Saamaynta Turkiga ee wadamo ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Itoobiya iyo caqabadaha horyaal

Xigashada Sawirka, @RTErdogan
Turkiga, oo xiriir dhow la leh Itoobiya, ayaa sannadihii la soo dhaafay saameyn weyn ku yeeshay dhinacyo kala duwan oo isugu jira Yurub, Afrika, Bariga Dhexe iyo Koonfur-bari Aasiya.
Saameynta Turkigu ku yeeshay dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo milatariga adduunka oo dhan ayaa qeyb qaadaneysa dadaallada lagu soo afjarayo colaadaha laguna helayo nabadda.
Tallaabada Turkiga waxaa hoggaaminaya madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda.
Arrimaha ka taagan geeska Afrika waxay soo jiiteen indhaha dalalka reer Galbeedka iyo Bariga Dhexe. Madaxweynaha Turkiga ayaa toddobaadkan booqan doona laba dal oo door muhiim ah ka ciyaara gobolka.
Sida la sheegay, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa maanta oo Isniin ah u safri doona Imaaraadka Carabta, Talaadadana wuxuu tegi doonaa Itoobiya, si uu ula kulmo hoggaamiyeyaasha labada dal.
Sida ay wararku sheegayaan, madaxweyne Erdoğan ayaa saxiixi doona heshiisyo kala duwan inta uu booqashada ku joogo labada dal ee saaxiibada dhow la ah, isla markaana waxay ka wada hadli doonaan arrimo guud, kuwa goboleed iyo kuwa caalami ah.
Inkasta oo aan si cad loo sheegin waxaa laga hadlayo, hadana qodobka ugu weyn ayaa la filayaa in uu noqdo dagaalka sokeeye ee Suudaan, oo ah arrin weyn oo Geeska Afrika ka taagan isla markaana khuseysa saddexda dal, iyo sidoo kale arrimaha la xiriira Soomaaliya.

Turkiga, oo dadaallo kala duwan ku bixiyay isu keenidda dalal is-haya oo ku kala yaalla gobollo kala duwan, ayaa sannadihii u dambeeyay kordhiyay isku daygiisa uu ku xoojinayo doorkiisa dhexdhexaadnimada caalamiga ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ankara waxay door weyn ka qaadatay dhexdhexaadinta Itoobiya iyo Soomaaliya, Ukraine iyo Ruushka, iyo Taliban iyo Pakistan. Sidoo kale waxay door firfircoon ka qaadatay dhexdhexaadinta dalal kale oo is-haya.
Mas'uuliyiinta Turkiga iyo falanqeeyeyaasha taageersan dowladda ayaa sheegay in dadaallada Ankara ee dhexdhexaadinta ay ka caawinayaan in ay isu muujiso dal wax dhisa oo si cad uga qeyb qaata xasilloonida caalamka. Waxay sidoo kale sheegeen in tani ay kor u qaadi doonto sumcadda Turkiga ee masraxyada caalamka.
Maqaal uu madaxweyne Recep Tayyip Erdogan bishii Nofeembar ee sannadkii hore ku daabacay wargeyska toddobaadlaha ah ee Mareykanka ee "Newsweek", ayuu ku sheegay in dalkiisu uusan ka laba labeyn doonin xallinta khilaafaadka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay sheegtay in Turkigu doonayo in uu qaato "hoggaamin ku saabsan dhexdhexaadinta nabadda caalamka." Agaasimaha isgaarsiinta madaxtooyada ayaa sheegay in Turkigu yahay "dal muhiim u ah xallinta qalalaasaha caalamka ka taagan."
Sidoo kale, Turkigu wuxuu rajeynayay in uu martigeliyo wadahadallada muhiimka ah ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ee dhacay bishan, balse ugu dambeyn wadahadallada waxaa lagu qabtay Cumaan.

Xigashada Sawirka, EPA
Sannadihii la soo dhaafay, Turkigu kaalin muuqata ayuu ka qaatay xallinta khilaafaadka ka jira dalalka deriska ah iyo guud ahaan gobolka.
Xiisaddii u dhexeysay Soomaaliya iyo Itoobiya kadib heshiiskii Addis Ababa iyo Hargeysa, oo la filayay in lagu aqoonsado Somaliland, ayaa lagu xalliyay dhexdhexaadinta Turkiga.
Heshiiskaas uu dhexdhexaadiyay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayey labada dal ku aqoonsadeen madaxbannaanida iyo qaranimada midba midka kale.
Turkigu sidoo kale wuxuu dhexdhexaadiyay wadahadalladii u dhexeeyay maamulka Taliban ee Afghanistan iyo Pakistan oo lagu qabtay Qatar, kuwaas oo markii dambe ka sii socday Istanbul, inkastoo aan heshiis kama dambeys ah laga gaarin.
Heshiiskii xabbad-joojinta ee bishii Sebteembar ee u dhexeeyay maleeshiyada "Rada" ee Liibiya iyo Dowladda Midnimada Qaran, ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay fududeeyeen hay'adaha sirdoonka Turkiga.
Bishii Diseembar ee la soo dhaafay, markii dowladda milatariga Suudaan ay ku eedeysay Imaaraadka Carabta in ay hub siiyeen ciidamada gurmadka degdegga ah RSF, Erdogan wuxuu dalbaday in uu dhexdhexaadiyo Khartuum iyo Abu Dhabi.

Xigashada Sawirka, AFP
Maxay warbaahintu ka sheegeen?
Warbaahinta taageerta dowladda ayaa inta badan ku ammaanta madaxweyne Erdogan in uu yahay "hormuudka hoggaanka diblomaasiyadda". Waxay sidoo kale sheegaan in uu Turkiga u beddelay "xarun diblomaasiyadeed."
Dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee Erdogan ayaa sida wargeysyada taageersan sheegaan ku tilmaamay in Turkiga uu ka dhigay dal hormuud ka ah masraxa caalamka halkii uu ka ahaan lahaa mid daba socda.

Xigashada Sawirka, Turkish Ministry of Foreign Affairs via Getty Images
Caqabadaha Turkiga uu wajahayo
Inkasta oo doorka Turkiga uu sii kordhayo, haddana waxaa jira dalal kale oo si isa soo taraysa uga qeyb qaadanaya hawlaha dhexdhexaadinta.
Imaaraadka Carabta ayaa noqday meel lagu qabtay dadaalladii ugu dambeeyay ee lagu dhexdhexaadinayay Ruushka iyo Ukraine.
Sidoo kale, Cumaan ayaa ka faa'iidaysatay xiriirkeeda Iiraan si ay u martigeliso wadahadalladii Mareykanka iyo Iiraan, taasoo Turkiga meesha ka saartay.
Saxafiga ruug-caddaaga ah ee Turkiga u dhashay, Murat Yetkin, ayaa sheegay in tartanka u dhexeeya Turkiga iyo Israa'iil uu saameyn ku yeeshay dadaallada Ankara ee dhexdhexaadinta Mareykanka iyo Iiraan.
Inkasta oo Turkigu la kulmayo caqabado, haddana wuxuu muujiyay in uu sii wadi doono dadaalladiisa ku aaddan dhexdhexaadinta iyo nabadeynta.













