Turkiga iyo Israa'iil, kee ugu faa'ido badan in Itoobiya ay xulafo la noqoto?

Xigashada Sawirka, Abiy Ahmed Ali
Madaxweynaha Israa'iil Isaac Herzog ayaa booqday Itoobiya toddobaadkii uu Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan yimid Addis Ababa. Labada hoggaamiye waxay wada hadallo la yeesheen raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Turkiga iyo Israa'iil waa laba dal oo iska horjeeda marka la eego siyaasadda caalamiga ah. Turkigu wuxuu ka mid yahay dalalka sida xooggan uga soo horjeeda aqoonsiga ay Israa'iil siisay Somaliland. Itoobiyana waxay muddo dheer xiriir la lahayd labada dal.
Marka la eego siyaasadda hadda ka taagan Geeska Afrika, maxay ka dhigan tahay booqashada rasmiga ah ee hoggaamiyeyaasha Israa'iil iyo Turkiga ee Addis Ababa? Sidee ayay Itoobiya isu waafajin kartaa danaha laba dal oo leh aragtiyo iska soo horjeeda?
Labadan dal, midkee ugu faa'ido badan in Itoobiya ay xulafo la noqoto iyadoo la eegayo danaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay leedahay?
Labo dal oo dano iska horjeeda leh ayey Itoobiya saaxiib la tahay
Sababta ay hoggaamiyeyaasha Turkiga iyo Israa'iil toddobaad gudihiis u booqdeen Itoobiya waxaa loo arki karaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira Geeska Afrika.
Dr. Mukerem Miftah, oo ah cilmi-baare siyaasadeed kana tirsan Jaamacadda Shaqaalaha Rayidka Itoobiya, ayaa aaminsan in booqashada Erdogan ay la xiriirto arrimo amni oo ka jira Bariga Afrika.
Dhanka kale, booqashada madaxweynaha Israa'iil waxay la xiriirtaa dadaalka dalkiisa ee lagu doonayo in "la ilaaliyo lana sii xoojiyo" xiriirka uu la leeyahay Itoobiya.
Waxaa la sheegay in Turkiga oo maalgashi ku sameynaya Geeska Afrika uu ka walaacsan yahay arrimaha amniga gobolka ee sii kordhaya, wuxuuna doonayaa in uu "dejiyo xaaladda."
Dagaalka hadallada ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea ayaa walwal geliyay dalalka leh dano istiraatiiji. Sidaa darteed Erdogan wuxuu go'aansaday in uu si shaqsi ah u booqdo Itoobiya si uu arrinta ula socdo.
Sida uu qabo Dr. Mukerem Miftah, Israa'iil waxay xiriir dhow la leedahay Itoobiya, madaxweyne Isaac Herzog, wuxuu isna Addis Ababa u yimid si uu "u ilaaliyo una sii xoojiyo" xiriirkaas.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa'iil ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Itoobiya ay tahay "dal muhiim ah oo ku yaal Afrika."
Erdogan isaguna wuxuu sheegay in Turkigu "si weyn u danaynayo xoojinta xiriirka qarniyada soo jiray ee uu la leeyahay shacabka Itoobiya."
Itoobiya iyo arrinta Somaliland
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Arrimaha ay isku khilaafsan yihiin Turkiga iyo Israa'iil waxaa ka mid ah aqoonsiga ay Israa'iil siisay Somaliland. Turkiga kuma farxin arrintaas.
Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlayay Addis Ababa ayaa sheegay in aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland "uusan faa'iido u lahayn Somaliland ama Geeska Afrika."
Heshiiska is-afgaradka ee ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland ayaa sidoo kale kordhiyay xiisadda gobolka.
Inkastoo Turkigu dhexdhexaadiyay heshiis nabadeed oo u dhexeeyay Itoobiya iyo Somalia oo loo yaqaan Ankara Agreement, haddana lama dhihi karo xiisadda gebi ahaanba way dhammaatay.
