Maxaad ka taqaanaa haweenka shaqada ka dhigtay in ay dhulka dhigaan diyaaradaha kaligood duula ee Ruushka

Xigashada Sawirka, BBC/James Cheyne
Marka gabalku u dhaco magaalada Bucha waa marka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ay bilaabaan duqeymaha.
Koox isku magacowday Sixiroolayaasha Bucha, waa unug iskaa wax u qabso ah oo difaaca hawada kana kooban haween, kuwaas oo hadda gacan ka geysta ilaalinta hawada Ukraine iyada oo rag badan loo diray jiidaha hore e dagaalka.
Waxaa jira warar sheegaya in ay tahay in la soo rido diyaarado badan oo mowjado weerarro ah ka gaysta qaybo k amid ah dalkaas.
Xilliyada habeenkii ah ayaa u oggolaanaya haweenkan inay isku daraan shaqadooda difaaca dalkooda iyo shaqo maalmeedkooda caadiga ah sida in ay macallimiin yihiin, dhakhaatiir yihiin iyo xitaa in qaarkood ay ku shaqeyaan xirfao kale.
Dad badan ayaa sheegaya in ay tahay arrintaan hab ay uga gudbaan awood la'aanta ay dareemeen markii ciidamada Ruushka ay qabsadeen gobolka Bucha bilowgii duullaanka Ruushka.
Duulaanka cirka iyo hubka qadiimiga ah

Xigashada Sawirka, BBC/James Cheyne
“Shaqadan waan qaban karaa. Qalabku aad buu u culus yahay, laakiin annaga ka dumar ahaan waan qaban karnaa.” ayay tiri Valentyna.
Valentyna waxay fursad u heshaa inay muujiso shaqadeeda saacado yar kadib marka digniinta hawada la dhaqaajiyo guud ahaan gobolka.
Kooxdeeda waxay ka baxaan saldhig ay ku leeyihiin dhul kayn ah, waxaana mararka qaar ay jibaaxaan dhul mugdi ah. Kooxda afar ka mid ah ayaa ka boodday gaari ay saarnaayeen si ay u muujiyaan feejignaantooda sida ay BBC-du aragtay mar ay raaceen kooxdaan.
Waxay wataan hub culus oo la sameeyay 1939-kii, iyo sanduuqyo rasaas ah oo lagu shaabadeeyay xiddigo casaan ah.
Serhiy, oo ah ninka kaliya ee kooxdan ka tirsan, shaqadiisu waa in uu dhaamiyaa caagadaha ay gacanta ku sitaan isla markaana uu qaboojiyaa biyaha.
Hubka ugu wanaagsan ee Ukraine waxaa la geeyay jiidaha hore ee dagaalka, waxayna si joogta ah u waydiisataa xulufadeeda reer galbeedka hubka ridada dheer.
Laakiin hubka qadiimiga ah si aan macquul ahayn ayaa loo ilaaliyaa, kooxda saaxiriinta isu magacowdayna waxay sheegeen inay soo rideen saddex diyaaradood oo aan duuliye lahayn.
"Doorkaygu waa inaan dhageysto," Valentyna oo sharraxaysa shaqadeeda ayaa tiri "Shaqadaani waa mid niyad-jab leh. Laakiin waa inaan diiradda saarno, si aan u dhageysano dhawaaq kasta."

Xigashada Sawirka, BBC/James Cheyne
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Saaxiibteed Inna, oo sidoo kale ku jirta da'da 50-meeyada, waxay ka mid tahay dadkii ugu horreyay ee howshaan u istaagay.
Waxay sheegtay in shaqdaan ay tahay mid mararka qaar cabsi galinaysa qofka hase-yeshee ay ku dhiiranayso mar walba.
Waa Macallimad xisaab dhigta, mararka qaar waxay u baahan tahay inay degdeg ugu laabato kaynta si ay fasal u dhigto.
"Labiskayga waxaan ku haystaa gaariga.,casharka ayaan dhigaa. Kadibna waxaan ku laabtaa gaariga," ayay tiri.
"Raggu waa tageen, laakiin annagu halkan ayaan joognaa. Maxaanna sameyn karin haddii aanu nahay haweenka Ukraine? Wax kasta waannu qaban karnaa." ayya racaisya hadalkeeda.
Kooxdaan loogu magac daray sixiroolayaasha ee haweenka ah waxay qaataan dhammaadka todobaadkii tababar milatari oo ballaaran.
Anya, oo iyana ka mid ah kooxdaan iskaa wax u qabso ah isla markaana 52 jir ah, waxay dareemaysaa awood iyo kalsooni tababarka milatari awgii
“Markii hore Waxaan dareemay in nolosheydu ay macno darro tahay. Ma aanan caawin karin qofna, mana difaaci karin nafteyda. Waxaan rabay inaan barto sida loo isticmaalo hubka, si aan u noqdo qof wax tar leh.”
Markii Bucha la qabsaday, ciidamada Ruushka waxay bilaabeen inay guryaha ka raadiyaan dadka., iyagoo gaystay dil iyo kufsi xooggan.
“Go’aanka aan qaatay maalintaas, waligey ma siin doono raali gelin Ruushka,” ayay tiri haweeneydan.
Markii ugu horeysay ee ay dareento nasasho waxay ahayd markii ay bilawday inay barato sidii ay u difaaci lahayd nafteeda, qoyskeeda, iyo dalkeda.
Haweenkaan kooxda ah ayaa muujinaya in dantu ku qasabtay in ay qoriga qaataan oo ay dalkooda difaacaan, waxayna ka wada simanyihiin in raggii ay ku dhamaadeen dagaalka qaarkoodana ay dhuunteen.
Waxay sheegayaan in ay hadda ku raaxaysanayaan howsha ay hayaan ee ay ku difaacayaan dalkooda, una arkaan in ay gudanayaan waajib saaran.












