Tirinta codadka doorashooyinkii shalay ka dhacay Somaliland oo socota iyo guddiga doorashooyinka oo hadlay

Ku soo dhawaada tebinteenna tooska ah

Tebin toos ah

  1. Waa maxay sheekada tuulada Lubnaan ku taalla "ee uu ku yaallo qabriga wiilkii Nebi Yacquub"?

    Maxbib

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Maxbib

    Qaraxyo waaweyn ayaa ka dhacay tuulo xuduudeedka Maxbib, oo ku taal koonfurta Lubnaan, Arbacadii, taasoo dhalisay muran iyo qarsoodi badan oo ku gadaaman.

    Tuulada ayaa noqotay meel ay aad u hadal hayaan dadka u dhaqdhaqaaqa Carabta ee baraha bulshada. Tuuladan waxaa ku yaalla qabri taariikhi ah oo la rumeysan yahay in uu ku aasan yahay Benyaamiin, oo ah wiilkii Nebi Yacquub, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

    Tuulada Muhaibib ayaa 115 kilomitir u jirta caasimadda Beirut, waxayna 30 kiiloomitir u jirtaa bartamaha degmada Marjeyoun, oo xiriir la leh gobolka Nabatiyeh. Waxay caan ku tahay goobta ay ku taal oo ah mid sheedda ay ka eegtaan dad badan oo koonfurta Lubnaan ku nool iyo waliba waqooyiga Israa'iil.

    Ururka Amel ee soo noolaynta hidaha Lubnaan ayaa sheegay in macbadka tuuladaasi uu soo taxnaa in ka badan 2,000 oo sano, waana goob diineed iyo dhaxal iyo goob taariikhi ah oo ku taal Jabal Amel.

    Ilaa hadda ma jirto wax cadeyn ah oo muujinaya in qabriga uu ku burburay duqeymaha lagu garaacay tuuladaasi iyo in kale.

    Ururka Amel oo qeexaya goobtan ayaa yiri, “Maqaamka Benjamin wuxuu muhiimad weyn u leeyahay taariikhda diinta iyo dhaqanka, maaddaama uu yahay wiilkii ugu yaraa ee Nebi Yacquub iyo walaalkii Nebi Yuusuf. Benjamin waxa lagu tiriyaa mid ka mid ah 12 qabiil ee reer Banii Israa’iil, wuxuuna door ku lahaa qisadii caanka ahayd ee Yuusuf ee lagu sheegay Qur’aanka.

    Ururku waxa uu sheegay in aanay jirin ilo cad oo taariikhi ah iyo kuwo diineed oo muujinaya sida Benyaamiin ibnu Yacquub u yimid Lubnaan, iyada oo intaa ku dartay, “Si kastaba ha ahaatee, meelahaas waxa lagu yaqaanay taariikhda oo dhan dadnimadooda, daacadnimadooda iyo diintooda, waxay hoy ka heleen halkaas, waxaana laga yaabaa inay halkaas ku sii nagaadeen ilaa ay ka dhinteen.”

    Qaar badan oo ka mid ah tirooyinka 12 qabiil ayaa lagu sheegaa saddexda diimood ee Ibraahim: Yuhuudda, Masiixiyadda iyo Islaamka. Lama oga xiliga la dhisay macbadkan, balse ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in ururada iyo shaqsiyaadka ka kala socda Lubnaan, Iran iyo Ciraaq ay aad u daneynayeen macbadkan oo ay ka shaqeeyeen hagaajinta iyo daryeelkiisa.Warbixinta oo dhameystiran halkan ka akhriso

  2. Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Nukliyeerka oo ku baaqay in aan la weerarin xarumaha Nukliyeerka ee Iran

    Madaxa laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan Nukliyeerka Rafael Grossi ayaa sheegay in aan la weerarin xarumaha Nukliyeerka ee Iran, xilli uu magaalada Tehran kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Iran.

    Grossi ayaa sheegay in natiijo laga gaaro wadahadalada barnaamijka Nukliyeerka Iran ay tahay mid aan laga maarmi karin si looga fogaado dagaal.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegay in Iran ay ku xalin karto khilaafka kala dhaxeeya hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Nukliyeerka iskaashi iyo wada xaajood, balse aysan ahayn cadaadis.

