Afar caqabadood oo ku horgudban Isra'iil iyo waxa ay hadda qorsheyneyso

Israa'iil

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Gelitaanka Israa'iil ee Qasa

Hogaamiyayaasha Israa’iil waxay ku dhawaaqeen in Xamaas “laga tirtiri doono guud ahaan dhulka” iyo in Qaza ay markale sidii hore kusii ahaan doonin.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa yiri kadib howlgalkii ay Xamaas 7-dii October ku qaadeen Israa’iil, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 1,400 oo qof, “Xubin kasta oo Xamaas ka tirsan waa nin dhintay”. Kadib waxa uu ballan qaaday in uu burburin doono "mashiinka argagixisada" ee Xamaas iyo qaab dhismeedkooda siyaasadeed.

Wasiirka Difaaca Israa’iil, Yoav Galant, ayaa ka hadlay abuurista "nidaam amni oo cusub" kadib markii ay gaareen hadafyadii ay ka lahaayeen Marinka Gaza oo ay fuliyeen weerarka dhulka, iyada oo aysan jirin mas'uuliyad Israa’iil ka saaran nolol maalmeedka.

Hadafka hawlgalkan oo loogu magac daray "Seefaha Birta ah" ayaa u muuqda mid aad uga hammi badan wax kasta oo ay ciidanka Israa'iil horay ugu qorsheeyeen Qaza, waxaana laga yaabaa inay sii socoto dhowr bilood. Laakiin su'aasha halkan ka soo baxaysa ayaa ah: hadafyada ma yihiin kuwo run ah, sideese madaxda Israa'iil ku gaari karaan?

Gelitaanka Marinka Qaza, waxa uu khatar weyn ku yahay dad rayid ah oo ka badan laba milyan. Ugu yaraan 7,000 oo qof oo u badan haween iyo carruur ayaa lagu dilay Gaza, boqolaal kun ayaa ka barakacay guryahooda.

Ciidamada Israa’iil ayaa wajahaya howlgal dheeri ah, kaas oo ah in ay soo badbaadiyaan in ka badan 220 la heysteyaal ah oo lagu hayo meelo aan la garaneyn oo ku yaalla qeybo kala duwan oo Qaza ka tirsan.

Qasa

Xigashada Sawirka, SAID KHATIB/AFP

Qoraalka sawirka, Waxa ka socda Qasa

Amir Bar Shalom, oo ah falanqeeye millitari oo ka tirsan Raadiyaha ciidamada Israa’iil, ayaa yiri, "Uma maleynayo in Israa'iil ay awood u leedahay inay burburiso dhammaan qaybaha dhaqdhaqaaqa Xamaas, sababtoo ah waxay ku dhisan tahay fikradda "Islaamka xagjirka ah," sida uu ku andacoonayo, laakiin waxay si ku filan u wiiqi kartaa dhaqdhaqaaqa si aysan u awoodin inay fuliyaan wax weerar dhulka dushiisa ah."

Daciifinta waxa laga yaabaa inay noqoto yool dhab ah oo ka badan in gebi ahaanba la burburiyo.

Israa’iil waxa ay dagaallo hore la gashay Xamaas, dhammaan isku daygeeda, mar kasta, si ay u joojiso weerarrada gantaallada waa ay ku guul darraysatay. Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa sheegay in hadafka ugu weyn uu ahaa in Xamaas aysan mar dambe yeelan awood ciidan oo ay ku “hanjabaan ama ay ku dilaan shacabka Israa’iil”.

Michael Milstein, oo madax ka ah Madasha Cilmi baarista Falastiin ee Jaamacadda Tel Aviv, ayaa hoosta ka xarriiqay in burburinta Xamaas ay noqon doonto mid aad u adag. Waxa uu sheegay in ay tahay hami weyn in lagu fikiro in xididada loo siibo Xamaas, oo ah garab ka tirsan Ikhwaanul Muslimiinka oo saamayn ku yeeshay dhaqdhaqaaqyada Islaamiyiinta ee dunida.

Wuxuu intaas ku daray, iyadoo aan loo eegin awoodda garabka milateri ee Xamaas, oo tiradoodu ka badan tahay 25,000 oo qof, ay leeyihiin inta u dhaxaysa 80 ilaa 90,000 xubnood oo kale oo qayb ka ah kaabayaasha daryeelka bulshada.

Waxay u muuqataa in dhamaadka, sida uu sheegay Wasiirka Difaaca Israa’iil, 75-ka sano ee soo socota ee Israa’iil jiritaankeeda ay inta badan ku xirnaan doonto natiijada dagaalkan.

Dagaalka dhulka waxaa ka buuxda khatar badan

Hawlgalka militariga ayaa waxaa ku hareereysan dhowr arrimood oo keeni kara in uu hakad galo, iyadoo la filayo in guutada Izzal Din Al-Qassam ay u diyaar garoobeen weerar ay Israa’iil ku soo qaado, iyagoo diyaarinaya walxaha qarxa, isla markaana qorsheynaya inay soo abaabulaan weeraro gaadmo ah. Waxa kale oo ay isticmaali kartaa isku-xirka adag ee ballaaran ee godadka si ay u weerarto ciidamada Israa’iil.

