Sidee ayuu u ekaan karaa duullaanka dhulka ee Israa'iil qorsheyneyso inay gudaha ugu gasho Lubnaan?

Waxaa cirka isku shareeray qiiq ka baxay goobta duqeynta ay diyaaradaha Israel ka geysteen tuulooyinka koonfurta Lubnaan.

Xigashada Sawirka, STR/EPA-EFE/REX/Shutterstock

Qoraalka sawirka, Waxaa cirka isku shareeray qiiq ka baxay goobta duqeynta ay diyaaradaha Israel ka geysteen tuulooyinka koonfurta Lubnaan.

Weeraradii ugu dambeeyay ee Israa’iil ay ku qaaday Lubnaan ayaa ah kuwa loogu diyaar garoobayo gelitaanka ciidamada dhulka ee gudaha Lubnaan, sida uu sheegay taliyaha ciidamada.

"Waxaad maqashaan dhawaqa diyaaradaha; maalintii oo dhan waanu duqeynaynay. Labadan tallaababa waxay muujinayaan si aan ugu diyaar garoobi lahayn gelitaanka gudaha iyo in aad sii waddaan bahdilida Xisbullah," Herzi Halevi ayaa u sheegay ciidamada.

Xiisaddii u dhaxaysay Israa'iil iyo Lubnaan oo dhawaanahan cirka isku sii shareertay ayaa dad badan xusuusinaysa dagaalkii 2006-dii, kaas oo duqeymo xoog leh oo xagga hawada ah ay daba socdeen hawlgalladii dhulka Israa'iil ee gudaha dhulka Lubnaan.

Kadib weeraradii 7dii Oktoobar 2023 ay Xamaas ku qaaday Israa’iil, kooxda Hezbollah waxay kordhisay weerarada ay ka geysanayso xadka Israa’iil halka Israa’iilna ay iyana gantaallo ku soo ganeysay koonfurta Lubnaan, waxaana xigay sanad sii kordhaya oo labada dhinac ah.

Haddaba haddii Israa’iil ay go’aansato inay duulaan ku qaado Lubnaan, muxuu u ekaan karaa duullaankan, oo uu yeeli karaa?

Israa'iil waxay doonaysaa inay sii joogto oo ay maamusho dhulka?

Israa'iil oo isu diyaarinaysa in ay gudaha u gasho Lubnaan?

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa in ka badan hal mar wacad ku maray inuu si nabad ah ku soo celin doono ku dhawaad 60,000 oo qof kuwaas oo laga soo daadgureeyay guryahoodii waqooyiga Israa’iil ka dib markii ay kordheen dagaallada ay kula jiraan Xisbullah.

Arbacadii 25-kii Sebtembar, waxaa caddaatay in Israa’iil ay doonayso in ay si uun gudaha ugu gasho Lubnaan, si ay uga takhalusto khatarta ay Xisbullah ku hayso dadka deggeenka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Herzi Halevi ayaa u sheegay ciidamada: "Maanta, dagaalka waan sii wadi doonnaa, ma joogsanayno; waan sii wadnaa duqeynta oo aan ku garaacaynay meel walba. Hadafka aad ayuu u cad yahay - in si ammaan ah loo soo celiyo dadka deggan waqooyiga."

Waxa uu sheegay in ciidanku ay isu diyaarinayaan dhaq-dhaqaaq isdaba joog ah oo u baahan xirfad iyo taxaddar, taas oo la macno ah inay geli doonaan dhulka cadowga, galaan tuulooyinka ay Xisbullah u diyaarisay fariisimo waaweyn oo ciidan.

Intaa ka hor, Isniintii 23-kii Sebtembar, xaalka dhawaanahan wuxuu gaaray heer aad u xun, in ka badan 550 qof ayaa lagu dilay ka dib markii mowjado cirka ah oo aad u xooggan lagu duqeeyay waxa Israel ay ku sheegtay bartilmaameedyada Xisbullah ee Lubnaan.

Maamulka caafimaadka ee halkaas ku sugan ayaa sheegay in tobanaan qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan haween, carruur iyo dhakhaatiir, ay ku jiraan dadka la dilay.

Inkastoo duqeymaha cirka ay sii socdeen, haddana dad badan oo falanqeeya ayaa saadaaliyay in Israa’iil ay sidoo kale ciidamo dhulka ah u diri doonto Lubnaan dhawaan.

Sidee ayay u ekaan doontaa tallaabada Israa'iil ee Lubnaan?

Xiisadda u dhaxaysa Israa'iil iyo Lubnaan oo sii kordhaysa ayaa dad badan xusuusinaysa dagaalkii 2006-dii oo ay ku jireen duqeymo cirka ah oo xooggan.

