Sida iskaashiga Turkiga iyo Soomaaliya uu u xoojiyay hannaanka caafimaadka dalka

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista Recep Tayyip Erdogan ee magaalada Muqdisho ayaa noqday kuwo hoggaanka u haya daaweynta casriga ah, kadib markii ay aqoon ka korosadeen hannaanka daryeelka caafimaadka ee Turkiga.
Tababarro badan oo dhanka qalliinka xabadka ah, daaweynta gudaha iyo qalliinka wadnaha oo ay qaateen, dhaqaatiirta isbitaalka ayaa door muhiim ah ka cayaara horumarinta adeegyada daryeelka caafimaad ee guud ahaan dalka.
Dr. Cali Muhammed Warsame oo uu soo xigtay wargeyska Daily Sabah ee dalka Turkiga, oo xirfaddiisa kasoo bilaabay kaaliye ahaan sanadkii 2019, isbitaalkana dhaqtar ka ahaa tan iyo February 2025 ayaa sheegay in lix bilood oo tababar ah uu ka helay xirfadlayaasha Turkiga, taasoo sare u qaadday shaqadiisa.
"Qalliinka xabadka, Soomaaliya waxaa keliya lagu fuliyaa isbitaalkan," ayuu yiri. "Waxaan sameynaa qalliinno waaweyn, oo ay ka mid yihiin kansarka, iyo dhaawacyada wadnaha iyo sambabbada." Ayuu intaa ku daray.
Dhaqtarka ayaa sheegay inuu door bidayo inuu Soomaaliya ka shaqeeyo beddelkii uu dibadda aadi lahaa, si uu bulshada u caawiyo.

Xigashada Sawirka, AA
"Hormuudka daaweynta casriga ah wuxuu ka dhashay isku darka taageero aan ka helnay dowladda Turkiga iyo tababarka dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo nidaam maamul oo hufan," ayuu yiri agaasimaha Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista Recep Tayyip Erdogan Maxamed Xuseen Ashraf oo BBC-da la hadlay.
Agaasimaha ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay isbitaalka ku taageertay qalab caafimaad, khubarro caafimaad oo caalami ah iyo habraacyo maamulka oo tayo leh.
"Waxaa la sameeyay iskaashi u dhaxeeya labada wasaaradood ee caafimaad ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga. Tusaale ahaan, dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa si joogto ah tababar uga hela gudaha iyo isbitaallada ay maamusho dowladda Turkiga, iyagoo waxbarashadooda sanadka ugu dambeeya kuq aata Turkiga" ayuu yiri.
Iskaashiga dhow ee u dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya ayuu agaasimaha sheegay inuu qeyb ka yahay tayada caafimaad ee isbitaalka.
Qaar ka mid ah daaweynta casriga ah ee isbitaalka looga soo doonto qeybo xitaa dalka ka baxsan sida dalalka deriska ah, ayuu agaasime Ashraf sheegay inay ka mid yihiin kilyo sifeynta oo dalka uusan lahaan jirin, qalliinnada wadnaha ee furan. "Shilalka iyo dhibaatooyinka waaweyn markay dhacaan waxay u baahan yihiin qalliinno sida lafaha iyo madaxa," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Bukaanno ka kala yimid gobollada Soomaaliya iyo sidoo kale dalalka deriska ah, sida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ilaa Uganda ayuu agaasime Ashraf sheegay in lagu daaweeyo isbitaalka.
Isbitaalka ayaa dhowaan noqday adeeg bixiyaha ugu fiican ee hay'adaha dowladda kadib abaal-marinta sanadlaha ah ee ay dowladda Soomaaliya bixiso oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Agaasimaha ayaa sheegay "inay haatan u tartami doonaan isbitaalka adeegyada ugu fiican bixiya ee Bariga Afrika maaddaama ay Soomaaliya dhowaan ku biirtay bulshada Bariga Afrika".

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Isbitaalka Tababarka iyo Cilmibaarista ee Recep Tayyip Erdoğan oo Muqdisho laga furay 2015-kii, waxaa uu leeyahay ku dhowaad 250 sariirood, waxaana uu leeyahay daryeelka degdegga ah, qolalka qalliinka, sifeynta iyo qeybaha gubista.
Bixinta daryeelka caafimaadka ka sokow, xaruntu waxay u adeegtaa sidii xarun tababar, taasoo u sahlaysa boqollaal dhaqaatiir Soomaaliyeed ah iyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka inay khibrad wax ku ool ah ka helaan iyadoo ay weheliyaan khubarro Turki ah sanadkii.
Isbitaalka waxaa ka shaqeeya ku dhowaad 1,100 shaqaale ah, oo ay ku jiraan ku dhawaad 170 Soomaali ah iyo 30 dhaqaatiir Turki ah.
Ma ahan oo kaliya xarun caafimaad oo muhiim ah balse sidoo kale waxay noqotay calaamad muujinaysa saaxiibtinimada Turkiga iyo Soomaaliya.













