yahay xilligan waxaa ka mid ahaa cunto, biyo, koronto, shidaal, hoy, iyo dhar iyo sidoo kale agabka nadaafadda iyo sahayda caafimaadka sida ay sheegeen haya’addaha gargaarka ee caakamigaa.

Dacwad ay u gudbisay Israa'iil usbuucii hore, waxay ka codsatay maxkamadda ICJ inaysan soo saarin amarkii ugu dambeeyay, iyadoo sheegtay in eedeymaha Koonfur Afrika ay yihiin "mid aan sal iyo raad toona lahayn xaqiiqda iyo sharcigana ka fog"

Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in Xamaas ay qaadato inta badan mucaawinooyinka soo gala Qasa.

Iskahorimaadka hadda socda ayaa billowday kaddib weerarkii 7-dii Oktoobar, kaasoo lagu arkay rag hubeysan oo Xamaas ay hoggaaminayaan oo ka tallaabay xadka Israa’iil, halkaas oo ay ku dileen ku dhawaad 1,200 oo qof ayna qafaasheen in ka badan 250 kale.

Dadka la qaaday, ilaa 130 ka mid ah ayaa weli aan la ogeyn halka ay ku dambeeyeen, kuwaas oo 34 ka mid ah loo malaynayo inay dhinteen.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in ololaha aargoosiga ah ee Israa’iil ay ku dileen ugu yaraan 32,552 qof. Horaantii bishaan, xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in, dadka la dilay, in ka badan 25,000 ay ahaayeen haween iyo caruur.