    Dedaalkii ugu dambeeyay ee lagu doonayay in lagu soo nooleeyo heshiiskii Nukliyeerka ayaa imaanaya iyadoo Donald Trump uu isku diyaarinayo inuu la wareego madaxtinimada Mareykanka bisha Janaayo ee sannadka foodda inagu soo haya.

    Trump ayaa ka baxay heshiiskii 2015 ee Nukliyeerka Iiran intii lagu jiray muddoo xileedkiisii ​​ugu dambeeyay.

  3. Cilmi baaris: Sababta xanuunka macaanka ama sonkorowga uu sare ugu kacay

    Inta badan sare u kaca ayaa waxa uu ka dhacay wadamada soo koraya, halkaas oo daaweyntu ay aad u adag tahay in la helo.

    Xigashada Sawirka, Thinkstock

    Qoraalka sawirka, Inta badan sare u kaca ayaa waxa uu ka dhacay wadamada soo koraya, halkaas oo daaweyntu ay aad u adag tahay in la helo.

    Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in adduunka oo dhan ay sare u kacday tirada kiisaska cudurka macaanka tan iyo sagaal iyo sagaashankii.

    Tirada dadka waaweyn ee qaba cudurka ayaa labanlaabmay taas oo markii hore ahayd toddobo boqolkiiba, halka hadda ay mareyso afar iyo toban boqolkiiba.

    Hadda waxaa jira siddeed boqol oo milyan oo qof oo qaba nooca labaad iyo kan koowaad ee sonkorowga, taas oo muujineysa inay afar jibaarantay.

    Inta badan sare u kaca ayaa waxa uu ka dhacay wadamada soo koraya, halkaas oo daaweyntu ay aad u adag tahay in la helo.

    Qorayaasha daraasadda ayaa muujinaya in cunto aan caafimaad qabin ay tahay mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee cudurka macaanka ee dadka waaweyn.

  4. Tiktok-er la xiray ka dib markii uu ku baaqay in la karbaasho madaxweyne Yoweri Museveni

    Waxa uu xukunka hayay sideed iyo soddon sannadood

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Yoweri Museveni.

    Maxkamad ku taal Uganda ayaa nin labaatan iyo kow jir ah ku xukuntay inuu faafiyay hadallo naceyb ah

    Maxkamad ku taal Uganda ayaa nin labaatan iyo kow jir ah ku xukuntay inuu faafiyay hadallo naceyb ah ka dib markii uu TikTok u adeegsaday inuu ku baaqo in la karbaasho madaxweyne Yoweri Museveni.

    Emmanuel Nabugodi ayaa qirtay dambiga waxaana lagu sii hayn doonaa xabsiga ugu caansan ilaa Isniinta, markaasoo la xukumi doono.

    Dacwad oogayaasha ayaa la sheegay in ay dalbanayaan in lagu xukumo 7 sano oo xarig ah. Muddo laba maalmood gudahood ah Nabugodi waxa uu noqonayaa qofkii afraad ee isticmaala TikTok oo xabsiga lagu sii hayo isagoo lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay Museveni ama saaxiibadiisa.

    Waxaa sii kordheysa tirada da’yarta ee barta muuqaallada lagu wadaago ee TikTok u adeegsanaya dhaleecaynta nidaamka hogaamiyaha Uganda ee xukunka hayay sideed iyo soddon sannadood.

  5. Nin u dhashay dalka Turkiga oo looga shakiyay in mukhalasiinta uu doonyo siiyo oo lagu xiray Holland

    Doon la sheegay in la siyey dadka wax tahriibiya

    Xigashada Sawirka, National Crime Agency

    Qoraalka sawirka, Doon la sheegay in la siyey dadka wax tahriibiya

    Nin u dhashay dalka Turkiga ayaa lagu xiray dalka Holland, kadib markii looga shakiyay inuu doonyo yar yar iyo qalab uu siinayay dadka wax tahriibiya. Afartan iyo afar jirkan ayaa Arbacadii lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Skipol, ka dib howlgal caalami ah.

    Waxa uu wajahayaa in loo gacan geliyo Belgium. Hay’adda dambiyada qaranka ee Britain ayaa sheegtay in ninkan looga shakisan yahay matoorro iyo doonyo laga keenay Turkiga oo lagu keydiyay Jarmalka, ka hor inta aan la keenin waqooyiga Faransiiska marka loo baahdo.

    Britain ayaa isku dayaysay inay ka hortagto muhaajiriinta ku soo qulqulaya kanaalka iyagoo raacaya doomo yar yar. (Howlgalka waxaa fuliyay maamulada Holland, Beljimka iyo Britain, iyadoo lala kaashanayo hay'adaha Yurub.)

