Aabbaha dhalay gabdhihii mataanaha Soomaalida ahaa ee isku dhegganaa oo BBC u warramay

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Qalliin lagu kala qeybinayay labo gabdhood oo Soomaali ah ayaa lagu sameeyay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga. Gabdhaha mataanaha ayaa ku dhashay isbitaalka Somali Sudanese ee magaalada Muqdisho.
Koox dhakhaatiir ah oo ka socota barnaamijka mataanaha isku dheggan ee Sacuudiga ayaa ku guuleystay in kala qeybiyaan labada gabdhood oo kala yiraahdo Raxma iyo Ramla oo 13 bilood jira.
Qalliinka oo socday 12 saacadood ayaa ahaa mid bilaash ah, waxaana lagu sameeyay ibistaalka Boqor Abdullah, wuxuuna ahaa qaliin siddeed marxaladood ah oo ay ka qeybgaleen 36 shaqaale caafimaad oo isugu jiray dhakhaatiir, suuxiyeyaal, kalakaaliyeyaal iyo shaqaale kale oo caafimaad.
Dhakhaatiirta qalliinka sameysay waxaa horkacayay Dr. Abdullah Al-Rabeeah oo ah madaxa barnaamijka mataanayaasha ku dhasha iyagoo isku dheggan.

Xigashada Sawirka, SPA
"Qalliinka Raxma iyo Ramla waxa uu ahaa kii 68-aad ee si guul leh uu u sameeyo barnaamijka mataanaha isku dheggan" ayuu yiri Dr. Abdullah Al-Rabeeah.
Dr. Abdullah Al-Rabeeah wuxuu intaas ku daray in 35-tii sano ee la soo dhaafay barnaamijku uu daryeelay 156 mataano oo isku dheganaa kuwaas oo ka kala yimid 28 dal, taana waxay muujineysaa ayuu yiri doorka hoggaamineed ee Sacuudi Carabiya ku leeyahay gargaarka bani'aadannimo iyo horumarinta caafimaadka.
Al Rabeeah wuxuu carrabka ku adkeeyay in guulahan ay ka tarjumayaan sida Boqortooyada Sacuudiga uga go'an tahay qiyamka bani'aadannimada ee ay ku caawineyso dadka adduunka oo dhan.
Wuxuu sidoo kale ammaanay dadaalka iyo shaqada adag ee kooxaha caafimaadka iyo qalliinka, kuwaas oo door weyn ka qaatay guushan.
Al Rabeeah wuxuu u hambalyeeyay qoyska mataanaha, isagoo ku faraxsan badbaadada Raxma iyo Ramla, isla markaana wuxuu ugu duceeyay caafimaad iyo nolol wanaagsan in ay helaan mustaqbalka.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
BBC-da oo la xiriirtay aabbaha dhalay mataanahan oo lagu magacaabo Suldaan Siciid Fiqi ayaa weydiisay ugu horeyn xaaladda ay hadda ku sugan yihiin carruuta, waxana uuna noo sheegay in hadda ay aad u fiican yihiin oo ay ku jiraan soo kabasho.
"Carruuta hadda xaaladooda waa fiican tahay, waxaana la geeyay qeybta daryeelka gaarka, waana lagu guuleystay sida dkhaatiirtu ii sheegeen" ayuu yiri Suldaan Fiqi
Mar aan weydiinnay in uu nooga warramo goortii ay ogaadeen in ilmaha hooyada uurkeeda ku jiro ay yihiin mataano isku deggan, wuxuu noo sheegay Fiqi in aysan wax badan ka ogaan xiligii ay uurka ku jireen.
"Anagu waxaan ka mid aheyn dadka ku xiran isbitaalka Somali Sudanse loo yaqaan, halkaas ayaan geynay gabadha, markii ay baarista mariyeen waxay noo sheegeen in ay mataano waddo laakiin lama kala caddeynin"
Suldaan Fiqi wuxuu BBC-da u sheegay in xaaladda ilmaha ay dib ka ogaadeen in ay yihiin kuwa isku dheggan markaas kaddibna ay caawin ka heleen dhakhaatiirta isbitaalka.
"Markaan aragnay muuqaalka, runtii argagax yar waa jiray, marka lay tusayay dhakhaatiirta ayaa kortaagaan oo fiirinayay dareenkena waalidnimo, isla markiina way na garab istaageen"
Raxma iyo Ramla waxay isaga dhegganayeen caloosha oo inta kale ee jirkooda wax dhibaato ah ma qabin, waxaana lagu geeyay Sacuudiga si caadi ah oo waxaa la saaray diyaaradaha rakaabka. Ma jirin baahi gaar ah oo ay qaben oo keeneysay in lagu qaado diyaarad caafimaad.
"Labada gabdhooda mid ka mid ah ayaa kaliyaheedad aad u hooseeyaan… marka lakala saaray waxay u baahaneysaa kaalintii kilida, Ramla ayaana xaaladdaas ku jirta" ayuu yiri Suldaan Fiqi oo nooga warramay haddii ay jiraan xaalad caafimaad oo dhakhaatiirta ay la wadaageen.
Sidoo kale Suldaan Fiqi wuxuu sheegay in dad badan ay ka qeybqaateen sidii carruurtan lagu keeni lahaa Sacuudiga oo lagu kala saari lahaa.
Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyay dhakhaatiirta isbitaalka ee ku guuleystay qalliinka iyo mas'uuliyiint Sacuudiga iyo Soomaaliya oo ay ku jiraan dhakhaatiirta isbitaalka Somali Sudanese, guddoomiyaha baarlamankaan Koonfur Galbeed, wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, raysalwasaaraha iyo madaxweynaha oo uu sheegay in dhammaantood ay qeyb weyn ka qaateen sidii labadaas ilmo ku heli lahaayen qalliin dibadda ah oo lagu kala saarayo. Boqortooyada Sacuudiga ayuu si gaar ah ugu mahadceliyay oo la'aantood aysan suuragasheen qalliinka.













