Dalalkee ayaa hubka siiya Ruushka?

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Iran ee Shahed-136 oo hawa ku jirta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Iran ee Shahed-136 oo hawa ku jirta

Ruushka ayaa malaayiin madfac u soo diraya sanad walba jiidda hore ee Ukraine wuxuuna si joogto ah weeraro cirka ah u qaadaa bartilmaameedyada rayidka - inta badan waxaa la sheegaa in hubkaas ay bixiyaan xulafada shisheeye.

Iyadoo wadamada reer galbeedka ay isku dayayaan inay xaddidaan awooda Ruushka si ay u sameeystaan hubka ayaa waxaa cunaqabatayn lagu soo rogay, Shiinaha, Iran iyo Waqooyiga Kuuriya kuwaas oo dhamaantood lagu eedeeyay inay gacan ka geystaan hubka Ruushka.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada Iran kaga yimaada

Sawirka ayaa muujinaya gantaalada Fath-360 ee Iran
Qoraalka sawirka, Sawirka ayaa muujinaya gantaalada Fath-360 ee Iran

Iran ayaa dhawaan lagu eedeyay in ay heshiis la gashay Ruushka si ay u siiso 200 ama ka badan oo ah gantaalada riddada gaaban. Gantaalkan lagu magacaabo Fath-360, ayaa gaaraya masaafo dhan 120 kiilomitir waxa uuna xambaarsan yahay 150 kiilogaram oo walxaha qarxa ah.

Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in tobaneeyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Ruushka lagu tababaray Iran si ay gantaalladaasi u hagaan. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa sheegay in laga yaabo in gantaaladaasi la geeyo Ukraine dabayaaqada dayrta.

Gantaalada Fath-360 ayaa u sahlaysa Ruushka in uu ku garaaco bartilmaameedyada ay ka midka yihiin magaalooyinka Ukraine iyo xarumaha korontada ee ku dhow xudduudihiisa, isaga oo gantaalladiisa riddada dheer u adeegsanaya bartilmaameedyada fogfog ee dalka Ukraine.

"Fath-360 waxay u fiican yahay in lagu beegsado meelaha dhow," ayay tiri Dr Marina Miron oo ka tirsan Waaxda Daraasaadka Dagaalka ee King's College London. "Ruushka ma haysto gantaal kaas la mid ah o isaga u gaar ah."

Ruushka ayaa laga yaabaa in uu taas beddelkeeda Iran siiyo aaladaha tignoolajiyada, oo ay ku jirto tignoolajiyada nukliyeerka, ayay tiri.

Mareykanka, UK, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa cunaqabateyn cusub ku soo rogay Iran maadaama ay Ruushka u soo dirtay gantaallada.

Cunaqabateyntaas waxaa ka mid ah in la xaddido duullimaadyada Iran Air ee UK iyo Yurub oo ay weheliso xayiraad dhanka safarka ah iyo xannibaadda hantida ee Iiraaniyiinta loo maleynayo inay ku lug lahaayeen heshiiska.

Iran ayaa si isdaba joog ah u beenisay inay hubka sida Fath-360 ay siiso Ruushka.

Bisad ayaa dul saaran burburka diyaarad Drone-ka ee Shahed taas oo ay ku soo rideen difaaca hawada Ukraine xaafad ka tirsan magaalada Kharkiv.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan ayaa si aad ah loogu weeraray goobaha ay degan yihiin dadka Ukraine

Madaafiicda iyo gantaalada ka yimid Kuuriyada Waqooyi

Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu eedeeyay in ay malaayiin madaafiic ah u dirtay Ruushka dagaalka ka socda Ukraine

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu eedeeyay in ay malaayiin madaafiic ah u dirtay Ruushka dagaalka ka socda Ukraine
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hay’adda sirdoonka Maraykanka ee DIA ayaa warbixin ay soo saartay bishii May 2024 ku sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay Ruushka siisay saddex milyan oo madaafiic ah.

Madaafiicda ayaa ah hubka ugu weyn ee ay labada dhinac isku adeegsanayaan jiidda hore ee Ukraine.

Machadka Royal United Services Institute (Rusi), oo ah xarun cilmi-baaris oo fadhigeedu yahay UK, ayaa sheegaysa in bilihii la soo dhaafay ciidamada Ruushku ay 5: 1 kaga faa'iideen Ukraine tirada madaafiicda la heli karo.

Rusi waxa uu sheegay in tani ay ahayd sabab weyn oo uu Ruushku ku qabsaday dhul badan oo ku yaalla bariga Ukraine tan iyo jiilaalkii 2023-ka.

Bishii Janaayo 2024, saraakiisha sirdoonka Ukraine ayaa sheegay inay heleen burburka laba nooc oo gantaallada riddada gaaban ah oo ay samaysay Kuuriyada Waqooyi, kuwaasoo lagu soo riday Kharkiv weerar cirka ah.

Maamulka Ukraine ayaa sheegay in mid ka mid ah uu ahaa Hwasong-11, sidoo kale loo yaqaan KN-23.

Gantaalkan ayaa ah nooca riddada gaaban ee ballistic-ga, waxaana uu gaarayaa inta u dhaxaysa 400km ilaa 690km, kaas oo qaadi kara madaxyada dagaalka oo culeyskiisu yahay 500kg.

Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn saartay ganacsiga Kuuriyada Waqooyi ee la xiriira gantaalada ballistic-ga tan iyo 2006-dii.

