Goobjoogayaal ka sheekeeynaya 'dad aad u badan oo gubanaya' oo ay arkeen duqeyntii Israa’iil ee dhismaha cisbitaalka Gaza

Digniin: Sheekadan waxa ay ka kooban tahay tafaasiil laga yaabo in dadka qaarkii ay dhibsadaan
Goobjoogayaal marqaati ka ahaa weerar cirka ah oo ay Israa'iil fulisay oo sababay dab ka kacay xero ku taal dhismaha cisbitaalka Gaza ayaa BBC-da la wadaagay argagax iyo ciirsi la'aan markii ay arkeen dad ku dhaawacmay iyo kuwa ku dhintay dabka.
Mid ka mid ah hooyooyinka goobjooga ahaa ayaa ugu yeertay "mid ka mid ah muuqaalladii ugu xumaa ee ay aragto", halka gabar dhaawac ah ay sheegtay in ay maqashay qeylo markii dadku ay soo dumiyeen teendhadoodii si ay uga soo badbaadiyaan. Nin ayaa sheegay in uu "qalbi jabay" maadaama uusan waxba qaban karin si uu u caawiyo dadkii gubtay.
Duqeymahan ayaa saacadihii hore ee isniinta lagu garaacay dhismaha isbitaalka al-Aqsa ee ku yaala magaalada Deir al-Balah ee bartamaha Gaza, halkaasi oo uu ka kacay dab gubay guryo cooshado ka sameysan oo ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah.
Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo u badan haween iyo carruur, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Gaza.
BBC-da ayaa xaqiijisay Meesha ay ku taal goobtaas , muuqaal muujinaya wax u muuqda qof gubanaya. Muuqaalo kale ayaa muujinayey, dad u ordaya inay damiyaan dabka iyada oo qeylada iyo qaraxyo ay ifiyeen cirka habeenkaas.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay beegsadeen dagaalyahannada Xamaas ee ka hawlgala gudaha xarunta taliska ee baarkinka baabuurta, kaddib dab ayaa ka kacay "laga yaabo in ay sabab u tahay qaraxyo labaad". Ciidamada ayaa sheegay in dhacdadan baaritaan lagu sameeynayo.
Dhaqaatiirta samafalka ee aan xuduuda lahayn (MSF), oo ka sahqeeya al-Aqsa, ayaa BBC u sheegay "inaysan waxba ka ogoyen" xarun Xamaas ah iyaga oo sheegay "cisbitaalku wuxuu u shaqeeyaa sidii cisbitaal".
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadannimada ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in “dadku ay nolosha ku gubteen” iyo “in xad-gudubyada la soo afjaro”, halka afhayeen u hadlay Golaha Ammaanka Qaranka ee Aqalka Cad uu ku tilmaamay muuqaallada “wax laga xumaado”.
"Sawirada iyo muuqaalka waxay u muuqdaan inay yihiin dad barakacayaal ah oo nolosha ku gubanaya kaddib duqeyntii Israa'iil taas oo ah wax aad looga xumaado, waxaanan u caddaynay walaaceena dowladda Israa'iil," afhayeenka ayaa sidaasi u sheegay CBS oo ay shaqo wadaag yihiin laanta BBC-da.
"Israa'iil waxaa ka saaran mas'uuliyad in ay wax badan sameyso si ay uga fogaato dhaawacyada rayidka ah - waxa halkan ka dhacay waa wax laga naxo, xitaa haddii Xamaas ay ka shaqeyneysay isbitaalka agteeda iyagoo isku dayaya in ay rayidka u adeegsadaan gaashaan bani'aadam."

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Goobjoogayaal ayaa sheegay in duqeyntu ay dhacday abbaara 01:15 waqtiga maxalliga ah ee maalintii Isniintii (23:15 BST ee Axadda).
Waxay ka dhacday aag u dhaxaya dhismayaal ay ka buuxaan guryo cooshado ka samaysan oo ku dheggan meel bannaanka ka ah halka bukaan-socodku ay ku fariistaan oo aanay cidina joogin habeenkii, Anna Halford, oo ah isu-duwaha xaaladaha degdegga ah ee MSF ee Gaza oo aan joogin cusbitaalka intii ay duqeyntu socotay ayaa sidaas ku sheegtay taleefoon iyadoo joogto Deyr al-Balah.
