Muxuu yahay qorshaha sirta ee ay wadaan qaar ka mid ah xisbiyada Jarmalka ee lagu masaafurinayo muhaajiriinta Soomaalidu ku jirto?

Xigashada Sawirka, BBC/JENNY WITT
Qiyaastii rubuc milyan qof ayaa ka qayb galay bannaanbaxyo ka dhacay guud ahaan dalka Jarmalka, iyadoo dibad-baxayaashu ay ka soo horjeedeen siyaasiyiin u badan kuwa taabacsan xisbiyada midigta fog oo wada arrin ku saabsan mausaafurinta malaayiin qof oo asalkoodu soo galooti yahay sida ay wararku sheegayaan.
Wargayska baaritanka sameeya ee Correctiv, ayaa daabacday warbixin naxdin leh oo ku saabsan shir qarsoodi ah oo ka dhacay hoteel ku dhow magaalada caasimadda ah ee Berlin bishii November ee sanadkii hore, kaas oo ay goobjoog ka ahaayeen ilaa 20 siyaasiyiin ah, oo ay ku jiraan shaqsiyaad caan ah oo ka tirsan xisbiga Alternative for Germany iyo kuwa kale sida warbixinta lagu sheegay.
Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay ugu yaraan labo xubnood oo ka tirsan xisbiga midigta dhexe ee Christian Democratic Union, oo ay ka tirsan tahay hoggaamiyihii hore ee dalka Jarmalka Angela Merkel.
Sida warbixinta lagu sheegay, wada-hadallada siyaasiyiintu yeesheen ayaa salka ku hayay masaafurinta malaayiin qof oo magangalyo-doon ah, iyo kuwo aan asal ahaan aan u dhalan Jarmalka xitaa haddii ay xaq u leeyihiin inay deggaanasho dalkaasi ka helaan ama la siiyo jinsiyadda.
Tan iyo markii warbixinta la daabacay dibad-baxyo waaweyn oo ka dhan ah xisbiga Alternative for Germany ayaa ka dhacay Berlin, Cologne, iyo Hamburg, waxaana la filayaa in ay dhacaan kuwa kale toddobaadkan soo socda.
Shabakadda Deutsche Welle ayaa sheegtay in boqollaal kun ay ka qaybgaleen mudaaharaadyo ka dhacay guud ahaan Jarmalka oo arrinta looga soo horjeedo.
Peter Tschencher, oo ah duqa magaalada Hamburg oo dibada baxa ka qeyb galay ayaa yiri "waxaan ku mideeysannahay oo aanu go'aansannay in aanan oggolaanin in dalkeenna iyo dimoqraaddiyaddeenna aan la burburin."

Xigashada Sawirka, REUTERS
Dhankiisa, xisbiga (xagjirka ah) ee Alternative for Germany ayaa isku dayay in uu iska fogeeyo arrintan, ka dib markii la sheegay in siyaasiyiintiisu ay ka qaybgaleen kulanka .
Xisbigu waxa uu ku eedeeyay kuwa uu ku sheegay in ay yihiin “Mmucaarid siyaasadeed” in ay isku dayayaan in ay sumcaddooda wax u dhimaan.
Dibad-baxayaal badan ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin qorshaha masaafurinta, iyo walaaca ay ka qabaan saameynta sii kordheysa ee xisbiga Alternative for Germany.
Muwaadin Jarmal ah oo asal ahaan ka soo jeeda Laatiin Ameerika ayaa yiri: "Waxaan dareemayaa hanjabaad, waxaana durba diyaarisaday qorshayaal aan uga tago Jarmalka, maaddaama aanan hadda ammaan ku dareemayn halkan."
Mudaaharaadyo kale ayaa la filayaa in ay ka dhacaan ilaa 100 magaalo oo ku yaalla Jarmalka maalmaha Sabtida iyo Axadda, soo socda sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.
Dhankiisa, ra'iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz ayaa ammaanay dadka dibada baxa dhigvaya,isagoo ka digay in "qorshe kasta oo masaafuris ah"waxaan uu tilmaamay in uu la mid yahay "weerar lagu soo qaaday dimuqraadiyaddayada Jarmalka”.

Xigashada Sawirka, CLEMENS BILAN/EPA-EFE/REX/SHUTTERSTOCK
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hoggaanka xisbiga AfD ayaa ku adkeysanaya in shirkan uusan ahayn mid xisbigu soo qabanqaabiyay, balse uu ahaa shir caadi ah oo looga hadlayay arrimo gaar ah.
"Dabcan qof kasta oo haysta dhalashada Jarmalka waa qayb ka mid ah dadkeena," ayay tiri Alyssa Weidel, oo ah hoggaamiyaha xisbiga Alternative for Germany.
Mar sii horreysay, ku xigeenka hoggaamiyaha Jarmalka Robert Habeck ayaa ku eedeeyay xisbiga inay doonayaan inay Jarmalka u bedelaan nidaam kaligii talis ah oo la mid ah Ruushka,
Xisbiga Alternative for Germany ayaa sameeyn weyn ku leh gudaha dalka Jarmalka waxaana ra'yi ururin bilihii la soo dhaafay la sameeyay uu soo galay kaalinta labaad.
Kor u kaca xisbiga AfD ayaa ku soo beegmaya iyadoo codbixiyayaasha aysan ku qanacsanayn waxqabadka dowladda, gaar ahaan arrimaha la xiriira qiimaha maciishada iyo qulqulka muhaajiriinta.
Xisbiga ayaa rajeynaya inuu guulo waaweyn ka gaaro doorashada baarlamaanka Yurub bisha June ee soo socota.
Waxaa sidoo kale loo badinayaa inuu ku soo baxo xisbiga ugu xoogan doorashada soo socota ee Sebtembar, gaar ahaan saddexda gobol ee bariga Jarmalka,Thuringia, Saxony, iyo Brandenburg.
Tallaabo kasta oo lagu mamnuuco xisbiga waxay keeni doontaa khatarro siyaasadeed, marka lagu daro caqabadaha sharciga oo sidoo kale ay keeni karto













