Maxay Ukraine ku diiddan tahay in ay drones-ka difaaca ka iibiso dalalka Khaliijka?

Xigashada Sawirka, Collage BBC/Reuters
Bariga Dhexe iyo dalalka Khaliijka, iyo sidoo kale Mareykanka, ayaa ka codsaday Ukraine in ay ka iibiyaan qalabka looga hortago drones-ka weerarka ah si ay uga hortagaan kuwa Iran ee loo yaqaan "Shahed". Balse Kiev weli ma oggolaan in ay iibiso. Hadaba maxay tahay sababta?
"Dalabka drones-ka ayaa kordhay. Qof walba ayaa doonaya in uu iibsado iyagoo bixinaya qiimo kasta", ayuu BBC-da u sheegay wakiil ka tirsan mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee sameeya drones-ka ka hortaga kuwa wax weerara.
Sida uu sheegay, wafdi ka socda dalal badan oo Bariga Dhexe ah, khaliijka iyo Gacanka Bershiya ayaa hore ugu safray Kiev si ay arrintan ugala hadlaan Ukraine.
Wadamadan ayaa doonayay qalabkan ka hor inta uusan bilaaban dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Isreal oo dhinac ah iyo Iran.
Warbaahinta Mareykanka ayaa ka hadashay in Mareykanka uu doonayo qalabkan looga hortago drones-ka weerarka ah si looga difaaco saldhigyadooda ku yaal Bariga Dhexe.
Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka Pete Hegseth ayaa ka hadlay drones-ka isagoo sheegay in diyaaradahaasi noqdeen "dhibaato ka weyn sidii la filayay".
Ukraine degdeg ugama jawaabeyso dalabka dalalka kale. Dadka ka shaqeeya qaar ka mid ah suuqyda hubka ayaa sheegay in ay jirto diido aan rasmi aheyn.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in dalkiisa uu codsi gaar ah ka helay Mareykanka si ay uga taageeraan diyaaradaha Drones-ka ee Bariga Dhexe.
Warqad sir ah
Bishii Maarso bilowgeedi, shirkadaha hubka ee Ukraine waxay heleen dalab ku saabsan in hub loo dhoofiyo Bariga Dhexe. Nuqul ka mid ah dukumeentiga waxaa helay laanta luuqadda Ukraine ee BBC.
Dad ka shaqeeya suuqa hubka ayaa BBC u sheegay in ay heleen warqad ka timid hay'ad lagu tilmaamay in ay "ku dhowdahay dowladda".
Warqadda waxaa ku qornaa in ilaa labada bisha Maarso la xakameeyay dhoofinta hubka iyo qalabka milateri ee Bariga Dhexe.
Sababta xaddidaadda dhoofinta keentay waa go'aan wadajir ah oo Midowga Yurub gaaray 8-dii Diseembar 2008. Si kastaba ha ahaatee, Ukraine weli si buuxda ugama mid aha Midowga Yurub, waxayna tahay oo keliya dal musharrax ah.
Go'aanka Midowga Yurub wuxuu khuseeyaa xeerarka guud ee xakamaynta dhoofinta qalabka iyo teknoolojiyadda militari. Mid ka mid ah xeerarka ayaa sheegaya in dalalka ay ka fogaadaan dhoofinta hubka meelaha ay suuragal tahay in colaadaha sii socdaan.

Xigashada Sawirka, UNIAN
BBC-du waxay la hadashay Oleg Tselivyk oo ah madaxa qeybta dowladda u qaabilsan Xakamaynta Dhoofinta Hubka Ukraine, wuxuu xaqiijiyay in uu ogyahay warqadda, balse wuxuu sheegay in hay'addiisu aysan wax shaqo ah ku laheyn.
Ukraine waxay bixisay ku dhowaad toban ruqsadood oo la xiriira dhoofinta adeegyo militari, teknoolojiyad iyo qaybo qalab oo loo diray gobolka.
Aad ayaa loo dalbanayaa
"Dalabka aad ayuu u badan yahay, waxaa laga yaabaa in ay ku dhiiradaan qaar ka mid ah suuqyada hubka in ay jebiyaan sharciga," ayuu yiri Tselivyk.
Shirkado badan oo soo saara drones-ka ka hortaga kuwa weerarka ah ayaa sidoo kale BBC u sheegay in ay hore ula kulmeen wakiillo ka socda dalalka Bariga Dhexe.
Ukraine waxay sameysay caqabad aan rasmi ahayn oo lagu joojinayo heshiisyada iibka hubka ilaa laga gaarayo go'aan siyaasadeed.
Mid ka mid ah warshadaha waaweyn ee sameeya nidaamyada ka hortagga drones-ka "Shahed" ayaa sheegtay in warshadda ay awood u leedahay in ay daboosho baahida ka jirta Bariga Dhexe iyadoo aysan hoos u dhac ku imaan awoodda difaaca ciidanka Ukraine.

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Ukraine ayaa dhowr jeer sheegay shuruudaha suurtagalka ah oo ku xiran iskaashiga dalalka Carabta. Sida uu sheegay, Ukraine ma raadinayso lacag oo kaliya, balse waxay dooneysi heshiis wax is-weydaarsi.
Ukraine waxay siin kartaa dalalkan drones-ka ka hortagga sameeya balse taa baddelkeeda waxay rabtaa in ay ka hesho dalalkan gantaallada difaaca hawada ee loo yaqaan Patriot si ay uga hortagaan gantaallada ridada dheer ee Ruushka.
"Waxaan jeclaan lahayn in aan si aamusnaan ah uga helno dalalkan gantaallada difaaca, annagana waxaan siin karnaa taa baddelkeed drones-ka difaaca," ayuu Zelensky yiri 5-tii bashii Maarso.
Maalmihii ugu dambeeyay Zelensky wuxuu arrintan kala hadlay hoggaamiyeyaasha Bahrain, Kuwait, Udun, Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

Xigashada Sawirka, Reuters
Sida ay u shaqeeyaan drones-ka difaaca
Si looga hortago drones-ka weerarka Ruushka, Ukraine waxay isticmaashaa dhowr nooc oo ay uga hortagto.
Marka radaar-ka ama nidaamyada kale ay ogaadaan drone-ka cadowga, drone-ka difaaca ayaa duula, wuxuu gaaraa drone-ka cadowga, kadibna toos ayuu ugu dhacaa sidaas ayuuna ku burburiyaa. Drone-ka difaaca waxaa ku xiran kaamero si duuliyaha ula socda weerarka ku soo socda.
Drones-kan difaaca waxay toban jeer ka jaban yihiin gantaalada difaaca oo lacag badan ay ku baxdo halkii xabo oo la rido.












