Ciidamo Kuuriyada Waqooyi ka socda miyaa ku biiraya dagaalka Ruushka ee Yukrayn

Xigashada Sawirka, ED JONES/AFP
Militariga Ruushka ayaa samaynaya cutub ka kooban ilaa 3,000 oo askari oo u dhashay Kuuriyada waqooyi, sida uun BBC u sheegay sarkaal ka tirsan sirdoonka milateriga Yukrayn, ayadoo warbixintii ugu damabaysay ay sheegayso in Pyongyang ay isxulafeysi dhow oo milateri la samaysanayso Kremlinka.
Ilaa hadda BBC ma aysan arkin astaan noocaas ah oo muujinaysa cutub baaxad leh oo laga sameeyey bariga for ee Ruushka, afhayeenka Kremlinka Dmitry Peskov wuxuu meesha ka saaray wararka sheegaya ku lug lahaanshaha Kuuriyada waqooyi.
“Tani ma aha oo kaliya mid ka timid sirdoonka Britain, ee waxaa kaloo ku jira sirdoonka Ameerikaanka. Mar walba wey soo tabiyaan, mana keenaan wax caddayn ah” ayuu yiri.
Shaki kuma jiro in Moosko iyo Pyongyang ay sii xoojiyeen heerka iskaashigooda bilihii dhawaa. Hogaamiyaha kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa Vladimir Putin u diray farriin uu ugu hambalyeynayo dhalashadiisa todobaadkii hore, isagoo ugu yeeray “saaxibkii ugu dhawaa”.
Hogaamiyaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa isna ka hadlay ku biiritaanka Kuuriyada waqooyi ay dagaalka ku biirayso, wasiirka difaaca ee Kuuriyada koofureedna wuxuu bishan sheegay in fursadda Kuuriyada waqooyi ay ciidamo ku geyn karto halkaa inay tahay “Mid aad macquul u ah”.

Xigashada Sawirka, VLADIMIR SMIRNOV/POOL/AFP
Su’aasha ugu we yn ayaa ah tirada ku lug yeelanaysa.
Ilo ka tirsan milateriga Ruushka oo ku sugan bariga fog ee dalkaas ayaa u xaqiijiyey laanta afka Ruushka ee BBC in “tiro askar kuuriyada waqooyi ah ay yimaadeen”, kuwaasoo saldhigyo milateri looga sameeyey meel u dhow Ussuriysk oo waqooyiga ka xigta Vladivostok, laakinse ilahaas waxay diideen inay bixiyaan tirada saxda ah, ayagoo ku gaabsaday “aslanba uma dhawa 3,000”.
Khubaro milateri ayaa BBC u sheegay in ay shaki ka qabaan in ruushka uu ciidankiisa kumanaanka ah ku dari karo askar Kuuriyada waqooyi ka socota.
“Ma aysan sahlanayn xataa in boqolaal lagu dhex daro markii hore maxaabiista Ruushka, dhamaan ragaasna waxay ku hadlaan luqadda Ruushka” ayuu yiri falanqeeye aan doonayn in BBC ay magaciisa sheegto.
Xataa haddii ay 3,000 yihiin ma aha kuwo tiradoodu wax ka tarayso goobta dagaalka, laakinse Maraykanku wuxuu qabaa walaac la mid ah kan Ukraine.
“Waxay tani astaynaysaa sare u kac weyn oo xiriirka u dhaxeeya ah” ayuu yiri afhayeenka xafiiska arriamah dibadda ee Maraykanka Matthew Miller oo isagu arrintan u arkay “heer kale oo ah naf la caarinimada Ruushka” oo ku guul darraysanaya goobaha dagaalka.
Bishii Juun ayey ahayd markii Vladimir Putin uu heshiis “nabadeed iyo difaac” uu ugu hambalyeeyey Kim Jong Un. Waxaana jira caddayn soo badanaysa oo ah in Kuuriyada waqooyi ay Ruushka siinayso rasaas, ayadoo dhawaan la muujiyey gantaal lagu arkay gobolka Poltava ee Ukraine.

Xigashada Sawirka, KCNA/Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xaqiiqadii, warbixinnada miinooyinka iyo saalbooyinka ay Pyongyang bixisay ayaa ka soo bilaabanaya sannadkii hore, ayadoo sheekooyin arrimahaas la xiriira ay ka dheceen barta Telegram, kuwaasoo ay ku lug lahaayeen milateriga Ruushka.
Kuuriyada waqooyi waxaa laga yaabaa in ay leedahay 1.28 malyan oo ah askar rigli ah, laakinse ciidankeeda ma laha waaya aragnimo sannadahan dhow ah oo la xiriirta dagaalka.
Pyongyang waxay ku socotaa weli qaabkii xilligii soofiyeetka.
Waxaa kaloo jira kala duwanaansho xagga luqadda ah iyo askarta kuuriyaanka oo aan aqoon hanaanka hubka Ruushka.
Laakinse taasi ma aha mid ka maanacaysa milateriga Kuuriyada waqooyi inay si buuxda uga qayb galaan dagaalka Yukrayn, hase yeeshee waxay caan ku yihiin injineernimada iyo dhismaha.
Haddaba maxaa labada dhinac dhiirri gelinaya?
Pyongyang waxay u baahan tahay lacag iyo teknoloji, Mooskana waxay doonaysaa Askar iyo rasaas.
“Pyongyang lacag fiican ayaa la siin doonaa, waxaana dhici karta inay galaangal u helaan teknoloojiyada milateriga Ruushka taasoo Moosko ay ka caga jiidayso inay siiso Kuuriyada waqooyi” ayuu yiri Andrei Lankov, agaasimaha hay’adda Korea Risk Group.
Madaxweyne Zelensky sida muuqata wuxuu isna walaac ka qabaa sida isbahaysigan cadawga ku ah uu isula jaanqaadi doono.