Hiba Radi, oo ah hooyo ku nool teendho ka dambeeysa isbitaalka, ayaa u sheegtay mid ka mid ah shaqaalaha BBC-da ee Gaza inay kusoo toostay dhawaaqa "qaraxyo iyo dab ka kacaya hareeraha teendhooyinka".
"Meel walba waxaa ka dhacayey qaraxyo, waxaanan aad uga naxay in tani ay tahay gaas ama hub," ayay tiri.
"Tani waa mid ka mid ah muuqaalladii ugu xumaa ee aan soo aragnay nolosheena" ayay raacisay. " Hadda ka hor, weligay ma arag burbur sidan oo kale ah. Way adag tahay, runtii way adag tahay.”
Atia Darwish, oo ah sawirqaade soo duubay qaar ka mid ah muuqaallada la xaqiijiyay, ayaa BBC u sheegay in ay ahayd "naxdin weyn" oo uusan "waxba awoodin" isagoo eegayey dadka gubanaya.
"Aad ayaan u niyad jabay," ayuu yiri.
Um Yaser Abdel Hamid Daher, oo sidoo kale ku nool cisbitaalka, ayaa BBC-da u sheegtay "waxaan aragnay dad aad u badan oo gubanaya inagoo u maleynay in aan u gubanyno sidooda oo kale".
Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira wiilkeeda, iyo xaaskiisa iyo caruur. Gabadha ay ayeeyada u tahay ee Lina, oo 11 jir ah, oo firir ka soo gaaray gacanta iyo lugaha, ayaa sheegtay in ay maqashay dadka oo qeylinaya.
“Gabadha jaarkayaga ah ayaa madaxa ka dhaawacantay, aabaheedna waa uu dhintay. deriskeena kale waa ay ku dhinteen. Dadkii nagu xigay waxay dumiyeen teendhadii si ay noogasoo saaraan” ayay tiri.
Ayeydeed ayaa sheegtay in qoysku “ay waayeen teendhadoodii iyo wax kasta oo ay haysteen; waxba uma harin”.
Wasaaradda caafimaadka ayaa Isniintii sheegtay in in ka badan 40 qof ay ku dhaawacmeen afar qofna ay dhinteen.
MSF ayaa Talaadadii sheegtay tiro intaas ka badan, iyadoo sheegtay in shan qof ay dhinteen, jirkoodana uu gubtay markii lasoo saaray, iyo 65 dhaawac ah.
Afartan ka mid ah dadka dhaawacmay - 22 rag ah, siddeed dumar ah iyo 10 carruur ah – waxa ay joogaan al-Aqsa. Kuwa kale ayaa loo wareejiyay cusbitaallo kala duwan, iyadoo siddeed la geeyay qeybta takhasuska gubashada.
Ms Halford waxay sheegtay in asxaabteeda ay daweynayeen dhibbanayaasha gubtay"kuwaas oo ay u badantahay in anaay badbaadi doonin. ", iyadoo sheegtay " wax aad u yar ayaad u qaban kartaa dhibanayaasha aadka u gubtay".
"Waxa aad guriga imaneeysaa adiga oo dharkaagu soo urayo. Waa waayo-aragnimo muuqaal ahaan ku saamaynaysa. Way kula nooshahay,” ayay tiri.
Duqeyntii isniinta ayaa ahayd tii toddobaad ee loo geeysto cisbitaalka tan iyo bishii March, iyo tii saddexaad ee laba toddobaad gudahood loo geysto, ayay tiri Ms Halford.
Markii ay timid cisbitaalka kaddib markii ay dhaceen duqeymihii ugu danbeeyay, waxay sheegtay inay aragtay dad kala guraya biraha burburay si ay u helaan alaabooyinkooda..
Hooyo kale oo ay BBC-da la hadashay oo carruurteeda ay dhaawacyo gubasho ah soo gaareen ayaa horray looga soo daadgureeyay waqooyiga Gaza – iyad oo aan hadda waxba haysan.
Ku-simaha madaxa xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in duqeyntu ay ka dhacday goob lagu wargaliyay dadka deggan waqooyiga Qaza inay u guuraan.
"Runtii ma jirto meel ammaan ah oo ku taal Gaza oo ay dadku aadi karaan," ayaa lagu yiri bayaanka.












