Israa'iil oo ka jawaabtay hanjabaadii adkayd ee Mareykanka

Philippe Lazzarini, ayaa sheegay in Gaza ay hadda tahay "nooc cidla ah oo aan lagu noolaan karin"

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Philippe Lazzarini, ayaa sheegay in Gaza ay hadda tahay "nooc cidla ah oo aan lagu noolaan karin"

Gargaarkii ugu horreeyay ee laba toddobaad gudahooda wuxuu galay waqooyiga Gaza ka dib warqad ka timid Mareykanka oo siisay Israa'iil 30 maalmood si ay u kordhiso gargaarka bini'aadantinimo, ama ay halis u tahay in la gooyo qaar ka mid ah gargaarka militariga.

Kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa looga hadlayaa dhibaatada bini’aadantinimo ee sii kordhaysa ee Gaza.

Kulankan oo ay ku baaqeen dalalka Britain, France iyo Algeria ayaa waxa uu daba socdaa digniin ka soo baxday madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga falastiiniyiinta oo sheegay in howlgalada ay halkaasi ka wadaan ay ku dhow yihiin meel xun.

Philippe Lazzarini, ayaa sheegay in Gaza ay hadda tahay "nooc cidla ah oo aan lagu noolaan karin" - gobolkuna wuxuu geli karaa macaluul jiilaalka soo socda haddii aan gargaar badan la gaarin.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qaar ka mid ah cunnada gargaarka ah ay soo gaareen saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, ka dib markii Israa’iil ay heshay digniin adag oo eray ah oo ka timid Mareykanka oo ku saabsan xaaladda bani'aadamnimada ee welwelka leh.

Iyadoo la hadlaysa golaha ammaanka, safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay - Linda Thomas-Greenfield -- ayaa uga digtay Israa'iil inaysan siyaasadeysan xaaladda bini'aadantinimo ee Gaza.

"Cuntooyinka iyo saadka kale waa in si deg deg ah loo geeyo Qasa, waana qasab in xabad joojin bini’aadantinimo laga sameeyo guud ahaan Qasa, si halkaas loo gaarsiiyo tallaalka iyo gargaarka kale ee bini’aadanimmo."

"Xaalada waqooyiga Qasa way sii adkaan doontaa lamana aqbali doono, waxayna saameyn doontaa qaanuunka caalamiga iyo xeerka Mareykanka. Dowladda Israa’iil waxay sheegtay in siyaasaddan aysan iyaga quseyn, isla markaana aan la jrai oonin cunnada iyo gargaarka kale ee aasaasiga ah, waxaanna rajeyneynaa in hadaladda Israa;iil ay halkaas ka dhaqan galaan," ayay tiri

"Xaalada waqooyiga Qasa way sii adkaan doontaa lamana aqbali doono, waxayna saameyn doontaa qaanuunka caalamiga iyo xeerka Mareykanka."

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, "Xaalada waqooyiga Qasa way sii adkaan doontaa lamana aqbali doono, waxayna saameyn doontaa qaanuunka caalamiga iyo xeerka Mareykanka."
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Israa’iil ayaa kordhisay duullaanka ay ku qaadayso waqooyiga, waxaana walaac laga muujiyay in ay go’doomisay deegaankaas. Sidoo kale waxaa golaha ammaanka ka hadlay safiirka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay – Danny Danon – waxa uu diiday sheegashada ah in Israa’iil ay gargaar bini’aadantinimo ku hayso xuduudka Gaza:

"Gaadiidka xamuulka qaada ee gargaarka bini'aadantinimo waxay sii wadaan inay galaan Gaza, waxaanan u mahadcelinaynaa saaxiibadayada caalamiga ah gargaarkooda. Iyadoo boqolaal baabuur gargaar ah ay sugayaan in lagu qaybiyo gudaha Gaza halka kuwa kalena ay afduubteen oo ay leexsadeen Xamaas."

"Kalfadhigan (Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay) ayaa gebi ahaanba seegay arrinta dhabta ah ee taagan. gargaar ku filan ayaa galay si loo joogteeyo qof kasta oo rayid ah oo Gaza ku sugan gargaar helo iyada oo in ka badan hal- milyan oo tan la gaarsiiyay tan iyo markii uu dagaalku billowday," ayuu yiri.

"Hase yeeshee, caqabadaha ayaa sii socda, waana qirsannahay taas. Sababtuna maaha dadaalka Israel ee ku guul daraystay bixinta gargaarka bini'aadantinimo. Arinta dhabta ah waa Xamaas. xitaa iibiyaan gargaarka loogu talagalay rayidka Gaza."

Danon ayaa waxa uu sheegay in hanjabaadda Maraykanka ee ah in ay dhimayso kaalmada milatari ee Israa’iil ay calaamad u ah carada ka dhalatay ballan-qaadyadii la jabiyay.

Maraykanku waxa uu sheegay in uu garwaaqsan yahay walaaca ay Israa’iil ka qabto UNRWA, balse xannibaadda lagu soo rogay waxa ay “wax u dhimi doontaa” dadaalka bini’aadantinimo ee Gaza iyo waxbarashada iyo daryeelka tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah oo ku sugan Bariga Jerusalem iyo Daanta Galbeed ee la haysto.

1.7 milyan oo Falastiiniyiin ah aya awarbixinadu muujiyeen inay wajaheen halis dhab ah oo ah cuduro

Gargaarka soo gelaya weligiis ma noqon mid joogto ah ama ku filan

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Gargaarka soo gelaya weligiis ma noqon mid joogto ah ama ku filan

Gargaarka soo gelaya weligiis ma noqon mid joogto ah ama ku filan. Bilihii la soo dhaafay, in kastoo, xayiraadaha la adkeeyay, taas oo u muuqata in ay soo dedejisay warqadda. Waxay calaamad u tahay carada iyo xanaaqa ka jira gudaha maamulka Biden ee ah in Israa’iil aysan oofin ballanqaadkeedii ahaa inay sii wadayso gargaarka ku qulqulaya Gaza.

Diblomaasiga ugu sareeya Midowga Yurub iyo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa horay ugu eedeeyay Israa'iil in ay gaajo u adeegsato hub dagaal. Bishii May, Karim Khan, oo ah dacwad oogaha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, ayaa Ra'iisul Wasaare Netanyahu iyo Yoav Gallant ku eedeeyay gaajo dadka rayidka ah, taasoo qayb ka ahayd codsigii uu maxkamadda uga dalbaday inay soo saarto amarro lagu soo xirayo dambiyada dagaal iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha. Labada ninba way diideen eedeynta.