  6. Waa kee xoghayaha arrimaha dibadda ee uu Trump magcaabay ee ka soo horjeeda xabad joojinta Qasa?

    Marco Rubio, xoghayaha cusub ee uu Trump magacaabay

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Marco Rubio

    Senator-ka Florida Marco Rubio ayaa waxa uu Donald Trump u doortay xoghayaha arrimaha dibadda.

    Haddii magacaabistiisa uu ansixiyo Senatka, Rubio wuxuu noqon doonaa qofkii ugu horreeyay oo Laatiin Ameerika ka soo jeeda oo xilkaas qabta.

    Halka uu ka taagan yahay arrimaha muhiimka ah ee caalamka:

    Ukraine: Waxa uu ku booriyay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka lagula jiro Ruushka, wuxuuna sheegay in tani ay ku lug yeelan doonto "Cawaaqib xumo adag". Waxa uu ka codeeyay oo uu ka soo horjeestay $6bn oo xirmo gargaar milatari ah oo loogu talagalay Kyiv sanadkan.

    Shiinaha: Rubio ayaa ku tilmaamay Beijing inay tahay "cadowgii ugu weynaa, uguna hormarsanaa ee Ameerika wajaho" wuxuuna ka digay in aan la dhayalsan.

    Taiwan: Waxa uu si adag oo fagaare ah u difaacay "madaxbanaanida " Taiwan.

    Dagaalka Israa’iil ee Qaza: Rubio waxa uu ka soo horjeedaa xabbad-joojinta Gaza, waxaanu sheegay in uu doonayo in Israa’iil ay burburiso kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas.

    Iran: Waxa uu ku tilmaamay Iran maamul “argagixiso”, wuxuuna ku booriyay Israa’iil in ay si adag ah uga jawaabto weerarradii horraantii sanadkan.

  7. Human Rights Watch oo ku tilmaantay falalka Israa'iil ka gaysanayso Qasa "dambi dagaal"

    Hay’adda xuquuqda aadana ee Human Rights Watch, ayaa warbixin ay soo saartay Khamiista maanta ah ku sheegtay in amarrada daad-gureynta Israa'iil ee Marinka Qasa ay ka dhigan tahay "dambi dagaal" oo ah "barakac xoog ah.

    Warbixinta oo ka kooban 154 bog,ayaa lagu yiri "Qof quus ah, gaajoonaya, u xayiran": Barakacinta xoogga ah ee Israa'iil ee Falastiiniyiinta Qasa," waxay muujinaysaa hab-dhaqanka maamulka Israel ee barakiciyay in ka badan boqolkiiba 90 dadka Qasa .

    1.9 milyan oo Falastiiniyiin ah ayaa wajahaya burbura iyo barakac xooggan oo aan loo meel dayin 13-kii bilood ee la soo dhaafay.

    "Human Rights Watch waxa ay ururisay caddaymo muujinaya in saraakiisha Israa'iil ay galayaan dembi dagaal”, ayaa lagu yiri warbixinta.Intaa waxaa lagu daray in ciidamada Israa'iila ys ameynayana isir sifeyn .

  8. Diyaaradaha Israa'iil oo duqeymo ka gaystay Koonfurta Lubnaan

    Waxaa la arkay saaka qiiq madow oo hawada isku shareeray deegaannada Koonfurta Lubnaan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Waxaa la arkay saaka qiiq madow oo hawada isku shareeray deegaannada Koonfurta Lubnaan

    Ugu yaraan saddex weerar oo cirka ayaa diyaaradaha Israa’iil saaka ka gaysteen dalka Koonfurta Lubnaan, sida ay sheegayaan wararka halkaa ka imaanaya.

    Dhowr deegaan oo ku yaalla Koonfurta ayaa laga arkayay qiiq madow oo cirka isku shareeray oo muujinaya duqeymaha halkaa ay diyaaradaha Israa’iil ka gaysteen.

    Weerarradaan ayaa imaanaya, iyadoo milatariga Israa’iil uu soo saaray amaro la xiriira in dadku ay ka baxaan deegaannada Koonfurta oo ay ku tuhmayaan ururka Xisbullah.

