Wasiir Israa'iili ah oo u sheegay ciidamada in ay qorshe u sameeyaan Falastiiniyiinta ka baxaya Qasa

Qasa waxaa ka muuqda burbur xooggan oo gaaray muddadii dagaalku socday

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Qasa waxaa ka muuqda burbur xooggan oo gaaray muddadii dagaalku socday

Wasiirka difaaca Israa'iil ayaa u sheegay millatarigooda inay diyaariyaan qorshe "ay ku ogolaanayaan qof kasta oo degan Qasa oo doonaya inuu ka baxo", iyadoo la raacayo soo jeedinta madaxweyne Donald Trump ee ku aaddan in Mareykanku uu la wareego dhulka iyo dib u dejinta 2.1 milyan oo Falastiiniyiin ah oo la geeynayo meelo kale.

Israel Katz wuxuu sheegay in dadka Qasa ay heleen "xorriyadda dhaqdhaqaaqa iyo hijrada," iyo in dalalka dhaliilaya dagaalka Israa'iil ay kul ajirto Xamaas ay "waajib ku tahay" inay qaabilaan.

Trump ayaa dhanka kale sheegay in Qasa ay "Israa'iil ku wareejin doonto" Mareykanka "marka dagaalka la soo afjaro".

Balse madaxtooyada Falastiin ayaa ku celisay diidmada qorshahan oo ay ku sheegtay inuu jabin doono sharciga caalamiga ah, waxayna ku adkaysatay in "Falastiin...aaney iib ahayn".

Milateriga Israa'iil ayaa bilaabay olole ay ku burburinayaan Xamaas iyaga oo ka jawaabayay weerar aan horay loo arag oo xuduudka ka tallaabay oo 7-dii Oktoobar 2023-kii, lagu dilay illaa 1,200 oo qof, 251 kalena lagu qafaashay.

In ka badan 47,550 qof ayaa lagu dilay Qasa 111,600 oo kalena waa lagu dhaawacay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ee dhulkaas.

Inta badan dadka Qasa ayaa sidoo kale dhowr jeer barakacay waxaana ku dhawaad 70% dhismayaasheeda lagu qiyaasay inay burbureen ama ay waxyeello soo gaartay.

Nidaamyada daryeelka caafimaadka, biyaha iyo nadaafadda ayaa burburay waxaana jira cunto yari, shidaal, dawo iyo hoy la'aan ba'an oo halkaasi ka taagan.

2.1 Malyan oo qof ayaa ku barakacay Qasa, waxaana ay wajahayaan dhibaatooyin dhanka nolosha ah

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, 2.1 Malyan oo qof ayaa ku barakacay Qasa, waxaana ay wajahayaan dhibaatooyin dhanka nolosha ah
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wasiirka difaaca Israa'iil ayaa bartiisa X, ku qoray maanta oo Khamiis ah in uu soo dhaweynayo " hindisaha geesinimada leh" ee madaxweynaha Mareykanka, isaga oo sheegay in ay " taageeri karo dadaallada dib-u-dhiska ee muddada ee Qasa, oo aan khatar ahayn, ka dib Xamaas".

Katz ayaa ku dhawaaqay inuu amar ku siiyay militariga Israa'iil inay diyaariyaan qorshe u ogolaanaya qof kasta oo degan Qasa oo doonaya inuu ka tago, waddan kasta oo doonaya inuu qaabilo.

"Qorshaha waxaa ku jiri doona xulashooyin ka bixitaan ah oo la sii marayo isgoysyada dhulka, iyo sidoo kale qabanqaabada bixista badda iyo hawada," ayuu yiri Katz.

"Wadamada ay ka mid yihiin Spain, Ireland, Norway, iyo kuwa kale oo Israa'iil ku eedeeyay fal-dambiyeedka Qasa, waxay sharci ahaan ku qasban yihiin inay u ogolaadaan dadka Falastiiniyiint ah inay qaabilaan, munaafaqnimadooda ayaa soo bixi doonta haddii ay diidaan."

Waxa uu ku eedeeyay Xamaas in ay ka hortagayso dadka ka tagaya Qasa oo uu sheegay in ay tahay in ay "xaq u helaan xoriyada dhaqdhaqaaqa iyo socdaalka".

Sarkaal ka tirsan Xamaas oo lagu magacaabo Basem Naim ayaa ku eedeeyay Katz in uu isku dayayo in uu qariyo "dal ku guul dareystay in gaaro mid ka mid ah ujeedooyinkiisii dagaalka Qasa" waxa uuna sheegay in Falastiiniyiintu ay diidi doonaan in ay baxaan

Dhanka kale, afhayeenka madaxtooyada Falastiin ayaa sheegay in "Falastiin, oo leh dhulkeeda, taariikhdeeda iyo goobaha barakeysan, aysan iib ahayn".

Nabil Abu Rudeineh ayaa sidoo kale sheegay in Falastiiniyiintu "aysan ka tanaasuli doonin taako ka mid ah dhulkooda", haddii ay ahaan lahayd Qasa ama dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

"Shacabka Falastiiniyiinta iyo hoggaankoodu ma ogolaan doonaan soo noqnoqoshada musiibadii 1948 iyo 1967, waxayna fashilin doonaan qorshe kasta oo la doonayo in lagu baabi'iyo qadiyadooda xaqa ah iyadoo loo marayo mashaariic maalgashi oo aan meeshoodu ku jirin falastiin iyo dhulkeeda."

