Maxaad ka taqaan kooxaha ciidamada Maraykanka ee Ciraaq iyo Suuriya nasiinada u diiday

Kooxda

Xigashada Sawirka, Reuters

Jimcihii Maraykanka ayaa duqaymo ku garaacay baqaro ay hubka iyo rasaasta ku kaydsadaan ciidamada ilaalada kacaaka Iran oo ku yaalay Siiriya.

Ciidamada Maraykanka iyo xulafadooda caalamiga ah ayaa ilaa 12 weerar ka fuliyay gudaha Ciraaq, halka afar weerar ay ka sameeyeen Siiriya tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.

“Duqaymahaan qaaska ah waxay ahaayeen kuwa 'difaacu nafsi' ah oo loogu jawaabayay weeraro xiriir ah oo wali socda oo badankood ka dhan ah Maraykanka ku sugan Ciraaq iyo Siiriya, kuwaas oo ay sameynayaan kooxaha gacan saarka laleh Iran,” ayuu yiri Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka.

Waxaa jira tira maleeshiyooyin shiica ah iyo kooxo kale oo ciidamada Maraykanka iyo xulufadoodaba ku qaada weeraro, iyaga oo ka duulaya danaha Iran ee Syria.

Qaasin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xoogaga Qudus

Ciidmada Qudus ayaa qayb ka ah ialaalada kacaanka ee Iran iyada oo shaqooyin xasaasiyad leh ka qabta banaanka waddankoda Iran, iyaga oo kooxo gacan saar laleh Iran siiya tababaro iyo hub, sida kooxda Xizbullah ee Lubnaan iyo kooxaha shiicada eek u sugan Ciraaq ee soo ifbaxay tan iyo duulaankii Maraykanka ee Ciraaq 2003 dii.

Kooxdaan waxaa aasaasay taliyahoodii la dilay Qaasim Suleymaani, kaas oo lagu dilay weerar dhinaca circa ah oo uu fuliayay Maraykanku kana dhacay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Baqdaad sanadkii 2020 kii. Dhimashadiisa kadib ayaa hugaamiyaha sare ee Iran Cali Khumeyni wuxuu ku tilmaamay ‘Shahiid nool’.

Suleymaani ayaa dhisay shabakad balaaran oo xiriir ah taas oo ku fidsan ilaa iyo wadamada Yeman, Ciraaq iyo wadamo kale, sidaas daraadeed ayuu noqday ninka wajigiisa aad caan uga yahay Iran iyo banaankaba.

Ciidamada ayaa ka barbar dagaalamay maleeshiyaadka shiicada ee Siiriya ee la dagaalama ISIS.

Xisb

Xigashada Sawirka, Alamy

Xisbullahda ka jirta Lubnaan

Ujeedooyinka kooxdaan Xisbullah ayaa isugu jira kuwa milatari, siyaasi iyo midow mujtamac oo caan ka dhex ah saameynna ku leh bulshada shiicada eek u dhaqan Lubnaan.

Xisbigaan oo ay taageerto Iran ayaa soo ifbaxay markii isaa’iil ay qabsatay koonfurta Lubnaan sanadkii 1982 dii.

Xisbullaah ma aysan qarin ka go‘naashaheeda u hugaansanaanta mabaadi’da uu soo saaro Aayatullah kadib markii uu soo shaac baxay kacaan Islaamiga ah ee Iran.

Xisbullah

Xigashada Sawirka, Reuters

Xisbullahda Ciraaq

Magaca ‘Xisbullah’ waxaa lala xiriiriyaa Xisbullahda Lubnaan, balse waxaa jira urur kale oo soo ifbaxay dhawr iyo labaatan sano ka hor kaas oo wata isla magacan balse ka duwan, kaas oo ah Xisbullahda Ciraaq.

Ururka ayaa sanadkii 2007 dii lagu aasaasay magaalada Amara eek u taalla koonfurta Ciraaq. Ururkaan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dhawr koox oo shiico ah oo midoobay, qaarkood ayaa soo ifbaxay duulaankii Maraykanka ee Ciraaq.

Nujba

Xigashada Sawirka, Getty Images

Al-Nujaba

Dhaqdhaqaaqaan ayaa door muhiim ah ka qaatay intii uu socday dagaalkii Siiriya ee 2015 kii ka dhacay magaalada Xalab iyaga oo ka barbar dagaalamayay Xisbullaahda Ciraaq. Waxaa kale oo jira in la aaminsan yahay in dhaqdhaqaaqaan uu xulufo la yahay ciidamada Quds.

Cadeymo badan ayaa muujiyay in Iran ay dhaqaale iyo hub siiso kooxdaan, ayna la wadaagto xogo sirdoon sidoo kalana ay ka caawiso inay xushaan hugaamiyahooda iyada oo qaadata door inay wax la ogaato hugaamiyaha ah.

Dhaqdhaqaaqa ayaa xiriir dhaw laleh xisbiyada Iraaniyiinta ah iyo kooxaha ka dhisan Ciraaq iyo Lubnaan ee Xisbullah.

Casaa’ib al-Xaq

Dhaqaaqa Casaa’ib al-Xaq ama sida ay ugu yeeraan taageerayashoodu ‘Dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta ee Ciraaq,” ayaa ka soo ifbaxay dhaqdhaqaaqii Sadrist. Aasaasayaashooda ayaa iyo hugaamiyeyaashooda ayaa ku mideysnaa markii hore, balse waa ay ku kala qaybsameen iyaga oo aasaasay urur iyaga u gooni ah oo ujeedkiisu yahay ‘Iska caabinta Maraykanka’, iyaga oo sheegtay masuuliyadda weearo kala duwan oo ka dhan ah Maraykanka oo ka dhcay Ciraaq.

Hugaamiyaha ugu caansan ee kooxdaan oo ka soo goostay ciidamada Mahdi sanadkii 2004 tii, sanadk kadib weerarkii Maraykanka ee Ciraaq aya ah Qays Khazali.

Markii dagaalka joogsaday ciidamadii Mahdina ay saxiixeen xabad joojin, Qays wuxuu iska sii watay inuu amaro siiyo ciidanka uu ku dagaal galinayo isaga oo aan wax idan ah waydiisan ra’iisul wasaarihii waddanka.