Falastiiniyiin dhashay markii aabahood la xiray ka dib iyo dareenkooda markii ugu horreysay ee ay laabta is galiyeen

Dib u dhac saacado badan qaatay ka dib, waxaa jiray muuqaalo farxadeed oo ka imaanaya Ramallah halkaas oo ku dhawaad 60 maxbuus oo Falastiiniyiin ah laga soo daayay xabsiga Israa'iil kuwaas dib ula midoobay ehelkooda.
Dadka la sii daayay oo dhadhamiyay macaanka xorriyadda markii ugu horreysay muddo 22 sano ah waxaa ka mid ah Xuseen Nassar oo 47 jir ah, oo la xiray 2003-dii isagoo ka soo qeyb qaatay kacdoonkii Intifada ee labaad ee Falastiiniyiinta.
Halkaas waxaa uu kula kulmay gabdhihiisa, Hedaaya oo 22 jir ah iyo Raghad, oo 21 jir ah. Labaduba waxay ku labisnaayeen dhar dhaqameed casaan iyo madow ah oo ay kala yimaadeen Nablus, magaaladii ay ku dhasheen.
Gabadha yar ayaa horay iigu sheegtay in ay adag tahay in la sharraxo noloshii muddo dheer ay ku jirtay iyadoo aabbo la'aan ah ."Waa markii ugu horeysay ee aan taabto aabahay jirkiisa, waan isku duubay, ma qiyaasi karo dareenkayga."
Iyada oo ku faraxsan la kulanka aabbaheed, ayay tiri "Israa'iiliyiinta ayaa xiray markii ay hooyaday uurka lahayd. Waxaan dareemayaa in tani ay tahay markii ugu horeysay ee aan ogaan doono waxa ay tahay in aan aabbe yeesho".
110-ka maxbuus ee Falastiiniyiinta ah ee lagu sii daayay heerka ay hadda marayso xabad-joojinta jilicsan, ayaa waxaa ka mid ahaa dhowr haween iyo carruur ah - kan ugu yarna waa15 sano jir.
Qaar ka mid ah waxaa lagu eedeeyay dambiyo yar yar, qaar kalena laguma ridin wax xukun ah ama si rasmi ah looguma soo oogin wax dacwad ah.
Balse 21 maxbuus oo lagu helay dambiyadii ugu cuslaa, oo uu ku jiro dil, ayaanay Israa'iil u ogolayn in ay ku laabtaan dhulkooda Falastiin, waxaana loo masaafuriyay Masar ama dalalka deriska la ah.
Mid ka mid ah madaxda sare ee aan loo dirin musaafuris, in kasta oo lagu xukumay ku lug lahaanshiyaha dhimashada dhowr Israa'iiliyiin ah, waa Sakaria Zubeidi.
Taliyihii hore ee guutooyinka al-Aqsa waxa uu ka mid ahaa dhawr maxbuus oo ay kor u qaadeen taageereyaal aad u faraxsan oo marayey waddooyinka u dhow xarunta rayidka ee Ramallah.
Wuxuu ahaa muuqaal, la mid ah kuwii ay Xamaas hore ugu muujinayeen awoodda Qasa, taas oo ka caraysiin doonta dad badan oo Israa'iil ah, shaki la'aanna waxay horseedi doontaa baaqyo cusub oo ka imaanaya qaar ka mid ah siyaasiyiinta garabka midig ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Xamaas ee Qasa inuu dib u bilowdo ka dib wejigan bilowga ah ee lixda toddobaad ah ee xabbad joojintii marka ay dhamaato.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Guddoomiyaha Ramallah iyo El Bireh, Dr. Layla Ghanam, ayaa u aragtay soo laabashada dadkii hore u xirnaa oo aad u badan inay tahay wax lagu farxo.
Laakiin waxay dareentay isku dhafnaan iyadoo hawlgallada milatariga Israa'iil ay sii xoojiyeen qaybta waqooyi ee Danata Galbeed ee la haysto, iyo xabbad-joojinta Qasa oo weli habacsanaan ka muuqato.
"Dhamaan Falastiiniyiintu waa ku faraxsan yihiin sii-deynta maxaabiista, laakiin waxaan ka murugoonaynaa waxa ka dhacaya deegaannada xilligan. Hooyooyinka maanta, inkastoo ay ku faraxsanyihiin sii-deynta carruurtooda, sidoo kale way murugoonayan hooyooyinku waxay waa yeen guryahoodii iyo carruurtoodii."
Maanta waxay ahayd maalmo ka mid ah kuwa aadka u yar, oo aan anigu ka warbixinayo colaaddan adag, ee aan arkay wejiyo faraxsan oo badan oo ka dhex muuqda Falastiiniyiinta iyo Israa'iiliyiinta labadaba.
"Waa dagaal aad u xun, burburinaya nolol badan" ayay tiri.
Guddoomiye Ghanam ayaa ku eedeysay dowladda Israa'iil inay aanay xiiseyn nabadda. "Laakiin ma rajo dhigaynoa," ayay tiri, iyadoo dhoolla-caddaynaysa. "Haddii aan rajada lumin lahayn, Falastiiniyiintu way dhammaan lahaayen 75 sano ka hor."
Qaybta xigta ee sii-deynta maxaabiista ee lagu beddelayo maxaabiista Israa'iil ayaa la filayaa inay dhacdo Sabtida.