Xigashada Sawirka, AFP

Dagaalladii hore ee Lubnaan, Israa’iil waxa ay raacday habab kala duwan oo ay kaga hawlgelisay dhulka.

Si loo fahmo xaaladaha suurtagalka ah, waxaa muhiim ah in dib loo eego duullaanadii hore ee Israa'iil ee Lubnaan 1982 iyo 2006.

Dagaalkii 1982: Waxaa dhacay duullaan dhuleed buuxa

Sannadkii 1982-kii, ciidamada Israa’iil waxay gudaha u galeen Lubnaan si ay isugu dayaan in ay joojiyaan weerarrada xudduudaha ee Falastiiniyiinta, iyo toogashada, soo afjaridda joogitaanka Suuriya iyo saamaynta Lubnaan iyo "in ay gacan ka geystaan samaynta dawlad saaxiibo badan oo Lubnaan laga dhiso oo awood u leh in ay heshiis nabadeed la saxiixato Israel "- sida laga soo xigtay website-ka safaaradaha Israel.

Halkaa marka ay marayso, Falastiiniyiinta oo uu ugu horreeyo Yaasir Carafaat iyo Ururkiisa Xoraynta Falastiin (PLO), ma aqoonsan lahayn Israa’iil, Israa’iilna ma taageerto dawlad Falastiini ah.

Duulaanka ayaa ahaa mid aad u balaarnaa, waxaana ka qayb qaatay kumanaan askari iyo boqolaal taangiyo ah iyo baabuurta gaashaaman, duqayn xoog leh oo dhanka cirka, badda iyo dhulkaba ah Israa’iiliyiintu waxay gudaha u galeen iyagoo isticmaalaya aagag badan, waxayna toddobaad gudihiis gaareen duleedka caasimadda Lubnaan ee Beirut, iyagoo go’doomiyay magaalada.

Sidee buu adduunku u arkay duullaankii 1982?

Waa Askarta Israa'iil oo wata baabuurta gaashaaman oo dhex maray tuulo ku taal dooxada Bekaa intii lagu jiray duullaankii Israa'iil ee Lubnaan bishii Juun 1982

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waa Askarta Israa'iil oo wata baabuurta gaashaaman oo dhex maray tuulo ku taal dooxada Bekaa intii lagu jiray duullaankii Israa'iil ee Lubnaan bishii Juun 1982

Hogaamiyahii PLO Yaasir Carafaat, iyo ku dhawaad 2,000 oo askari oo Suuriyaan ah oo isaga taageerayay si ay uga soo horjeestaan Israel ayaa lagu qasbay inay ka baxaan Lubnaan.

Weriye ka tirsan BBC-da ayaa qoray xilligaas: "Waxay u muuqataa inaanay suurtogal ahayn in Mr Carafaat, oo hadda ku sii jeeda Giriigga, uu helo dawlad kale oo Carab ah oo diyaar u ah in ay u qabato ka dib markii ay saameyn xun ku yeelatay joogitaankiisa Lubnaan."

Si kastaba ha ahaatee, Israa'iil ayaa si weyn looga cambaareeyay adduunka oo dhan, iyadoo bishii Sebtembar 1982, boqolaal Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa Beyruut lagu xasuuqay maleeshiyaad Masiixi ah halka ciidamada Israa'iil aysan waxba sameyn.

Markii dambe ee loo yaqaan Xasuuqii Sabra iyo Shaatila, waxaa xilligaas la sheegay in loo aargudayay Madaxweynihii la doortay ee Bashiir Gemayel oo afar maalmood ka hor markaas lagu dilay.

Dagaalkii2006: Dhul xaddidan oo Israa'iil ka tagtay Lubnaan

Duullaankii dhulka ee 2006 wuxuu ahaa mid xaddidan oo yara gaabis ah marka loo eego 1982, wuxuuna ku ekaa magaalooyinka iyo agagaarkooda oo aan ka badnayn dhowr kiiloomitir gudaha Lubnaan.

Yoav Stern oo ah falanqeeye siyaasadeed oo Israa'iil ah ayaa BBC-da u sheegay 23-kii Sebtembar in aanu u malaynayn in duulaanka soo socda ee dhulka uu la mid noqon doono wixii dhacay 1982-kii, balse ay taasi noqon doonto duullaan gaabis ah, taxaddar leh oo xisaabsan.

Waxa uu soo jeediyay in Israa’iil ay mid mid u qabsaneyso magaalooyinka koonfurta Lubnaan, halkii ay duullaan degdeg ah oo baaxad leh qaadi lahayd.

Waxay la mid noqon doontaa wixii dhacay 2006, laakiin si qoto dheer gudaha dhulka Lubnaan uma geli doonto. Webiga Litani ayaa muddo dheer marin muhiim ah u ahaa labada dhinac ee raadinaya gacan ku haynta meelaha muhiimka ah ee Lubnaan.