Muxuu yahay wejiga labaad ee xabbadjoojinta Qasa ee ay ka wada hadlayaan Netanyahu iyo Trump

Waa booqashadii afar iyo tobnaad ee Netanyahu uu ku tago Blair House ama Aqalka Martida Mareykanka,

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Waa booqashadii afar iyo tobnaad ee Netanyahu uu ku tago Blair House ama Aqalka Martida Mareykanka,

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa shaaca ka qaaday in maanta oo isniin ah uu bilaaban doono wadahadal uu la yeelanayo Steve Witkoff oo ah ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u qaabilsan Bariga Dhexe, si ay uga wadahadlaan qodobbada wejiga labaad ee heshiiska xabbad joojinta ah.

Warbaahinta Israa'iil ayaa ku warrantay in Netanyahu uu gaaray Washington gelinkii dambe ee Axaddii shalay, iyadoo lagu wado inuu la kulmo, xiriir ahna la yeesho Witkoff si uu u bilowdo wada xaajoodka wejiga labaad ee heshiiska. Netanyahu ayaa sidoo kale la kulmi doona madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Talaadada.

Kulamadan ayaa imaanaya ka hor wareegii shanaad ee sii daynta la haystayaasha oo loo qorsheeyay Sabtida. Wadahadallada dadban ee Israa'iil iyo Xamaas ayaa sidoo kale la filayaa inay dib u bilowdaan toddobaadkan, iyadoo wejiga koowaad ee heshiiska 42 maalmood ah uu ku dhow yahay dhammaadka bisha soo socota.

"Waa kulan aad muhiim u ah," Netanyahu ayaa u sheegay suxufiyiinta ka hor inta uusan u dhoofin Washington.

Netanyahu ayaa ku macneeyay in wadahadalka uu la yeelanayo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay uga wadahadli doonaan dhowr arrimood oo ay ugu muhiimsan yihiin "Dagaalka Israa'iil ee ka dhanka ah Xamaas, sii deynta dhammaan la haystayaasha, iyo arrimo ku saabsan Iran."

Jariiradda Jerusalem Post ayaa intaa ku dartay in Netanyahu uu tilmaamay in arrinta caadi ka dhigista xiriirka Sucuudiga ay qayb ka noqon doonto wadahadallada uu la yeelanayo Trump, isagoo yiri: "Waxaan isku dayi doonaa inaan ballaariyo wareegga nabadda oo aan furo bogag cusub oo nabadeed".

Netanyahu ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in kulanka uu la yeelanayo Trump uu noqon doono kii ugu horreeyay ee uu madaxweynaha Mareykanka la yeesho hogaamiye ajnabi ah tan iyo markii uu xilka qabtay, taasoo ka tarjumaysa "xoogga isbaheysiga Israa'iil iyo Mareykanka, iyo sidoo kale saaxiibtinimada shaqsiyadeed ee labada hoggaamiye", sida uu yiri wargeysku.

Safiirka Israa'iil ee Qaramada Midoobay Danny Danon ayaa soo dhaweeyay Netanyahu markii uu soo gaaray Washington Axaddii, isagoo sheegay in kulanka soo socda ee Trump iyo Netanyahu uu gacan ka geysan doono xoojinta "isbahaysiga qotada dheer ee u dhexeeya Israa'iil iyo Maraykanka iyo kor u qaadidda iskaashiga labada dhinac".

Waa booqashadii afar iyo tobnaad ee Netanyahu uu ku tago Blair House ama Aqalka Martida Mareykanka, taasoo ka dhigaysa hogaamiyaha ajnabiga ah ee booqda goobtan taariikhiga ah kii ugu badnaa tan iyo markii la aasaasay qarnigii sagaal iyo tobnaad, sida uu baahiyay wargeyska.

Doorka Mareykanka

Trump ayaa weriyayaasha u xaqiijiyey inay jiraan "kulamo muhiim ah oo la qorsheeyay," isaga oo ula jeeday ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Trump ayaa weriyayaasha u xaqiijiyey inay jiraan "kulamo muhiim ah oo la qorsheeyay," isaga oo ula jeeday ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii sheegay in wadahadallada uu la leeyahay Israa'iil iyo dalalka kale ee Bariga Dhexe ay yihiin kuwo "horumar muujinaya", ka hor inta aan Washington looga wadahadlin wejiga xiga ee xabbad joojinta Qasa.

Trump ayaa weriyayaasha u xaqiijiyey inay jiraan "kulamo muhiim ah oo la qorsheeyay", isaga oo ula jeeday ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu.

Trump ayaa muujiyay in 15 bilood oo dagaal ah ay dhulka Falastiiniyiinta ka dhigeen "meel burbursan", wuxuuna marar badan ku celceliyay qorshe lagu "nadiifinayo" marinka Qasa, isagoo ugu baaqay Falastiiniyiinta inay u guuraan dalalka deriska la ah sida Masar ama Urdun.

Warbaahinta Israa'iil oo soo xiganaysa ilo-wareedyo ayaa yiri, "Daawashada filim muuqaal ah oo ku saabsan xasuuqii 7-dii October isaga oo ku sugan Israa'iil ayaa saamayn weyn ku yeelatay isaga, waxa uu si qoto dheer ugu lug leeyahay arrinta la haystayaasha, go'aankiisa arrintani waa mid qoto dheer. "

Wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa yiri: "Qoysaskii la heystayaasha ayaa codsaday inay ku biiraan safarka ra'iisul wasaaraha ee Washington, laakiin codsigooda waa la diiday."

Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Pentagon-ka Arbacada, halkaasoo uu kula kulmi doono Wasiirka Difaaca Pete Hegseth.

Netanyahu ayaa sidoo kale kulamo la yeelan doona hoggaamiyayaasha Congress-ka iyo Senatka, iyo safiirka Mareykanka ee Israa'iil Mike Huckabee, sida ay ku warrantay warbaahinta Israa'iil.

Wejiga labaad ee xabbad-joojinta: Ma laga noqon doonaa mise wuu hirgalayaa?

Netanyahu

Xigashada Sawirka, Reuters

Wargeyska Haaretz ee ka soo baxa Israa'iil ayaa ilo wareedyo u xaqiijiyeen in Netanyahu "aysan ka go'neyn fulinta wejiga labaad ee heshiiska Israa'iil iyo Xamaas".

Wargeysku waxa uu ka soo xigtay xubin ka mid ah waftiga Netanyahu la socda in uu yiri: "Israa'iil diyaar uma aha in ay ka baxdo Marinka Qasa ilaa iyo inta Xamaas ay xukumayso.

Haaretz ayaa tilmaamay in isha lagu hayo in "Saraakiisha Israa'iil ay ujeedadoodu tahay wada xaajoodka wejiga labaad si ay u soo saaraan hannaan caadi ah oo heerkiisu gobolka gaarsiisanyahay."

Sida laga soo xigtay wargeyska, ilo ku dhow dhow maamulka Trump ayaa xaqiijiyay in "madaxweynaha Maraykanku uu doonayo inuu kaalin dhexe ka qaato dejinta heshiiska Israa'iil iyo Xamaas, Steve Witkoff iyo kooxdiisa ayaa la filayaa inay diiradda saaraan horumarinta wadahadalka labada dhinac. "

Haaretz ayaa intaa ku daray: "Wadahadallada ayaa keeni doona in la hubiyo in ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu horay u sii wado wada xaajoodka, inkastoo uu horey u sheegay in uu ku soo laabanayo dagaalka dhamaadka marxaladda koowaad ee heshiiska iyo sida uu uga soo horjeedo in loo gudbo marxaladda labaad. "

Wargeysku waxa uu xusay in wada-hadallada loo qorsheeyay in ay bilowdaan maalinta Isniinta ah, oo ah maalintii lix iyo tobnaad ee xabbad-joojinta, oo ah qaab "wada-hadal degdeg ah" oo ka dhici doona Qatar ama waddan Yurub ah.

Laakiin ka dib markii ay qadka teleefoonka ku wada hadleen Netanyahu iyo Witkoff, waxaa la isku af-gartay in la bilaabo wadahadalo horudhac ah oo ka dhacaya Washington, iyada oo isbeddelada loo gudbiyay dhexdhexaadiyeyaasha

Ra'iisul wasaaraha Qatar Maxamed bin Salman Al Thani ayaa xaqiijiyay in bilowga xiriirka uu la yeelanayo Witkoff Isniintii, labada dhinac ay isku dubaridi doonaan tillaabooyinka soo socda, oo ay ku jirto jadwalka booqashada Witkoff ee gobolka.

Axadii, Al Thani waxa uu si dadban uga hadlay ku dhawaaqistii Netanyahu ee ahaa in aanu markaan soo diri doonin wafdi Israa'iil ka socda si ay u dhamaystiraan wadahadalka dhex dhexaadiyayaasha.

Waxa uu carabka ku adkeeyay shir jaraa'id oo ay si wada jir ah u qabteen Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga in uu rajaynayo in wejiga labaad uu si deg deg ah u bilowdo sida ku cad heshiiska, isagoo yiri: "Ma jiro wax cad oo weli ku saabsan halka iyo goorta ay imaanayaan wufuudda, waxaan rajeyneynaa in aan aragno dhaq-dhaqaaqyo. maalmaha soo socda, maadaama ay muhiim tahay inaan hadda bilowno inaan heshiis gaarno ka hor maalinta 42-aad."

Sida ku cad heshiiska xabad joojinta iyo la haystayaasha, wada xaajoodka wejiga labaad ee heshiiska waa inuu bilowdaa ugu dambayn maalinta 16aad ee wejiga koowaad.

Si kastaba ha ahaatee, warar kale ayaa sheegay in Netanyahu uusan koox wada xaajood ah u diri doonin Qatar ilaa inta uu ka dhammaanayo kulanka Trump.

Warbaahinta Israa'iil ayaa ku warantay in Netanyahu uu baajiyay daqiiqadihii ugu dambeeyay kulan la qorsheeyay inuu fiidnimadii Sabtida la yeesho madaxa Mossad David Barnea, madaxa Shin Bet Ronen Bar iyo tiro kale oo mas'uuliyiin sar-sare ah. Netanyahu ayaa go'aansaday inuusan kooxda u dirin Qatar ilaa uu dhaco kulanka soo socda ee Trump.

Warbaahinta Israa'iil oo soo xiganaysa ilo aan la magacaabin ayaa sheegtay in go'aanka Netanyahu uu ka dhigan yahay "calaamad walaac badan leh" oo la xiriirta hirgelinta wejiga labaad, isagoo walaac ka muujiyay in sidoo kale uu caqabad ku noqdo hirgelinta wajiga koowaad oo soconaya 42 maalmood.

Wajiga xiga ayaa la filayaa in lagu soo daayo la haystayaasha harsan iyo in laga wada hadlo sidii dagaalka loo joojin lahaa.