Toddobaad ka hor, Somaliland waxay magacawday safiir u jooga Israa'iil. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa'iil ayaa sheegtay in ay heshay magacaabistaas iyadoo tilmaantay in lagu saleeyay heshiiska u dhexeeya Somaliland iyo Israa'iil, waxay kaloo Israa'iil sheegtay in dhawaan ay magacaabi doonto safiir u jooga Somaliland. Itoobiya weli si rasmi ah ugama hadlin aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland.
Mid ka mid ah qodobada ay ku heshiiyeen Itoobiya iyo Somaliland oo aan weli si cad loo shaacin ayaa la sheegay in uu yahay aqoonsiga Somaliland iyo in Itoobiya la siiyo marin badeed.
Su'aalahan marin-badeedka
Waxaa jira warar sheegaya Imaaraadka Carabta oo xulufo dhow la ah Itoobiya ay "taageersan yihiin" codsiga Itoobiya ee marin-badeedka.
Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa dhowr jeer ku eedeeyay Imaaraadka in uu ka dambeeyo muranka marin-badeedka ee ka dhexeeya Eritera iyo Itoobiya.
Sacuudiga oo loollan siyaasadeed kala dhexeeyo Imaaraadka ayaa u muuqada in ay arrintan dhinaca Eritrea taageerayaan. Israa'iil iyo Imaaraadka Carabta waxay aragtiyo isku dhow ka qabaan Geeska Afrika.
Dr. Mukerem wuxuu sheegay in mid ka mid ah danaha Israa'iil uu noqon karo "in la yareeyo" saameynta Turkiga ee gobolka.
Khatarta ka dhallan karta xiisadda Itoobiya iyo Eritrea
Dalkee u faa'ido badan Itoobiya maadaama Turkiga iyo Israa'iil ay saaxiibo la tahay? Dr. Mukerem wuxuu sheegay in xaaladda hadda jirta awgeed Itoobiya ay tahay in ay mudnaanta siiso danaheeda.
Tan iyo markii Donald Trump uu mar labaad noqday madaxweyne, waxaa socday isbeddel ku yimid siyaasadda xiriirka caalamiga ah.
Khabiirka wuxuu sheegay in fursadaha dalalka awoodda leh ay xiriir laba-geesood ah kula yeelanayaan dalalka daciifka ah ay sii yaraaneyso.
Itoobiya waxaa lagu yaqaanaa in ay tahay "dhexdhexaad" marka la eego xiriirka caalamiga ah, waxaana la soo jeediyay in ay sidaas ku sii socoto iyadoo aan cidna ka xanaajin.
Kaalinta Turkiga iyo Israa'iil ku leeyihiin Itoobiya

Xigashada Sawirka, Presidency of the Republic of Turkey
Danaha Turkiga ee Itoobiya ma ahan oo kaliya dhaqaale, balse sidoo kale waa kuwa amni. Turkigu wuxuu ka mid yahay dalalka ugu badan ee maalgashiga ku sameeya Itoobiya. Warar ayaa sheegaya in maalgashigiisu gaarayo ku dhowaad $2.5 bilyan, gaar ahaan dhismaha iyo beeraha.
Itoobiya sidoo kale waa dal muhiim u ah Turkiga si uu u ilaaliyo danihiisa Badda Cas. Xiriirka labada dal wuxuu sidoo kale ku saleysan yahay iskaashi militari.
Dhanka kale, xiriirka Israa'iil iyo Itoobiya wuxuu ku saleysan yahay arrimo siyaasadeed iyo amniga gobolka. Marinka muhiimka ah Baabul-Mandeb ayaa sabab u noqday in Israa'iil xiriir dhow la sameyso Itoobiya.
Wararka qaar waxay sheegayaan in ku dhowaad 180,000 Yuhuud Itoobiyaan ah ay ku nool yihiin Israa'iil oo ay xiriir qoys iyo bulsho uu kala dhexeeyo Itoobiya.













