Maxaa xigi doona ka dib dagaalka Qasa ee Israa'iil iyo Xamaas

Ciidanka Israa'iil

Xigashada Sawirka, Reuters

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa wacad ku maray inuu wax ka bedeli doono bariga dhexe xili dagaalka Qasa uu galay wajiga labaad.

Laakin iyadoo ciidamada Israa’iil ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan marinka Qasa oo ay soo saareen digniino cusub oo deg deg ah oo ay u jeedinayaan falastiiniyiinta in baxaan haddana wax badani ma muuqdaan.

Dagaalku halkee u socdaa, maxaase xiga?

Ka dib weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar, saraakiisha Israa’iil waxay ku celceliyeen inay Xamaas ka tir-tirayaan Qasa ciidan ahaan iyo siyaasad ahaanba.

Laakin marka laga soo tago adeegsiga aan joogsiga lahayn ee awoodda milatari ee xad dhaafka ah, ma cadda sida uu ku gaari karo hamigan aan horay loo arag.

Dr Milshtein, oo ahaa madaxii hore ee waaxda arrimaha falastiiniyiinta ee sirdoonka milatariga Israel, ayaa ka cabsi qaba in qorshayntu ay si dirqi ah u bilaabatay.

Diblomaasiyiin reer galbeed ah ayaa sheegay inay wadahadalo adag la yeelanayaan Israa'iil oo ku saabsan mustaqbalka, laakiin ilaa hadda ma jiraan wax cad.

Qorsheyaal milatari ayaa jira, kuwaas oo u dhexeeya hoos u dhigista awoodda milatari ee Xamaas ilaa ay la wareegaan qaybo badan oo ka mid ah Marinka Qasa.

Laakiin kuwa leh waayo-aragnimada dheer ee wax ka qabashada dhibaatooyinka hore waxay yiraahdeen taasi waxay ku saabsan tahay ilaa inta qorshuhu socdo.

"Uma maleynayo in uu jiro xal macquul ah, oo lagu shaqeyn karo Qasa maalin ka dib markii aan ka baxno ciidamadeena." ayuu yiri Haim Tomer, oo ah sarkaal sare oo hore uga tirsanaa sirdoonka dibadda ee Israa’iil ee Mossad.

Israa’iiliyiintu waa isaga wada mid in Xamaas la jabiyo Xasuuqii ka dib weerarkii 7-dii Oktobar oo ahaa mid aad looga naxay, "waana in aan ururka loo ogolaan inuu ka sii jiro Qasa" ayaa ah soo jeedimaha la qabo laakiin waa fikrad an si fudud Israa’iil u tirtiri Karin sida uu qabo Dr Milshtein.

Qasa

Is barbar dhiga xaalada hadda iyo xiliyadii hore.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ma dhiirigelin kartid tallaabadan taariikhiga ah la'aanteed qorshe ku saabsan maalinta xigta sida uu qabo Dr. Michael Milshtein, madaxa Madasha Cilmi-baarista Falastiiniyiinta ee Jaamacadda Tel Aviv.

Waxaa u baahan tahay inaad dib u eegto tagtooyinki hore si aad ugu tusaale qaadatid xiligan waxa taagan.

"Ma aha sida Berlin 1945-kii, markii calan la suray Reichstag ama waxaa is barbar dhiga wanaagsan ah wixii Ciraaq ka dhacay 2003-dii marki ciidamadii Maraykanku isku dayeen inay meesha ma saaran Saddaam Xuseen, waxay ahayd masiibo weyn.

Halyeeyadii Maraykanka ee dagaalkaas ka soo qayb qaatay ayaa ku sugan Israa’iil, iyaga oo kala hadlaya millatariga Israa’iil wixii ay kala kulmeen meelo ay ka mid yihiin Falluja iyo Mosul. "Waxaan rajeynayaa inay u sharxaan Israa'iiliyiinta inay khaladaad waaweyn ka sameeyeen Ciraaq," ayuu yiri Dr Milshtein.

Giora Eiland, oo ah madaxii hore ee golaha amniga qaranka Israa’iil wuxuu sheegay in sida kaliya ee ay Israa’iil ku gaari karto hamigeeda millatari ee Qasa ay tahay inaan la dilin dad rayid ah oo aan waxba galabsanin basle dadku ka guuraan marinka.

"Waa inay ka gudbaan xadka Masar," ayuu yidhi, "si ku meel gaar ah ama si joogto ah." Ayuu si raaciyey hadalkiisa.

Sarkaalkii hore ee Sirdoonka Israa’iil Mossad Haim Tomer waxaa uu qaba inay ahayd in la hakiyo howlgalka milatari muddo bil ah si marka hore loo qorsheeyo in la soo furto la haystayaasha gacanta ugu jira Xamaas.

Sannadkii 2012-kii, ka dib dagaal hore oo ka dhacay Qasa, Tomer waxa uu u raacay madaxa Mossad Qaahira wadahadalo qarsoodi ah oo ay ka soo baxeen xabbad joojin..

"Waxba igama gelin haddii aan sii deyno labo kun oo maxaabiis Xamaas ah, waxaan rabaa inaan arko dadkayagii oo ku soo laabanaya dalkooda."ayuu yri Tomer.

Wuxuu sheegay in Israa’iil markaas ka dib go'aansan karto inay dib ugu laabo howlagalada milatari ee buuxa ama doorato xabad joojin waqti dheer ah.

Waa maxay Xamaas maxayse rabtaa?

Xamaas waa koox falastiiniyiin ah oo ka talinaysay Marinka Qasa tan iyo 2007. Ururkan ayaa laf dhuun gashay ku noqday Israa’iil iyagoo hadafkoodu yahay inay ka qabsadaan dhulka ay degan yihiin si ay ugu badalaan dawlad ay ayagu leeyihiin.

Xamaas ayaa dhowr dagaal la gashay Israa’iil tan iyo markii ay xukunka la wareegtay. Dhinacyada ayaa galay dagaalo kharaar oo kan iminka socdaa ugu weyn yahay.

Iyaga oo ka jawaabaya, Israa’iil waxay marar badan ku weerartay Xamaas duqaymo xagga cirka ah. 2008 iyo 2014, waxay sidoo kale ciidan u dirtay Qaza.

Si wada jir ah Masar iyo Israa’iil waxay go’doomiyeen marinka Qasa tan iyo 2007 waxa ay ku tilmaantay sababo amni.

Xamaas gaar ahaan garabkeeda millatari, guutada Izzedine al-Qassam waxay Israa’iil, Maraykanka, Midowga Yurub iyo UK iyo waliba quwado kale u aqoonsadeen koox argagixiso.

Ururkan ayaa taageero xoog leh ka hela dowlada Iran oo ay xulufo dhow yihiin.