Sababta madaxweyne Trump ugu soo dhacay dhabaha dagaalka ee Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Mary Harper
- Role, Khabiir arrimaha Soomaaliya
Baadigoobka iyo la dagaalanka kooxdan noqotay halka ay ka noolyihiin kooxda Daacish ee Africa, ayaa noqon karta howl adag maadaama ay kooxdu ku dhuumaaleysanayaan buuraha waqooyi-bari ee Soomaaliya.
Laakiin sida caadada u ah Donald Trump, kadib markii todobaadkii hore uu amar ku bixiyay in la duqeeyo aaggas, qoraal ayuu soo dhigay baraha bulshada oo leh "WAA KU HELI DOONAA, WAANA KU DILI DOONAA!"
Trump ayaa sheegay in duqeynta, oo timid wax ka yar labo toddobaad ee uu xilka hayay, lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan ururka Daacish iyo maleeshiyaad kale oo ku sugnaa maamul goboleedka Puntland, isla markaana ay "burburiyeen godadkii ay ku noolaayeen, ayna dileen argagixiso badan, iyadoo aan sinnaba loo dhibaateyn dadka shacabka ah".
Waxa uu ku faanay in uu ku guulaystay halkii buu yiri uu ku fashilmay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Joe Biden.
"Biden iyo saaxiibadiisa tallaabo deg deg ah ma aysan qaadeen oo shaqadan ma aysan qabteen," ayuu yiri Trump.
Xaqiiqda ah in Soomaaliya ay noqotay bartilmaameedkii ugu horreeyay ee howlgallada ay fuliyaan milatariga maamulka cusub ee Mareykanka, ayaa ka yaabisay dad badan oo dalkan ku nool, kuwaas oo ka cabsi qabay in Mareykanka uu qorsheynayo inuusan taageero u muujin doonin.
Markii ugu horeysay ee uu xilka qabtay, Trump, waxaa uu dalka ka saaray ilaa 700 oo askari oo Mareykan ah, go'aankaas oo uu meesha ka saaray Biden oo xilka kala wareegay.
Heshiiskii ahaa $600,000 (£492,000) ee sanadkiiba ah oo dowladda Soomaaliya ay dhawaan la saxiixatay shirkadda BGR Group ee Washington, ayaa muujinaysa walwalkooda.
Xilligii Biden, ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya waxa ay wadeen howlgallo gaar ah, iyagoo tababar siinayay ciidamo Soomaali ah, waxaana ay fulinayeen duqeymo joogto ah.

Xigashada Sawirka, Puntland SSR
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maalin ka hor inta uusan dhicin weerarka cirka, wargeyska Washington Post wuxuu daabacay wareysi uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka codsaday dowladda Mareykanka in "aysan saarin la-taliyeyaasha Mareykanka ee taageera tababarka ciidamada gaarka ah ee dalkiisa".
Qoraal uu xafiiskiisa soo dhigay barta X weerarka kadib, ayaa sidoo kale muujiyay codsiga dowladda Soomaaliya, wuxuuna dhanka kale qiray "taageerada joogtada ah ee Mareykanka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah, iyadoo xafiisku soo dhoweeyay "waxqabadka joogtada ah ee Donald Trump".
Balse duqeymaha cirka ah ayaa ka duwan howlgallada ay fuliyaan ciidamada dhulka jooga, madaxweyne Trump na ma uusan joojin duqeymaha dhanka cirka ah markiisii ugu horeysay ee u xilka la wareegay.
"Duqeymahan kama dhigna in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada milatari ee Soomaliya", ayuu yiri Matt Bryden, oo ah la taliyaha xarunta cilmi barista Sahan oo fadhigeedu yahay Nairobi. Hannaanka la dagaalanka kooxaha argagixisada ee Puntland ayaa ka duwan qaabka ay u wajahaan ciidamada dowladda federaalka ee Soomaaliya, oo Puntland xiriirka u jartay bishii March ee sanadkii hore.
Iyaga ayaa aad isugu kalsoon, si weyn na uguma tiirsana taageerada ciidamada Midowga Afrika, oo ku dhawaad 12,000 oo ka mid ah ay joogaan, iyo quwadaha caalamka oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Turkiga.
Maxamed Mubaarak, oo ah madaxa xafiiska isku xirka howlgallada amniga Puntland, ayaa sheegay, in ciidanka ka soo jeeda waqooyi bari ay dagaal kula jireen kooxda Daacish, iyagoo aan dad kale wax garab ah iyo mahadcelin toona ka heysan.
"Waanu la dagaalameynaa Daacish, maadaama ay dhibaato ku tahay caalamka, taageero badan ma aanan helin marka laga yimaado Kenya, Itoobiya iyo Imaaraadka". Ma ogin in Amerikaanka ay fulin doonaan wax ka badan hal duqeyn", ayuu yiri Mubarak.

Xigashada Sawirka, al-kataib
Puntland waxay sheegtay in ciidamadooda ay qabsadeen ilaa 48 goob oo ay Daacish ku noolaayeen, halka ay burburiyeen tobanaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo walxaha qarxaha, tan iyo markii ay dagaalka tooska ah bilaabeen sanadkii hore.
Inkastoo Daacish ay Soomaaliya ka howlgaleysay muddo toban sano ah, haddana waxa ay la kulantay khatar ka yar kooxda Al-Shabaab oo gacanta ku heysa qeybo badan oo dalka ah, waxaana lagu tilmaamaa kooxda ugu guulaha badan ee Al-Qaacida ka tirsan.
Ha yeeshee waayadan dambe, Daacish waxa ay noqotay koox aad muhiim ugu ah gudaha, gobolka iyo caalamkaba.
Maamulka Puntland iyo saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin ayaa sheegay, in hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, Cabduqaadir Muumin, uu hadda yahay hogaamiyaha guud ee kooxda.
Warbixinno horudha ah ayaa muujinaya, in lagu dilay duqeyn uu Mareykanka fuliyay bishii May ee lasoo dhaafay balse weli lama xaqiijin.
Haddii Muumin uu yahay hogaamiyaha Daacish, isla markaana uu noolyahay ama dhintay, Daacishta Soomaaliya waxay welwel weyn ku abuurtay dalalka shisheeye.