  9. Nin Iran u dhashay oo aad u dhaliili jiray madaxda dalkaas oo is dilay

    Ninkaan ayaa guri dabaq ah iska soo tuuray

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ninkaan ayaa guri dabaq ah iska soo tuuray

    Mid ka mid ah dadka caanka ahaa ee u dhaqdhaqaaqi jiray xuquuqul insaanka Iran ayaa is dilay isagoo ka soo horjeeday waxa uu ugu yeeray kalitaliska hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatullah Cali Khamenei.

    Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Kianoosh Sanjari ku sheegay in uu isdili doono haddii afart maxbuus oo u xiran siyaasadda aan la sii deynin si degdeg ah.

    Geeridiisa waxaa saacado ka dib xaqiijiyay xubno kale oo la socday. Dhisme dheer ayaa la sheegay in uu iska soo tuuray.

    Qoraal uu soo dhigay dhimashadiisa ka hor, ayuu ku sheegay inuu rajaynayo in "maalin ay Iiraaniyiintu" "kacaan oo ay ka adkaadaan addoonsiga". Sanjari waxa uu ahaa nin aad u dhaleeceeya madaxda Iran isla markaana difaaca dimuqraadiyadda.

    "Qofna waa inaan loo xirin fikradiisa," ayuu yiri ka hor inta uusan dhiman.

    "Mudaaharaadku waa xaq uu leeyahay muwaadin kasta oo Irani ah." Subaxnimadii Arbacada, wuxuu qoray: "Haddii Fateme Sepehari, Nasreen Shakrami, Tomaji Salehi iyo Arsham Rezaei aan xabsiga laga sii deyn maanta ... waxaan noloshayda ku soo afjari doonaa mucaaradnimada kalitaliska Khamenei iyo xulafadiisa. "

    Ninkaan ayaa horey dhowr jeer loo xiray sababo la xiriira aragtidiisa uu kaga soo horjeeday dowladda.

  10. Siyaabo kala duwan oo looga falceliyay safiirkii Mareykanka u fadhiyay Kenya oo is casishay

    Whitman ayaa xilkeedii safiirnimo iska casishay todobaad kadib markii Donald Trump uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Whitman ayaa xilkeedii safiirnimo iska casishay todobaad kadib markii Donald Trump uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada.

    Falcelinno kala duwan ayaa ka dhashay safiirkii Mareykanka ee Kenya Meg Whitman oo is-casishay shalay, iyadoo Kenyan badan ay muddo ku baaqyeen in ay ku laabto dalkeeda Mareylkanka, xilkana ka degto.

    Whitman ayaa xilkeedii safiirnimo iska casishay todobaad kadib markii Donald Trump uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee Mareykanka ka dhacday shanti bishaan. Waxaa sii haye safaaradda ka sii noqon doona Marc Dillard.

    Go’aankeeda shaqo katigista ayaa sidoo kale imaanaya iyadoo lagu eedeeyay in ay faragelin ku sameysay arrimaha gudaha Kenya.

    Waxaa sidoo kale lagu dhaleeceeyay aamusnaanta ay ka aamustay arrimo ay ka mid yihiin dilal iyo afduubyo ka dhacay Kenya, gaarahaan markii ay socdeen bannaanbaxyadii dhacay bishii Juun oo dowladda kenya looga soo horjeeday.

    Inkastoo dad badan oo Kenyan ah ay dhaiilayaan haweenaydaan, haddana dad kale oo ay ku jiraan aqoonyahanno Kenyan ah ayaa ku tilmaamay in ay hayd safiir cajiib ah oo kenya wax badan la qabatay.

  11. Tirada askarta looga dilay Israa'iil Koonfurta Lubnaan oo korortay

    Ciidamada Israa’iil ayaa shaaciyay in lix askari looga dilay Arbacadii

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Ciidamada Israa’iil ayaa shaaciyay in lix askari looga dilay Arbacadii

    Ciidamada Israa’iil ayaa shaaciyay in lix askari looga dilay Arbacadii dagaal ka dhacay Koonfurta Lubnaan.Dhacdadaan ayaa tirada askarta looga dilay dagaalladii ay la galeen Xisbullah tan iyo markii uu bilowday weerarka dhulka ah ee Lubnaan 30-kii Sebtembar ilaa 47 askari.

    Ciidanku waxay daabaceen magacyada shan askari oo lagu dilay dagaalladan, iyadoo magaca askariga lixaad uu weli sugayo xaqiijin, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay milateriga Israa'iil.