Qasa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qasa

Sannadkii 2014-kii, guutooyinka ciidamada lugta ee Israa’iil ayaa waxaa khasaare ba’an ka soo gaaray miinooyinka lidka ku ah taangiyada, iyo kuwa shiishka iyo gaadmada ah ee Xamaas, halka boqolaal rayid ah lagu dilay dagaal ka dhacay xaafadaha waqooyiga ee magaalada Qaza.

Askartii kaydka ahayd ee loo yeeray

cadaadiska caalamiga ah ee sii kordhaya ee xabbad joojinta, tirada sii kordheysa ee dhimashada rayidka Falastiin, jaritaanka biyaha, korontada iyo shidaalka, iyo digniinaha Qaramada Midoobay ee masiibada bini'aadantinimo.

"Dowladda iyo ciidanku waxay dareemayaan inay haystaan taageerada beesha caalamka, ugu yaraan hoggaamiyeyaasha reer galbeedka," ayuu yiri Yossi Melman, oo ka mid ah suxufiyiinta hormuudka ka ah amniga iyo sirdoonka Israa’iil. "

Balse waxa uu aaminsan yahay in ha dhowaato ama ha dheeraato e, xulafada Israa’iil ay soo faragelin doonaan haddii ay arkaan sawirrada dadka Qaza ku sugan oo gaajaysan. Cadaadiska ayaa sidoo kale kor u kici doona iyadoo tirada dhimashada rayidka ay sii kordheyso.

Badbaadinta la haystayaasha

Inta badan la haystayaasha waa Israa’iiliyiin, laakiin waxaa ka mid ah sidoo kale tiro badan oo ajaanib ah iyo kuwa haysta labo dhalasho, taasoo la micno ah in dowlado badan oo kale oo ay ku jiraan Maraykanka, Faransiiska iyo Boqortooyada Ingiriiska ay danaynayaan habkan si loo xaqiijiyo si badbaado leh loo sii daayo muwaadiniintooda.

Khabiirka dhanka istiraatijiyada ah ee Faransiiska, Kornayl Michel Joya, ayaa sheegay in ciidanka Israa’iil ay haystaan doorasho cad oo ah, in ay u turaan nolosha la haystayaasha, ama ay sii wadaan “inay waxyeello u geystaan Xamaas intii suurtagal ah.”

Codsiyada xanuunka badan ee ay sameeyeen qoysaska maxaabiistu waxay sidoo kale kordhiyaan cadaadiska saaran madaxda Israa'iil.

Rafaax

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Rafaax

Waa maxay mowqifka xisbiyada waaweyn ee Britain ee dagaalka Qaza?

Sannadkii 2011-kii, Israa’iil waxay ka macaashi jirtay in kabadan 1,000 maxaabiis falastiiniyiin ah, si ay u sii deyso askari lagu magacaabayay Gilad Shalit, oo Xamaas ay haysay muddo shan sano ah.

Waddamada deriska ah iyo la socoshadooda

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dalalka caalamka ayaa sidoo kale la saadaalinayaa in ay saameyn ku yeelan karaan natiijada weerarka dhulka ah.

Xuduudka Rafax ee Masar ay la wadaagto Qaza ayaa noqotay goob bini'aadantinimo, iyadoo gargaar xaddidan la gaarsiiyey Qaza. Muwaadiniinta ajnabiga ah iyo Falastiiniyiinta haysta baasaboorka ajnabiga ah ayaa sugaya inay ka baxaan xadka.

"Mar kasta oo dadka reer Qasa ay ku dhibtoonayaan ololaha militariga Israa’iil, ayaa cadaadis badan waxaa la kulmaya Masar iyagoo wajahaya eedo ah in dhabarka ay u jeediyeen dadka reer Falastiin," ayuu yiri Ofir Winter oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Amniga ee Isra’iil.

Laakiin cadaadiskan saaran Qaahira ma sii kordhin doono ogolaanshaha in dadka deggan Qaza ay si wada jir ah uga gudbaan Waqooyiga Sinai. Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa ka digay in isku day kasta oo lagu doonayo in dadka Qasa lagu wareejiyo gacanka Sinai ay ku riixi doonto Masaarida inay "ka baxaan oo ay mudaaharaad malaayiin ah sameeyaan."

Boqorka Jordan, Boqor Cabdallah, ayaa sidoo kale ka hadlay isku day kasta oo suurtagal ah oo lagu doonayo in qaxootiga Falastiin looga saaro Qaza, isagoo ka digaya "khadka cas", "Ma jiraan qaxooti Urdun, iyo qaxooti Masar ku sugan."

Xuduudka waqooyi ee Israa'iil la leedahay Lubnaan ayaa sidoo kale ku xiran kormeer dhow.

Iran, oo ah taageeraha ugu weyn ee Xisbullah, ayaa sidoo kale ku hanjabtay inay furi doonto " waji cusub" oo ka dhan ah Israa’iil. Waxay ahayd diiradda digniinta madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, markii uu yiri: "Dal kasta, urur kasta, iyo qof kasta oo ku fekeraya inuu ka faa'iidaysto xaaladdan, waxaan u hayaa hal kelmad oo a, “Ha yeelin!"