Xigashada Sawirka, Reuters
Trump ayaa sheegay in: dilaayaashan, la arkay iyagoo godad ku dhuumaaleysanaya, ay u hanjabeen Mareykanka iyo xulafadiisa".
Daacish ayaa sidoo kale fariisimo ku leh dalalka Mozambique, Mali, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ila Nigeria.
"Daacish-ta Soomaaliya waxay u taagan tahay inay fududayso oo gacan ka geysato weerarrada kooxda ee Galbeedka, oo Mareykanku kamid yahay", ayay tiri Tricia Beton, oo ah maamulaha xarunta la dagaalanka argagexisada ee jaamacadda Mareykanka ee Washinton.
"Saaxiibada caalamiga ah waa in ay taageero dheeraad ah siiyaan dedaalka Puntland ee ka dhanka ah kooxda."
Mr Bryden waxa uu sheegay in wada shaqeyn lala yeesho fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto ee badda cas ee Yemen ay iyaduna tahay arrin jirta.
"Si lmaid ah Al-Shabaab, Daacish-ta Soomaaliya waxay hub iyo tababar ka heshay Xuutiyiinta Yemen, taasoo walaac ku haysa dowladda Mareykanka iyo xulafadeeda," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, @USAfricaCommand
Tirada sii kordhaysa oo dagaalyahannada shisheeye ayaa ku biiraya kooxda, kuwaas oo sare u qaadaya awooddooda tiro ahaan iyo khibraddooduba.
Dadka ugu badan ee Daacsih-ta ay qortaan ayaa loo malaynayaa inay yihiin tahriibayaal Itoobiyaan ah, kuwaas oo isugu yimaada magaalada Boosaaso ee Puntland, oo ay nolol cusub u raadsadaan.
Daacish ayaa siisa mushaar ka badan inta ay ka heli jireen wadamada Khaliijka, waxayna khubaradu sheegeen in qaar ka mid ah madaxda sare ee kooxda ay asal ahaan yihiin Itoobiyaan.
"Waxaan Daacish-ta Soomaaliya ku qiyaaseynaa in in ka badan 80% ay yihiin dagaalyahanno shisheeye, isla markaana ay badankood ka yimaadeen dalalka Waqooyiga Afrika, Itoobiya iyo Bariga Dhexe", ayuu yiri Mubarak.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in tiradooda lagu qiyaaso ilaa 1,000, kormeerayaasha qaramada midoobayna, waxay ku qiyaaseen 600 ilaa 700.
Bishii Oktoobar ee sanadkii hore, taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Africa, Michael Langley, ayaa sheegay inuu u maleynayo in tirada kooxda Daacish ee waqooyiga Soomaaliya ay "laba jibaarantay" sanad gudihiisa.
Kooxda ayaa bishii Diisembar geysatay mid kamid ah weeraradooda ugu casrisanaa, iyagoo duqeeyay xero ay leeyihiin ciidamada milatariga oo ku yaala gobolka Bari ee Puntland.
Waxay kooxdu soo saartay bayaan ay ku sheegtay in hal qof oo Soomaali ah uusan ku lug lahayn weerarkaas. 12-ka qof ee weerarka geysatay ayaa ka kala yimid dalalka Tanzania, Algeria, Morocco, Libya, Tunisia, Yemen iyo Itoobiya.
Khubarada arrimaha Maraykanka, Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya ayaa sheegay in qayb muhiim ah oo ka mid ah kaabayaasha dhaqaale ee Daacish, xafiiska al-Karrar uu ku yaallo Puntland, kaas oo dhaqaale iyo khibradba siiya qaybaha kale ee kooxda ee ku sugan Afrika iyo meelo kale.
Xafiiska Xakameynta Hantida dibedda ee Mareykanka (OFAC) ayaa sheegtay in Daacish-ta Soomaaliya ay uruurisay ku dhawaad $2m horaantii sanadkii 2022-kii, iyagoo canshuuro ka soo uruuriyay ganacsatada gudaha dalka, badeecadaha la soo dhoofiyo, dadka xoola dhaqatada ah iyo beeraleyda
Haddii ciidamada Puntland ay ku guulaystaan inay dalka ka saaraan maleeshiyaadkaasi, taageerada cirka waxay noqonaysaa mid aan waxtar badan lahayn.
Wax yar ka dib duqeyntii uu fuliyay Mareykanka, booliska Puntland ayaa sheegay inuu isa soo dhiibay, hogaamiyihii kooxda Daacish ee Soomaliya ee dilalka geysan jiray, Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid.
Balse khubarada ayaa sheegaya in weerarada dhanka cirka ah loo baahanyahay in ay noqdaan kuwa joogto ah si loo cirib tiro kooxda Daacsih ee ka jirta Soomaaliya isla markaana looga hor tago in kuwo kale la abuuro.
Ma cadda in Maraykanka iyo hogaamiyahooda aan siyaasadiisa la saadaalin karin ay doonayaan, inay sii wadaan duqeymaha ay ka fuliyaan buuraha waqooyi-bari ee Soomaaliya.
