    Dagaalkii ugu dambeyay ayaa la sheegay inuu socday muddo 3 saacadood ah, laga soo bilaabo 10-kii subaxnimo ilaa 1-dii duhurnimo.

  12. Maxkamadda sare ee Brazil oo weerar lagu qaaday

    Maxkamadda sare ee Brazil oo weerar lagu qaaday

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Maxkamadda sare ee Brazil oo weerar lagu qaaday

    Nin isku dayay inuu weerar ku qaado maxkamadda sare ee Brazil oo ku taal caasimadda Brasilia xalay ayaa la rumeysan yahay inuu ku dhintay waxlxaha qarxa oo isku soo xiray.

    Ninkaan ayaa meydkiisa laga helay banaanka dhismaha wax yar kadib markii labo qarax ay ka dhaceen aaggaasi. Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ay arkayeen ninkan oo tuurayay wax u muuqday walxaha qarxa ka hor inta uusan qarxin. Ma jirto cid kale oo wax ku noqotay dhacdadan, sida ay saraakiishu sheegeen.

    Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa la xiray, waxaana loo adeegsaday Robot-ka bambooyinka tuura oo lagu baaray meydka ninkaasi. Booliisku waxay sheegeen inay baarayaan ninkaan iyo sida ay ugu suurta gashay isku daygiisa weerar iyo qaraxyada uu isku soo xiray.

  13. Qoys wada codeyay doorashadii shalay ka dhacday Somaliland oo BBC-da la hadlay

    Doorashadii Somaliland

    Xigashada Sawirka, Baraha bulshada

    Qoraalka sawirka, Doorashadii Somaliland

    Doorashooyinkii shalay ka dhacay Somaaliland ayaa waxyaabo badan kaga duwan kuwii hore islamarkana waxaa muuqata in dadka qaar ay aad u xiisaynayeen in ay codddkooda dhiibtaan.

    waxaa jira qoysas dhammaantood wada codeyay oo aysan cidiba guriga uga soo harin.

    Amaal Cabadi Askar oo ka mid ah dadkii shalay codadkooda ka dhiibtay magaalada Hargeysa ayaa BBC u sheegtay in qoyskeeda dhammaan ay codkooda dhiibteen oo aysan cidi ku harin guriga.

    "Aad iyo aad ayaan u faraxsanahay maadaama uu dalkeygu galayo doorasho qurux badan, saddexdaa nin hadba ka soo baxa waa keyagi," ayay u sheegtay BBC da.

    Waxaa ay sheegtay in xitaa gabadha ugu yar caruurteeda oo 17 jir ah ay codkeeda dhiibatay.

    "Aniga caruurteyda waa dad waawayn waqtigan la joogo inanta 17 jir ah ayaa ugu yar way wada codeynayaan dhammaantood, qofba meel ayuu ka codeynayaan" ayay tiri Amaal.

  14. Sidee wax uga socdaan Somaliland saaka kadib doorashooyinkii shalay dhacay

    Waxaa socota tirinta codadkii laga dhiibtay doorashooyinkii shalay dhacay
    Qoraalka sawirka, Waxaa socota tirinta codadkii laga dhiibtay doorashooyinkii shalay dhacay

    Waxaa ilaa iyo hadda si degganaan ah u socda tirinta codadka doorashooyinkii isa saarnaa ee madaxtooyada iyo urururda siyaasadda ee shalay ka qabsoomay deegaannada Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

    Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, oo xalay xilli dambe la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in si nabad ah ay ku soo xirmeen goobihii dadweynuhu codkooda ka dhiibtaan isla markaana ay si nabad ah ku socoto tirinta codadkii la dhiibtay.

    Wuxuu sheegay in codadka degmooyinka iyo gobollada marka la tiriyo loo soo gudbinayo xaruunta dhexe ee guddida.Guddiga doorashooyinka ayaa ka digaya natiijooyin aan sugneyn kana soo bixin iyaga oo lagu baahinayo baraha bulshada.

    Muuse Xasan guddoomiyaha guddiga ayaa ku baaqay in dadku ay is dejiyaan kana war sugaan natiijada doorashooyinka oo ay guddigu soo saari doonaan marka la dhameystiro tirinta codadka.

    Muddo toddobaad ah ayay qaadan doontaan in lagu dhawaaqo natiijada sida uu qabo xeerka u yaalla guddiga, markaa oo ku beegan 21-ka bishaan Nufeembar.