Boqol sano jirsiga Turkiga iyo xiriirkii Soomaalida kala dhexeeyay qarniyo ka hor

Xigashada Sawirka, AA
- Author, Axmed Cadceed
- Role, wariye madax bannaan
Dowladda madaxweyne Erdogan ayaa sanadihii ugu dambeeyay xiriir dhow la lahayd Soomaaliya. In ka badan toban sano kahor, markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo xilligaas ahaa raysal wasaare, ayaa booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho, wuxuu xilligaas noqday hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee aan Afrikaan ahayn oo booqda Soomaalida.
"Xiriirka labada dal wuxuu so billowday sanadkii 2011 kaddib booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Erdogan, halkaas waxaa ka billowday xiriir dhowr weji leh oo iskaashi dhanka horumarka, bani'aadannimada iyo baayac-mushtarka, dhaqaalaha," ayuu yiri Cabdiweli Sayid oo falanqeeya arrimaha xiriirka caalamiha ah. Hase yeeshee Soomaalida iyo Turkida waxaa ka dhaxayn jiray xiriir intaas ka fog.
Waxaa laga yaabaa in ay dadka qaar is waydiiyaan waxa uu halistaas isu galiyey madaxweyne Erdogan oo markaas ahaa raysal wasaare; si uu ugu gurmado Soomaalida.
Marka horese aan xasuusnaano in madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan lagu eedeeyo in uu aaminsan yahay, mabaadiidii dawladdi Cusmaaniyadda isla markaana uu ilaaliyo xiriirkii ay lahayd.
Dawladdii cusmaaniyiinta oo dhowr jeer dhul ballaarsatay ayuu mar soo gaaray xukunkeedu geeska Afrika, waxaana wakiil uga ahaa boqortooyo ay Soomaalidu hogaaminaysay oo ka talin jirtay geeska Afrika.
Boqortooyadan oo la odhan jiray Cadal ama saladanidii cadal waxa aasaasay Sabr ad-Diin kii saddexaad waxaa xarun u ahayd magaalada Harar ka dib dhicistii Suldanadii Ifat Boqortooyadu way baraarugtay.

Xigashada Sawirka, Wikpedia
Sannadkii 1415 ilaa 1577 oo ah markay ugu fiicnayd, siyaasadda hoos timaada Sultan Badlay waxay gacanta ku haysay dhulka ka bilaabmaya cidhifka Guardafui ee Soomaaliya ilaa dekedda magaalada Suakin ee Suudaan. Boqortooyadii Cadal waxay ilaashatay xidhiidh ganacsi iyo mid siyaasadeed oo adag kaas oo ay la samaysatay boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Saldanada Cadal waxa kale oo loo yiqiin xilligaas federaalka Saylac.
Boqortooyadan Cusmaaniyiintu waxay gacan weyn ka siisay boqortooyooyinkii Soomaalida dhowr dagaal oo u dhexeeyay iyaga iyo Itoobiya, marna Soomaalida iyo Boortaqiiska oo ay xifaaltan weyn lahaayeen Cusmaaniyiinta. Sidaas darteed dadka taariikhda eega waxay qabaan fikirka ah in Erdogan uu jecel yahay mabaa'didii Cusmaaniyiinta.
Xiriirkaas inuu hoos u dhaco mooyee waligiis ma go’in, balse waxaa la is weydiin karaa halkay ku dambeysay boqortooyadii Cusmaaniyiintu sidaysi ku noqotay jamhuuriyadda Turkiga ee hadda boqol sano jirsatay?
Boqol sano jirsiga Turkiga

Xigashada Sawirka, AA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Turkiga ayaa u dabaaldagaya 100-sano guuradii ka soo wareegatay markii la aasaasay Jamhuuriyad ahaan, balse xaflado badan oo la qorsheeyay Axaddii ayaa la joojiyay sababo la xiriira weerarada sii kordhaya ee Israa’iill ay ku hayso Marinka Qaza ee go’doonsan.
Hoos u dhigista dabbaal daggu waxay muujinaysaa saamaynta fog ee dagaalka dhiigga badan ku daatay ee Israa’iil iyo Xamaas, laakiin waxa kale oo ay keentay kala qaybsanaan aan xasilooni lahayn oo bulshada Turkiga dhexdeeda ah, taas oo ku saabsan dhaxalka cilmaaniga ah ee dawladda, kuwaas oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdogan isku dayay inuu ka hor tago.
Axadii, Erdogan waxa uu ubax dhaqameed dhigay hoyga Mustafa Kemal Ataturk, oo ah aabbihii dhidibada u taagay Turkiga. "Dalkeennu wuxuu ku jiraa gacmo ammaan ah, waxaa la rabaa inaad nabad ku nasato," ayuu yidhi.
Si kastaba ha ahaatee, Turkiga ayaa hoos u dhigay inta badan damaashaadka laga filayo dhacdo hal mar ah qarnigiiba. Ma aysan qaban dawladdu soo dhaweyn rasmi ah oo dowladeed waxayna joojisay baahinta TV-ga gaarka ah ee riwaayadaha iyo xafladaha la qorsheeyay, iyadoo tixraacaysa "musiibada bini'aadamka ee naxdinta leh ee Qaza".
Burburkii boqrtooyadii Cusmaaniyiinta iyo bilowgii Jamhuuriyadda Turkiga