Sannadkii 1948-kii "Nakba" oo macneheedu yahay "masiibo" waxaa la arkay boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah oo ka qaxay ama laga saaray guryahoodii ka hor iyo intii lagu jirayba dagaalkii daba socday arrintaasi ee abuuritaankii dawladda Israa'iil.

Qaar badan oo ka mid ah qaxootigaas waxay ku danbeeyeen Qasa, halkaas oo iyaga iyo faracooda ay ka kooban yihiin saddex meelood meel. Sagaal boqol oo kun oo kale oo qaxooti diiwaangashan ahaa ayaa ku nool Daanta Galbeed, oo Israa'iil ay qabsatay dagaalkii Bariga Dhexe ee sanadkii 1967-kii halka 3.4 milyan oo kalena ay ku nool yihiin Jordan, Suuriya iyo Lubnaan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Israa'iil ayaa ciidamadeeda iyo dadkii deggenaa Qasa kala baxday 2005tii, in kasta oo ay gacanta ku dhigtay xudduudaha ay wadaagaan, hawadeeda iyo xeebaheeda, taasoo u sahashay inay si hufan u maamusho dhaqdhaqaaqa dadka iyo badeecadaha. Qaramada Midoobay ayaa wali Qasa u aragta dhul ay Israa'iil haysato, sababtoo ah marka la eego heerka maamul ee Israa'iil.

Arbacadii, boqorka Jordan ayaa muujiyay sida uu diiddanyahay iskuday kasta oo lagu doonayo in lagu qabsado dhulka ama lagu barakiciyo Falastiiniyiinta ee Qasa iyo Daanta Galbeed, halka wasiirka arrimaha dibadda Masar uu carabka ku adkeeyay muhiimada dib u dhiska "iyagoon Falastiiniyiintu ka bixin marinka Qasa".

Xamaas – oo Israa'iil, Maraykanka, UK iyo dalal kale ay u aqoonsan yihiin urur argagixiso – ayaa sheegtay in qorshaha Trump uu yahay "mid aan caqli gal ahayn" oo uu "kaliya dab ku sii shidi doono xaaladda" gobolka.

Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay in si qasab ah lagu raro ama lagu masaafuriyo dadka ka imaanaya dhulka la haysto oo si adag uu u diidayo y sharciga caalamiga ah.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegay inay "muhiim tahay in laga fogaado nooc kasta oo isir sifeyn ah" wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Qasa ay noqon doonto qayb muhiim ah oo ka mid ah mustaqbalka Falastiiniyiinta.

Falastiiniyiinta ayaa si adag uga horyimid hadalka Trump

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Falastiiniyiinta ayaa si adag uga horyimid hadalka Trump

Trump ayaa daaha ka qaaday qorshihiisa ku aadan in Mareykanka uu la wareegayo lahaanshaha muddada dheer ee Qasa oo uu kormeero dib u dhiskeeda xilli uu Aqalka Cad ku kula kylmay ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu Talaadadii.

Madaxweynaha ayaa sheegay in inta badan Falastiiniyiinta ku nool Qasa ay tahay in la raro si loo gaaro himiladiisa ah in la abuuro "dejinta xaaladda Bariga Dhexe", waxaana la doonayaa in dadka la geeyo dalalka Jordan, Masar iyo kuwa kale.

"Waxaan rajeynayaa inaan sameyn karno wax aysan rabin inay dib ugu noqdaan," ayuu yiri, isagoo ku celceliyay hadaladii hore ee Xafiiska Oval halkaas oo uu uga hadlay dib u dejinta dadka "si joogto ah".

Warbixintii Aqalka Cad Arbacadii, afhayeenad Caroline Leavitt ayaa la waydiiyay inay xaqiijiso in dhammaan Falastiiniyiinta doonaya inay sii joogaan Qasa loo oggolaan doono inay sidaas sameeyaan.

"Waxaan xaqiijinayaa in madaxweynaha ay ka go'an tahay dib u dhiska Qasa iyo in si ku meel gaar ah loo raro kuwa halkaas ku sugan sababtoo ah... waa goob la dumin karo," ayay ku jawaabtay,".

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Marco Rubio ayaa sidoo kale sheegay in fikradda ay tahay in Falastiiniyiintu ay ka baxaan dhulka " si ku-meel-gaar ah" iyadoo la nadiifinayo qashinka dibna loo dhisayo.

Trump ayaa maanta bartiisa bulshada ee Truth Social ku qoray in Qasa "ay Israa'iil ku wareejin doonto Mareykanka marka uu dhammaado dagaalku".

Xabad joojin dhaqan gal ah oo dhexmartay Israa'iil iyo Xamaas ayaa hakisay dagaalka waxaana ay ujeedadeedu tahay in si joogto ah loo joojiyo dagaalka.

"Falastiiniyiinta... waxaa mar hore la dejin lahaa goobo ammaan badan oo qurux badan, oo leh guryo cusub iyo kuwo casri ah, oo ku yaal gobolka. Dhab ahaantii waxay heli lahaayeen fursad ay ku faraxsan yihiin, badbaado, iyo xornimo," ayuu raaciyay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in aan loo baahnayn askar Maraykan ah si ay u ilaaliyaan xasiloonida.

Wareysi uu siiyay Fox News Arbacadii, ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa ku tilmaamay soo jeedinta Trump "mid cajiib ah" oo ay tahay "in la baaro, oo laga daba tago ".

Netanyahu ayaa sidoo kale soo jeediyay in dadka reer Qasa ay dib u soo laaban karaan, isagoo yiri: "Waa ay bixi karaan, ka dibna soo laaban karaan, way guuri karaan oo soo laaban karaan, laakiin waa inaad dib u dhistaa Qasa."