Erdogan "Israa'iil waa inay ka baxdaa xaaladda waallida"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa farriin kulul u diray Israa'iil kaddib markii ay sii xoogeysatay duqeynta Israa'iil ee Gaza ee xalay.
Wuxuu walaac ka muujiyay xaaladda bani'aadannimo ee halkaasi ka jirta.
Wuxuu ugu baaqay Israa'iil inay degdeg uga baxaan “xaaladda waallida,” sida uu ku qeexaym ayna joojiso weerarradeeda Marinka Qasa.
Qoraal uu baraha bulshada soo dhigay, ayuu ugu baaqay Turkida inay ka qeyb qaataan isu soo baxa ballaaran ee maanta lagu qabanayo Garoonka Ataturk ee Istanbul.
Wuxuu sheegay in isu soo baxan lagu xoojin doono taageerada Turkida ee Falastiiniyiinta.
Turkiga iyo Xamaas

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sanadihii ugu dambeeyay qaar ka mid ah mas'uuliyiinta Xamaas ayaa ku sugnaa Turkiga muddo gaaban ama dheer ama booqashooyin badan ku tagayay, balse Xamaas ayaan ku lahayn xafiis siyaasadeed oo rasmi ah oo si furan uga shaqeeya Turkiga, si ka duwan joogitaankooda magaalada Doha ee dalka Qatar.
Waxaa la isla dhexmarayaa in Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniye iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Xamaas ay ku sugnaayeen Istanbul 7-dii Oktoobar, xiligaas oo ah markii ay weerararka Israel lagu qaaday uu dhacay. Ikasta oo aanay jirin war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac ee Xamaas iyo Turkiga midna, haddana sawirro iyo waraysiyo qaarkood ayaa muujinaya joogitaankooda.
Xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Xamaas ayaa weli ah mawduuc xiiso leh. Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ma muujin wax xumaan ah ama dhibaato oo ku yimid xiriirka Turkiga iyo Xamaas.
Hadalada uu madaxweyne Erdogaan ka jeediyay fagaare uu ku taageerayo Xamaas ayaa soo jiitay taageero badan iyo dhaleecayn labadaba. Halka dalalka iyo ururrada qaar ay Xamaas u arkaan koox argagixiso, haddana Turkigu waxa uu u arkaa urur sharci ah oo u dagaallamaya xorayn iyo iska caabin.
Ankara ma waxay ka codsatay Haniye iyo madaxda kale ee Xamaas inay ka baxaan Turkiga?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warar kale oo soo shaac baxay maalmihii la soo dhaafay ayaa ah in kadib weeraradii 7-dii October ay mas’uuliyiinta Turkiga ka codsadeen Ismaaciil Haniye iyo Hogaamiyaasha Xamaas oo xiligaas ku sugnaa Turkiga in ay isaga baxaan dalka.
Eedeymahaas ka dib, waxaa bayaan lagu soo qoray barta X (Twitter) ee Agaasinka Madaxtooyada, gaar ahaan Waaaxda Isgaarsiinta iyo La-dagaalanka wararka been abuurka ah.
Qoraalka ayaa ku qornaa afka Carabiga ayaa lagu yiri: "Eedeynta ah in madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ku amray madaxda sare ee Xamaas inay si deg deg ah uga baxaan Turkiga waa kuwo aan waxba ka jirin."
Dibadbaxa weyn ee lagu taageerayo ee Falastiin oo 28 Octobar ka dhici doona Turkiga
“Dibadbaxa weyn ee Falastiin” oo uu soo qabanqaabiyay Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka (AKP) ayaa la filayaa inuu 28-ka October ka dhaco magaalada Istanbul kaas oo sida la sheegay lagu muujin doono garab istaagga Turkiga ee Falastiin iyo taageerada uu u hayo Xamaas.
Madaxweyne Erdogaan ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo isu soo baxaas, isagoo xoojinaya mowqifkiisa ku aadan dagaalada socda.













