Maxay maskaxdeennu u sameysaa xusuuso been abuur ah?

Xusuus

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ma u xuusataa sida inay shalay ahayd?

Weligaa masoo xusuusatay inaad furahaaga uga soo tagtay meel, adigoo waliba aad u huba oo is leh halkaas baad uga soo tagtay, balse ma yaabtaa markaad ka weyso, qof baa qaatay haddana ma is dhahdaa, inkastoo aysanba Meesha oollin? Makuu caddaataa inay jeebkaagaba ku jireen?

Amaba saaxiibkaa ama saaxiibtaa makuu sheegtaa dhacdo labadiinnaba idin qabsatay balse adiga ma xusuusataa wax taas ka duwan?

Inkastoo dhacdooyinkaas ay xoogaa amakaag na geliyaan, haddana waa wax mar walba dhaca, xitaa annagoo aan ahmiyad sii siin.

“Qof walba wuxuu xusuustaa xusuuso been ah mar kasta, xitaa haddii ay u maleeyaan inay dunida ugu xusuus fiican yihiin,” ayay tiri Julia Shaw, oo cilmu-nafsiga ka dhigta Jaamacadda University College London.

Shaw ayaa arrintan u aaneyneysa qeyb ka mid ah xusuusaha, "xusuusaha nolosheenna ee mar walba la yimaada waxa loo yaqaanno 'multisensory components': annagoo xusuusaneyna sida ay tahay taabashada walxaha, sida ay u dhadhamayaan, muuqa, sida dhawaqoodu yahay... iyo dareemaha ay kuwani wataan".

"Xusuusahan waa kuwo aad isugu qasan marka loo eego xusuusta dhacdo," Ms Shaw ayaa sidaas u sheegtay BB-da qeybteeda Life Scientific.

Tusaale ahaan, haddii aad xusuusato dhacdo sida "September 11, 2001, weerarkii Twin Towers ee New York," uma baahnid inaad isticmaasho qeybo badan oo maskaxdaada ah.

Dhanka kale, marka aad soo xusuusaneyso dhacdo shakhsiyadeed, waa inaad isku xirtaa dhammaanba qeybaha maskaxda ee mas’uulka ka ah dareemo kala duwan.

Xusuusaha, ay Ms. Shaw ka digeyso, maha aha diiwaanka saxda ah ee wixii lasoo dhaafau kuwaasoo aan jeclaan lahayn inaan aaminno.

Qaabka aan u xusuusanno waa kuwo aan hagaagsaneyn, ayay tiri, aalaabana lama xiriiraan dhacdooyinka la xaqiijin karo, waa wax ay dhowr jeer xaqiijiyeen daraasado sayniseed.

Xasaradda dhanka jiritaanka

Xusuus

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

“Waxaa nahay xusuusteenna, waxaan nahay matxafkan wax badan lagu abuuro, muraayado badan oo jajaban,” ayay tiri qoraa Jorge Luis Borges, oo si fiican u fahamsan in xusuusaheenna ay yihiin kuwo soo laalaabta.

Balse haddii “aan nahay xusuusaheenna,” isla markaana ay yihiin kuwo aan la isku halleyn karin, ma beenaalayaal ayaan nahay?

Haddii si loo eego, haa, balse xaqiiqda ah inaynaan isku hubi karin in waxa aan xusuusanno ay run yihiin taasi maaha inaysan na walwal gelin, sida uu sheegay khabiirka xusuusta beenta ah.

“Waxaan filayaa inay tahay wax muhiim ah oo la ogaaday oo ku saabsan sida ay askaxdeennu u shaqeyso,” ayuu yiri.

“Dhabtiina, maskaxdeennu si saxan oo la isku halleyn karo uma duubto wixii tegay.

“Waxay u joogtaa waxa taagan kana fekerto mustaqbalka.

"Waa waxyaabahaan xajiibka ah, ee farshaxanka leh ee noo oggolaanaya inaan xallinno dhibaatooyinka, si aan u noqonno kuwo caqli leh, si farshaxan leh isugu aadinno warbixinta aan wixii hore kasoo helnay aana isugu geyno qaab aynnaan wleigeen hore u sameyn si aad uga abuurno sheeko cusub, xal cusub, fakrad cusub.

“Taasi waa sida loogu talogalay, marka waxyaabaha sida xusuusaha beenta ah waa wax ka dhashay awooddan aan caadiga ah.”

Xusuuso abuur ah

Xusuus

Shaw ayaa lagu yaqaannaa tijaabo ay sameysay taasoo qyeb ka ahayd shahaadadeedii ugu sarreysay ee doctorate, waxayna kusoo qaadatay koox arday ah oo sameeyay xusuuso been abuur ah.

Mana aha faahfaahinno yar: ardayda ayaa markii dambe awooday inay qeexaan sida, sanado kahor, ay u dhibaateeyeen dad amaba uu usoo weeraray xayawaan, iyadoo waxaasiba aysanba dhicin.

Balse iyagu iska aysan sameyn: Shaw ayaa u sheegtay inay qaabkan u fekeraan iyadoo ilaa saddex kulan u qabatay.

Kaddib markii ay oggolaasho ka heshay, waxay u sheegtay, tusaale ahaan, in waaliddiinteeda ay u sheegeen in markii ay 14 jir ahaayeen, uu qof ku weeraray qori iyadoo booliiskuna uu soo farageliyay.

Kaddib waxay u sheegeysaa faahfaahinno nolosha dhabta ah la xiriira, sida "saaxiibkaa Alan ayaa halkaas joogay," kaddibna waxay u sheegeysaa in tani ay ka dhacday halkii ay ku noolaayeen.

"Way ku filan tahay in qof laga dhaadhiciyo inuu ku fekero 'malaha taas waa dhacday,'" ayay tiri Ms. Shaw.

Kaddib waxay usoo jeedineysaa inay ka caawiso waxa ay ogeyd ee aysan iyagu xusuusan, waxayna u horkaceysaa leyliyo mala-awaaleed.

"Dhammaadka, xaddiga faahfaahinta ay i siiyeen waxay aad uga badatay qiyaasteyda. Intaasina maaha: "Ilaa 70% dadkii ka qeyb qaatay daraasaddeenna waxay abuureen xusuuso been abuur ah oo falal-dembiyeedyo ah.

“Marka laga eego dhanka sayniska, waa wax xiiso leh,” ayay tiri.

Balse ka warran dhanka bani’aadannimada marka laga eego?