“Waxaan dareemay wax kasoo jeeda xubinteyda taranka” maxay tahay xaaladdan aan lagu baraarugsaneyn ee ay haweenku ka xishoodaan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markii Natashja Wilson ay ugu horreyn dareentay inay leedahay calaamadaha xubinta misigta oo booskeeda ka durugtay wax feker ah kama aysan heysan waxa socda aad ayayna uga qalooneysay inay caawinaad raadsato.
Gabadhan iyadoo 18 jir ah kuna nooleyd meel ka fog hoygeeda oo jaamacad dhexdeeda ah, weligeed ma aysan ma aqal xaaladdan oo asiibi karta ilaa 50% haweenka adduunka.
"Waxaan dareemay markii aan suuliga tegay wax kasoo dhacaya xubinteyda taranka," ayay tiri.
"Waxaan xilliga galmada sidoo kale dareemayay xanuun iyo dareen ah inay wax iga soo jeedaan oo iga soo dhacayaan.
"Dhabtii ma aanan ogeyn wax aan ku fekero sababtoo ah daacaddii waxba kamaan ogeyn jirkeyga xilligaas."
Natashja, oo haatan 24 jir ah, ayaa sheegtay inaysan xilligaas ogeyn waxa lafta misigteeda amaba afka hore ee makaankeeda ay yihiin.
"Sidaa darteed waxaan weydiiyay saaxiibbadayda 'Dareenkan inay wax iga soo jeedaan ma wax caadi ah baa?'," ayay tiri.
"Waxay yiraahdeen, 'Malaha waa barta dareenkaaga (G-spot). Malaha waa uun bar'."
Natashja, oo kasoo jeedda Greenwich in London, ma aysan aqoon wax ay sameyso sidaa darteed way iska deysay waxayna rajeyneysay inay xaaladdaas iskeed isaga tagi doonto.
Balse caalamadihii ayaa kasii daray kaddib 18 biloodna waxay ugu dambeyn u sheegtay hooyadeed oo ku dhiirrigelisay inay dhaqtra tagto. Mar dambe ayaana la ogaaday inay qabto xaalad makaanku uu booskiisa ka durkay.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Lafta misigta oo booskeeda ka durugta waxay dhacdaa markii koox muruqyo iyo nudayaal ah oo caadiyan caawiya xubnaha misigta, oo lagu magacaabo sgxadda misigta, ay jilcaan markaana ay keento inaysan si adag xubnahaas ugu heyn karin booskooda.
Waxay sababtaa in mid ka mid ah amaba qaar badan oo xubnaha ka mid ah inay booskoodii caadiga ahaa ka dhaqaaqaan, taasoo horseedda in wax soo dhacaya laga dareemo gudaha ama bannaanka xubinta taranka haweenka. Kan wuxuu noqon karaa minka, kaadi-heysta amaba qeybta sare ee xubinta taranka.
Haween badan kuma baraarugsana inay qabaan xaaladdan amaba keliya calaamado aan badneyn ayay dareemaan, balse qaarkood saameyn dhab ah ayay noloshooda ku yeelataa.
Calaamadaha waxaa ka mid noqon kara in wax culus gudaha lagaaga jiidayo amaba dareen ah in wax ay kasoo dhacayaan xubinta taranka – taasoo mararka qaar lagu qeexo sida dareenka 'ku fadhiisashada banooniga teeniska' iyo sidoo kale dhibaatooyin dhanka kaadi-heysta ah iyo inta ay galmadu socoto.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jimicsiyada miskaha iyo noloshaada oo aad wxa ka beddesho ayaa kaa caawin kara inay hagaagto xaaladdaada, balse mararka qaar waxaa loo baahan yahay daaweyn caafimaad, sida qalliin.
Waxa sababa in minku booskiisa ka durko waxaa ka mid ah dhaxal jinsiyeed, inaad wax culus qaaddo, caloo-fadhi amaba qufac joogto ah.
Uurka iyo dhalmadu waxay kordhin karaan khatarta xaaladdan, gaar ahaanna kaddib markay haweeneydu soo marto fool xanuun badan.
Haweenka ayaa sidoo kale aad ugu nugul in xaaladdan minka oo booskiisa ka durka ay la kulmaan marka ay sii weynaadaan, gaar ahaanna kaddib marka ay caadadu ka go’do.
Balse Natashja ayaa aad u daneyneysa inay dadku ogaadaan inay asiibi karto dadka da’da yar sidoo kale.
Waxay isku dayeysaa inay meesha ka saarto takoorka ku hareereysan xaaladdan minka oo booskiisa ka durka, iyadoo adeegsaneysa baraha bulshada iyo barteeda 'Living With Prolapse'.
"Takoor badan ayaa ku hareereysan xaaladda minka oo booskiisa ka durka, ka sheekeynta xubinta taranka taasina dadka uma oggolaaneyso inay dhaqtar arkaan," ayay tiri.
"Waan ogahay in haddii takoorku uu yaraan lahaa waan xilli hore dhaqtar u tegi lahaa."