Xigashada Sawirka, AA
Wixii ka horeeyay sannadkii 1923 xilligaas oo dhidibada loo taagay jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Turkiga, waxaa dhulkaas ka talin jiray boqortooyadii salka ballaarnayd waqtigana dheerayd ee Cusmaaniyiinta. Hase yeeshee xilligaas waxay ka talinaysay wax yar oo ugasoo haray dhulkii ay ka talin jirtay.
Dhulkaasi wuxuu fidsanaaa inta u dhaxaysa Yurubta bari iyo woqooyiga Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya halkaas oo wakiiladii dawladda Cusmaaniyiinte ee geeska afrika ay xarun u ahayd magaala xeebeedka Seylac.
Boqortooyadani waxay gashay labadii dagaal ee aduunka oo midkii hore ay ka ahayd mid ka mid ah dalakii ugu tunka weynaa ee dagaalkaas ku jiray halka midkii dambe ay si dadban ugu jirtay. Labada dagaalka boqortooyadani jab weyn ayey kala kulantay, kadib waxay lumisay qayb weyn oo ka mid ah dhulkii ay ka talin jifrtay.
“Maadaama dawladdi Cusmaaniyiinta oo xukumaysay muddo dheer oo ka badan 600 boqol oo sano dalka Turkiga iyo dunida Muslimka iyo waliba qaybo badan boo ka mid ah Yurub, dawladaasina markii dambe ay diciiftay dhulkeediina ay lumisay oo ay bilaabatay inay dhulkeedii dawlado kale qaataan; waxa dhacaysay in dadka Turkigu aysan ku qanacsanayn qaabka ay dhulka u luminayaan,” ayuu yiri Dr Daahir Xuseen caddaawe oo ka faalooda taariikhda iyo arrimaha siyaasadda ee dalalka islaamka.
Xiligaas, waxay dadku ugu yeeri jireen madaxda boqortooyada “madaxdii bugtay”sida aan kasoo xiganay Dr daahir, taas oo ay ula jeedaan nugaylka xukunka.
Ugu dambeyn rabitaanka dadka ee ahaa isbaddal ku yimaadda dawladda ay dhaliilsanaayeen ayaa u hor seeday in dhulkii Cusmaaniyiintu soo yaraado xukunkana ay la wareegto dawlad cilmaani ah, taas oo heshiisyo badan oo masiirka Turkiga ku saabsan la gashay quwadihii xilligaas jiray. Waxaa dawladii u horaysay madaxweyne ka noqday Mustafa Ataturk.
Intaas ka dib wuxuu Turkigu bilaabay inuu u weecdo dhanka siyaasadda dalalka galbeedka isaga oo dirsaday codsi uu ku doonayo inuu ugu biro Midowga Yurub kaas oo aan ilaa hadda hir gelin.
Waxyaabo kala duwan ayey ku xireen reer Yurub si uu ugusoo biro Turkigu waxaana ka mid ahaa in “Turkigu hagaajiyo dimuqraadiyadiisa, xoriyatu qawlka iyo mabaadii’da reer galbeedka”, hase yeeshe taasi ma hir gelin illaa hadda walow Turkigu uu aaminsan yahay inuu kasoo baxay shuruudahaas.

Xigashada Sawirka, AA
Mustaqbalka Turkiga
Turkigu wuxuu soo maray taariikh dheer oo aan qormadan lagu koobi Karin, balse madaxweynaha turkiga Rajeb Tayyin Erdogan oo ka khudbeeyay munaasabadda lagu xusayey 100 sano guurada kasoo wareegtay aasaaskii Jamhuuriyadda ayaa sheegay in Turkigu uu noqon doono mid isku filan oo madax banaan boqolka sano ee soo socda.
Turkigu wuxuu samaynayaa hor mar dhanka dhaqaalaha, tecknoolajiga, siyaasadda, iyo milatariga ah, waxaase mar walba jira caqabadaha soo wajaha.
Sannadkii 2016 Turkigu wuxuu fashiliyey afgembi ciidan, oo dhowr jeer oo hore uga dhacay dalkaas, waxaana xumaaday dhaqaalaha dalkaas kadib markii ay isku xumaadeen dalalka reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka maadaam uu Turkigu u leexday dhanka Ruushka wixii ka dambeeyay afgembigaas dhicisoobay.
Maraykanka ayaa Turkiga ka saaray mashruucii diyaaradda ugu casrisan dunida ee F-35 kadib markii uu Turkigu soo iibsaday nidaam difaaceedka Ruushka ee S400.
Balse Turkigu weli waa xubin muhiim ah oo ka tirsan gaashaan buurta NATO oo Maraykanku hogaamiyo.










