Sidee looga falceliyey qorshaha Trump ee ah 'in reer Gaza laga raro magaaladooda'

Xigashada Sawirka, AP
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu ku baaqay in uu ku caawiyo reer Gaza dib u dhiska magaaladaas.
Waxaa uu farta ku fiiqay in haddii uu jiro dal kale oo caawinaya uu banaanka is keeno oo shaqo ka qabto Gaza oo uu sheegay in hub badan oo aan qarxin uu buux dhaafiyay.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio ayaa sidoo kale sheegay in fikradda ay tahay in dadka reer Gaza ay ka baxaan dhulkooda "muddo kumeelgaar ah" oo ah inta la nadiifinayo burburka, dib u dhiskana la sameynayo.
"Qaza hadda waxa yaalla rasaas badan oo aan qarxin, gantaallo iyo hub badan iyo waxyaabo kale oo ay Xamaas adeegsanaysay, kuwaas oo u baahan in wax laga qabto oo ay aad u adag tahay in taas la sameeyo marka ay dadweynuhu halkaasi dul joogaan" ayuu sii raaciyey hadalkiisa Rubio.
Kaaliyaha xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta, Hossam Zaki, ayaa isna dhankiisa sheegay in barakicinta noocan oo kale ah ay noqon doonto dambi ka dhan ah bini'aadantinimada. Waxa uu BBC-da u sheegay in falastiiniyiinta u adkeystay duqeymaha Israa'iil ee bilaha ah aysan waligood ka bixi doonin guryahooda.
"Tani waa fikrad muuhinaysa isirsifayn qawmiyadeed, taas oo ah in si qasab ah looga saarayo dad rayidka ah dhulkooda. Waa dambi ka dhan ah bini'aadantinimada."
Masar ayaa ka digtay in taageerada Israa'iil ee qorshaha madaxweyne Trump ee Falastiiniyiinta looga saarayo Qaza ay halis u tahay in ay meesha ka saarto wada xaajoodka xabbad joojinta iyo in ay hurinayso dib u soo laabashada dagaalka.
Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa soo xigatay hadallo ay soo saareen xubno ka tirsan dowladda Israa'iil. Mar sii horreysay, wasiirka difaaca Israa'iil (Isra'iil Katz) ayaa amar ku siiyay ciidanka inay qorshe u sameeyaan waxa uu ugu yeedhay "bixitaanka ikhtiyaarka ah" ee reer Gazans.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Israel Katz, wasiirka difaaca ee Israel ayaa isna sheegay in dadka reer Gaza ay u baahan yihiin "xorriyadda dhaqdhaqaaqa iyo bixitaanka," wuxuuna dalalka dhaliilsan dagaalka Israel iyo Xamaas ku eedeeyay inay "waajib ku tahay" inay qaabilaan dadka Gaza.
Laakin madaxtooyada Falastiin ayaa mar kale ku celisay diidmadeeda qorshahan, iyadoo sheegtay in arrintaasi jebinayso sharciga caalamiga ah, kuna adkaysatay in "Falastiin… aanay iib ahayn."
Ciidamada Israel ayaa bilaabay olole lagu burburinayo Xamaas kadib weerarkii aan horay loo arag ee xuduudka laga soo gudbay 7-dii Oktoobar 2023, kaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 1,200 qof, halka 251 la afduubtay.
Tan iyo markaas, wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ayaa sheegtay in dagaalka ku dhintay in ka badan 47,550 qof, halka 111,600 kale ay ku dhaawacmeen.
Inta badan dadka reer Gaza ayaa dhowr jeer dib loo barakiciyay, waxaana la rumeysan yahay in 70% dhismayaashii magaalada ay burbureen ama waxyeello soo gaartay.
Adeegyada caafimaadka, biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda ayaa gebi ahaanba burburay, waxaana ka jira baahi daran oo dhanka cuntada, shidaalka, daawooyinka iyo hoyga ah.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 900,000 qaxooti diiwaangashan ay ku nool yihiin Daanta Galbeed, oo Israel qabsatay dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967, halka 3.4 milyan kale ay ku nool yihiin Urdun, Suuriya iyo Lubnaan.
Israel waxay si gooni ah ciidankeeda iyo dadkii ay ku deegaamaysay ugala baxday Gaza 2005, laakiin waxay weli gacanta ku haysaa xuduudaheeda, hawadeeda iyo xeebteeda, taasoo si wax ku ool ah u xaddidaysa dhaqdhaqaaqa dadka iyo badeecadaha.

Xigashada Sawirka, Reuters
Qaramada Midoobay weli waxay u aqoonsan tahay Gaza inay tahay dhul ay Israa'iil qabsatay, maadaama ay inta badan gacanta ku hayaan.
Arbacadii ayaa Boqorka Urdun wuxuu ku dhawaaqay in uu "si adag u diiddan yahay isku day kasta oo lagu dhul ballaadhsanayo ama lagu barakicinayo dadka reer Gaza iyo Daanta Galbeed".
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar wuxuu adkeeyay muhiimada dib u dhiska Gaza "iyadoo aan dadka Falastiiniyiinta laga rarayn."
Xamaas – oo ay Israa'iil, Maraykanka, UK iyo dalal kale ku tilmaamaan urur argagixiso – waxay qorshaha Trump ku tilmaamtay "wax aan la aqbali karin" oo "kaliya dabka sii hurinaya."
Xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay wuxuu ka digay in barakicin qasab ah ama masaafurin dad laga soo saaro dhul la haysto ay tahay mid si adag looga mamnuucay sharciga caalamiga ah.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, wuxuu sheegay in ay lama huraan tahay in laga fogaado xaaqid qowmiyadeed nooc kastaba ha ahaatee, wuxuuna adkeeyay in Gaza ay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah mustaqbalka dowlad Falastiini ah.
Waxaana uu hadalkan ka sheegay shirka ka dhacay New York in dunidu ay "daawaneyso iyada oo si xun oo qorsheysan dadka Falastiiniyiinta ah loo liidayo oo loo dadnimo tirayo."













