Waa maxay sheekada tuulada Lubnaan ku taalla "ee uu ku yaallo qabriga wiilkii Nebi Yacquub"?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaraxyo waaweyn ayaa ka dhacay tuulo xuduudeedka Maxbib, oo ku taal koonfurta Lubnaan, Arbacadii, taasoo dhalisay muran iyo qarsoodi badan oo ku gadaaman.
Tuulada ayaa noqotay meel ay aad u hadal hayaan dadka u dhaqdhaqaaqa Carabta ee baraha bulshada. Tuuladan waxaa ku yaalla qabri taariikhi ah oo la rumeysan yahay in uu ku aasan yahay Benyaamiin, oo ah wiilkii Nebi Yacquub, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Tuulada Muhaibib ayaa 115 kilomitir u jirta caasimadda Beirut, waxayna 30 kiiloomitir u jirtaa bartamaha degmada Marjeyoun, oo xiriir la leh gobolka Nabatiyeh. Waxay caan ku tahay goobta ay ku taal oo ah mid sheedda ay ka eegtaan dad badan oo koonfurta Lubnaan ku nool iyo waliba waqooyiga Israa'iil.
Ururka Amel ee soo noolaynta hidaha Lubnaan ayaa sheegay in macbadka tuuladaasi uu soo taxnaa in ka badan 2,000 oo sano, waana goob diineed iyo dhaxal iyo goob taariikhi ah oo ku taal Jabal Amel.
Ilaa hadda ma jirto wax cadeyn ah oo muujinaya in qabriga uu ku burburay duqeymaha lagu garaacay tuuladaasi iyo in kale.
Ururka Amel oo qeexaya goobtan ayaa yiri, “Maqaamka Benjamin wuxuu muhiimad weyn u leeyahay taariikhda diinta iyo dhaqanka, maaddaama uu yahay wiilkii ugu yaraa ee Nebi Yacquub iyo walaalkii Nebi Yuusuf. Benjamin waxa lagu tiriyaa mid ka mid ah 12 qabiil ee reer Banii Israa’iil, wuxuuna door ku lahaa qisadii caanka ahayd ee Yuusuf ee lagu sheegay Qur’aanka.
Ururku waxa uu sheegay in aanay jirin ilo cad oo taariikhi ah iyo kuwo diineed oo muujinaya sida Benyaamiin ibnu Yacquub u yimid Lubnaan, iyada oo intaa ku dartay, “Si kastaba ha ahaatee, meelahaas waxa lagu yaqaanay taariikhda oo dhan dadnimadooda, daacadnimadooda iyo diintooda, waxay hoy ka heleen halkaas, waxaana laga yaabaa inay halkaas ku sii nagaadeen ilaa ay ka dhinteen.”
Qaar badan oo ka mid ah tirooyinka 12 qabiil ayaa lagu sheegaa saddexda diimood ee Ibraahim: Yuhuudda, Masiixiyadda iyo Islaamka. Lama oga xiliga la dhisay macbadkan, balse ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in ururada iyo shaqsiyaadka ka kala socda Lubnaan, Iran iyo Ciraaq ay aad u daneynayeen macbadkan oo ay ka shaqeeyeen hagaajinta iyo daryeelkiisa.

Xigashada Sawirka, EPA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qaar ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha Carabta ayaa isla-markiiba Israa'iil ku eedeeyaan in ay ka dambeysay qaraxa, iyaga oo tixgelinaya "qeyb ka mid ah olole nidaamsan oo burburin ah oo lagu beegsanayo kaabayaasha iyo astaanta tuulooyinka koonfurta Lubnaan."
Mid ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa tuulada ayaa sheegay in Muhaybib ay tahay tuulada ugu yar koonfurta Lubnaan, oo ku dhow xadka.
Geesta kale, ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay burburiyeen wax ay ku tilmaameen waddo tunnel ah oo ballaaran iyadoo aan la carab-dhabin tuulada. Muuqaalka ay ciidamadu soo bandhigeen ayaa muujinaya xilliga uu qaraxu dhacay, iyadoo la hadal hayo in tunnel-ka loo adeegsado howlgallada milateri ee Xisbullah.
Ilaa hadda lama oga in muuqaalka ciidamada Israa’iil ee muujinaya qarxinta kanaalkan uu yahay qaraxii lala beegsaday tuulada Muhaibib.
Goobaha warbaahinta Lubnaan ayaa daabacay muuqaal isku dhafan oo laga sameeyay labada muuqaal, taas oo muujinaysa in goobta la beegsaday ay isku mid yihiin.
Dhacdooyinkan ayaa ka caraysiiyay qaar ka mid ah dadka oo ku tilmaamay waxa dhacaya "burbur ula kac ah" iyo in ay "Lubnaan u beddelayso Gaza labaad."
Qar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa dib u milicsaday booqashadooda tuuladaasi oo dadka qaar ay u arkaan inay tahay astaan taariikhi ah iyo mid dhaqan, iyagoo qaarkoodna sharraxaad ka bixiyay halka ay ku taallo.
Qaar k mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa arrimahan ayaa meesha ka saaray "muhiimada milatari" ee goobta la beegsaday, waxayna u arkaan in muuqaalkan "uu ujeedkiisu yahay inuu saameyn ku yeesho wacyiga dadweynaha."
Dhanka kale, dad qaar ayaa dhaleeceeyay ururka Xisbullah oo ay u arkaaan mid aan awood u lahayn ilaalinta goobaha ay saamaynta ku leeyihiin. Waxay su'aal ka keeneen "sheegashada guusha" Hezbollah marka loo eego duqaynta tuulooyinka Lubnaan.
Aqalka Cad ayaa ka digay in xaaladda Lubnaan ay isku beddesho xaalad la mid ah waxa Qasa ka socda. Wuxuu bayaan rasmi ah Talaadadii ku yiri: "Ma doonayno inaan aragno Lubnaan oo isu rogtay Qasa kale."
Iyadoo xaaladda Maxbiib ay weli ku jirto murugo iyo cabsi laga qabo in Lubnaan ay noqoto Gaza labaad, haddana waxay u muuqataa in qaraxani uu albaabka u furayo su'aalo waaweyn oo la xiriira mustaqbalka xiriirka Lubnaan iyo Israa'iil, iyo doorka Xisbullah ee koonfurta.