Sirdoonka Ukraine ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay 50 Gantaal u dirtay Ruushka, shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bishii Febraayo 2024, Mareykanku wuxuu ku eedeeyay Ruushka inuu u adeegsaday gantaalada Kuuriyada Waqooyi ugu yaraan sagaal weerar oo cirka ah oo lagu qaaday Ukraine.

Burburka gantaal ay sirdoonka Ukraine sheegeen inuu ahaa gantaalka Kuuriyada Waqooyi ee Hwasong-11

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Burburka gantaal ay sirdoonka Ukraine sheegeen inuu ahaa gantaalka Kuuriyada Waqooyi ee Hwasong-11

DIA ayaa sheegtay in Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ay bilaabeen wada xaajoodka iibka hubka dayrtii 2022, waxaana gantaaladii ugu horeeyay laga soo diray Kuuriyada Waqooyi oo loo diray Ruushka dayrtii 2023 si loo tijaabiyo.

Waxa ay sheegtay in Ruushku uu bilaabay in uu Ukraine ku soo weeraro bishii Janaayo 2024 iyaga oo ka soo tuuraya xadka.

"Gantaalka Hwasong-11 waa ka kharash yar yahay kan Ruushka marka loo eego gantaaladiisa riddada gaaban sida Iskander," ayuu yiri Dr Miron.

"Sidoo kale, in heshiisyo hub lala galo dalal ay ka mid yihiin Iran iyo Kuuriya Waqooyiga waxay reer galbeedka tuseysaa in Ruushku uu leeyahay xulafo, oo aanu go'doon ahayn."

Gantaalaha Ballistic-ga sida Hwasong-11 way adagtahay in la qabto sabab la xiriirta xawaaraha sare ee ay ku soo socdaan.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha sirdoonka Ukraine ayaa lagu soo waramayaa inay sheegeen in qaar badan oo ka mid ah gantaalada Kuuriyada Waqooyi ay ku guuldareystaan inay beegsadaan bartilmaameedkooda, sababo la xiriira cilad dhanka elegtarooniga ah oo sababaysa inay lumiyaan bartilmaameedkooda.

Kuuriyada Waqooyi ayaa beenisay in ay hub u dirtay Ruushka, Ruushkana waa uu beeniyay in uu wax hub ah ka helay.

Saraakiisha sirdoonka Ukraine ayaa la sheegay in ay arkeen ciidamo ka tirsan Kuuriyada Waqooyi oo garab ka helaya ciidamada Ruushka ee ku sugan dalkaasi.

Wargeysyada Ukraine ayaa sheegay in 3-dii Oktoobar 2024, lix sarkaal oo Kuuriyada Waqooyiga lagu dilay - saddex kalena lagu dhaawacay - gantaal lagu weeraray saldhigga tababarka militariga Ruushka ee bariga dalkaas.

Shiinaha iyo qaybaha isticmaalka laba-dhinac

Nato ayaa sheegeysa in qalabka Shiinaha uu Ruushka u isticmaalo adeegsiga hubka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waa Chip uu sameeyay Shiinaha

Hoggaamiyayaasha wadamada xubnaha ka ah gaashaanbuurta Nato ayaa si wada jir ah ugu eedeeyay Shiinaha in uu yahay “cida keliya ee go’aamin kara” Ruushka, isaga oo siinaya “taageerada ballaaran ee saldhiga warshadaha difaaca”.

Waxay sheegeen in ay bixiso agab “laba dhinac loo adeegsan karo” sida chips-ka kombuyuutarada oo codsi rayid ah ku yimaada laakiin sidoo kale loo isticmaali karo samaynta hubka.

Hay'adda Carnegie Endowment for Peace International (CEIP), oo fadhigeedu yahay Maraykanka, ayaa sheegtay in bil kasta Shiinuhu uu Ruushka u soo diri jiray qalabka loo isticmaali karo labada dhinac loo isticmaalo $300 oo milyan oo doolar loo adeegsan karo samaynta hubka sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaallada iyo taangiyada.

Waxay sheegtay in Shiinuhu uu Ruushka ka iibiyo 70% dhammaan qalabka mishiinnada (kuwaas oo loo isticmaali karo in lagu sameeyo khasnadaha hubka) iyo 90% ka mid ah sahayda ay ka helaan alaabooyinka microelectronic sida chips-ka iyo semiconductors (kuwaas oo loo isticmaali karo waxyaabaha sida hagidda gantaallada)

CEIP waxay leedahay 2023, Ruushku wuxuu Shiinaha ka soo dhoofiyay 89% dhammaan badeecadaha mudnaanta sare leh ee la isticmaalo. Waxay sheegtay in dagaalka ka hor, Jarmalka iyo Nederlaan ayaa alaabahaas intooda badan Ruushka u dhoofin jireen balse markii cunaqabataynta lagu soo rogay Ruushka waxaa booskaasi buuxiyay Shiinaha.

Shiinaha ayaa diiday in uu Ruushka ka caawiyo sidii uu hub u samaysan lahaa, isaga oo sheegay in uu dhexdhexaad ka ahaa dagaalka Ukraine. Waxa ay sheegtay in aysan Ruushka siinin qalab wax dila oo ay si taxadar leh uga fiirsato qeybaha ay ka iibiso.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in Ruushku uu Shiinaha ka sameeyay warshad soo saarta diyaarad aan duuliyaha lahayn oo ah nooc cusub oo la yirahdo Garpiya-3.

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in aysan ka warqabin mashruucan, isla markaana ay si adag u koontarooleyso dhoofinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.