Maxay tahay danta uu Turkigu ka leeyahay geeska Afrika

Calanka Turkiga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Bariga Afrika, gaar ahaan waddamada ku teedsan badda cas iyo badweynta Hindiya waxa ay in muddo ah ahaayeen goob ay u kala ordayaan awoodaha caalamka.

Turkigu waxa uu maalgelin ballaaran ku sameeyey Soomaaliya, isaga oo ka dhigtay saldhiggiisa ugu weyn qaaradda, Maraykanka iyo Shiinaha Jabuuti ayey iyaguna degan yihiin, iyaga oo halkaas ku leh xaruntooda ugu wayn ee qaaradda.

Siyaasadaha Turkiga ee ku wajahay arrimaha dibadda waxa ay ahayd mid xir xiran, taas oo ku keentay in uusan iskaashi wayn la yeelanin waddamo badan oo caalamka ah. Balse waayadii dambe waxa uu bilaabay inuu isbeddel ku sameeyo dhaqankaas isdhex-gal la'aanta ah, waxa uuna ka bilaabay inuu iskaashi la sameeyo waddamo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Turkiga dagaalkii koowaad ee adduunka, markii dowladdii Cusmaaniyiinta ay ka burburtay waxa ay qaateen siyaasad ah in ay is ururiyaan oo aysan ku lug yeelan waxii dunida ka socday, dadka falanqeeya arrimaahanna waxa ay ku sheegaan in Turkiga uusan lahayn waqtigaas madax banaani siyaadeed oo ku wajahan adduunka illaa uu ka dhamaaday dagaalkii qaboobaa ee adduunka.

Dr. Aweis Ahmed oo ah cilmi-baare ka tirsan Somali Public Agenda ayaa wareysi uu BBC-da siiyey ku sharaxay sida ay ku bilaabatay in Turkiga uu yeesho siyaasad u furan dunida isaga oo yiri, "Markii uu dhamaaday dagaalkii qaboowaa oo adduunyadu ka baxday labadii daraf ee NATO iyo WARSAW xogaa waxaa bilowday in ay dhaqdhaqaaq samayn karaan oo siyaasadooda arrimaha dibadd ay waxa ka qaabeen karaan Turkiga, marka meeshaas ayey kasoo biilaabeen".

Kadib intaas, isku daygoodii u horreeyey waxa uu ahaa in ay dhisaan xiriirkooda kala dhaxeeya dowladii asal ahaan Turkiga kasoo jeeday oo dowaladdii Cusmaaniyiinta maamuli jireen.

Dabayaaqadii shagaashameeyadii waxa uu usoo ruqaansaday in uu Afrika ka dhisto waddamo ay isk kaashaadaan, isagana uu ku muujiyo awooddiisa dhaqaale iyo tan ciidan ee soo koroya.

Muxuu Doonayaa Turkiga?

Loolanka u dhaxeeya awoodaha waaweyn ee caalamka iyo kuwa soo baxaya oo uu ugu horreeyo Turkiga waxa ay bariga Afrika u arkaan goob istaraatiiji ah oo ay isku ballaarin karaan.

"Turkidu waa awood Soo baxaysa, waxa ayna isku dayayaan ina ay siyaasad madaxbanaan oo arrimo dibaadeed oo danahooda uga shaqeenaayaan in ay la yeeshaan dowlado kala duwan, gaar ahaan kuwan ku yalla Bariga Afrika oo goobta ay ku yallaan muhiim ay tahay juquraafi ahaan iyo kheeraad ahaan". ayuu yiri Dr. Aweis.

Isaga oo intaasi ku daray in waddamadaan ay sii kala muhiimsan yihiin "dhulkaan Soomaaliya iyo Jabuuti Eretariya ay ku yaalaan oo ah gacanka cadmeed, waa halka 30% ganacsiga adduunka uu maro, saa darteed dhulkaas waxa uu muhiim u yahay isku socodka adduunka ,waxaad u baahan tahay inaad ku yeelatid saldhig militiri ama calaaqo dhaw inaad la yeelatid dowladaha kulaala dhulkaas muhiimka ah".

Dhanka kale, Turkiga waxa uu tartan adag kala dhaxeeyaa Imaaraadka carabta iyo Israa'iil oo ay kuwada yaallaan Bariga dhaxe, tartkaas ayaana saameyn ku yeeshay deegaannada Soomaalida iyo Bariga Afrika.

Saameynta Gobolka ku leeyahay

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xiriirka tooska ah ee lala yeelanayo dowladaha waxa uu u baahan yahay dhaqan-gelin iyo inuu ahaado mid Saameyn leh.

Marka la is barbardhigo Imaraadka Carabta iyo Israa'iil oo isku dhinac ah iyo Turkiga yaa ku saameyn badan qaaradda, waxa uu Dr. Aweis ku tilmaamay mid ku kala duwan habka loola xiriirayo dowladaha iyo maamulada, isaga oo sheegay in Turkigu uu markasta la tacaamulo dowladda dhexe ee dalka uu xiriirka la yeelanayo, halka Imaraadka Carabta uu la xirto cidda uu u arko in ay la shaqeyn karto.

"Israa'iil ma xoogana, waxaa gobolka ku haya Imaaraadka Carabta, Imaaraadka ayaa kooxo uu ka sameestay Soomaaliya muddo toban sano ka badan oo ay kamid tahay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanideeda ee Somaliland, waxaa kamid ah Puntland, markaa Soomaaliya ka hadleyno waxaa kamid ah Jubland, dalka Suudaan waxaa kamid ah ciidamada RSF". Waxaa kale oo uu tilmaamay Dr. Aweis in Imaaraadka saameeyntiisa ad ayey u xoogan tahay, gaar ahaan marka la fiiriyo goobaha istaraatiijiga ah ee uu maamulo sida Dekadaha berbera Boosaaso iyo Kismaayo. "Saameyn amni iyo mid dhaqaale ayuu Imaaraadka leeayahay".

Dhanka kale, sida Dr. Aweis markale sharaxayo, Turkigu waxa uu daneenayaa dowladaha bariga kuwada nool oo nabad kuwada nool, sida ay yihiinna ku qanacsan, "Turkidu waxa uu u dhexgalay waxa ay ahayd, in Itoobiyaanku si nabad ah bad ku helaan, waxa uuna uu sheegayaa in aysan dan ugu jirin wax addunka u ogoleen"