Gabadhii iyada oo maxbuusad ah sawiradeedu faafeen oo ugu dambayn xuriyadeeda heshay

Xigashada Sawirka, Social Media
Nehima Jamal oo u dhalatay dalka Itoobiya, oo toddobaadyo ka hor la soo duubay iyada oo magafayaal ku haystaan Liibiya, ayaa BBC-da u sheegtay in la sii daayay ka dib markii ay siisay ragii haystay 700,000 oo Birr oo lacagta dalka Itoobiya ah, oo u dhiganta $5546.
Nehima oo ka soo dhex-muuqatay sawirro iyo muuqaallo iyadoo afkeeda maro ku duuban tahay, isla markaana ay jirdil u geysanayaan kooxaha haysta, ayaa BBC-da u sheegtay in kooxihii afduubtay ay laba maalmood ka hor keeneen magaalada ayna sii daayeen kaddib markii qoyskeeda ay lacag ka ururiyeen Itoobiya.
Waxay BBC-da u sheegtay in inkasta oo dad badan oo ay iyada ku jirto la haysto, haddana "in yar" la siiyay daayay ilaa hadda.
Nehima oo hadda ku sugan Liibiya ayaa sheegtay in ay daalan tahay oo ay xanuunsan tahay, codkeedana waxa uu ahaa mid gariirayaa, "ma garanayo waxa xiga ee dhici doona; wax walba waa cabsi, xitaa in ay telefoon soo wacdo" iyada oo raacisay in ay walaacsan tahay. oo ay ku adag tahay in sii hadasho.
Qaxootiga Liibiya oo ah hay'ad la socota xaaladda qaxootiga Liibiya ayaa bartooda internetka ku sheegay xilliga la afduubanayay Nehima in Nehima iyo dad kale oo qaxooti ah ay ku suganaayeen gobolka Kufra oo ay gacanta ku hayaan kooxaha hubeysan.
Afduubayaashu waxay dalbadeen lix kun oo dollar si loo sii daayo Nehima. Fiidiyowyo loo diray qoyska Nehima ayaa muujinaya dadka tahriibayaasha ah oo ku sugan xaalad aad u xun.
Nehima ayaa la arkay iyada oo gacmaha iyo cagaha ka xiran, afkana maro uga xiran tahay. Waxaa jira muuqaalo iyo sawiro muujinaya iyada oo la jir dilayo oo dhiig uu dusheeda ka muuqdo.
Fiidiyowyada iyo sawirrada ay soo saartay hay'addu, ma ahan Nehima oo keliya laakiin ilaa 50 kale oo dhibanayaal ah oo ay haystaan afduubayaashu ayaa la arkayay in ay gadaasheeda safan yihiin.
Nehima oo ah ardayad ayaa ka soo ambabaxday dalka Itoobiya kana soo kicitimay magaalada Shashemene ee gobolka Oromia, waxayna sii martay Addis Ababa iyada oo sii aaday magaalada Gondar, waxayna ku sii jeedday dalka Liibiya.
Waxa Liibiya u diray qof ay Itoobiya ku garanaysay oo u sheegay in ay shaqo ka jirto. Wax lacag ah oo ay wiilkeeda uga bixin karto safarka ma aysan haysan xilligaas, waxaana ay gaartay Liibiya oo ay ku maqnaayeen qaar ka mid ah asxaabteeda.
Waxay sheegtay in laba nin oo Itoobiyaan ah oo ay kula kulantay Addis Ababa ay haraad ugu dhinteen saxaraha Liibiya.

Xigashada Sawirka, Social Media
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Nehima, ayaa waxay sheegtay in aysan helin"tabar" si ay u aasto asxaabteeda daalka iyo haaraadka u dhintay, waxay ka qoomamaynaysaa inay ka tagtay Itoobiya, laakiin ma qorsheynayso inay dib ugu noqoto waddankeeda ka dib dhibaatadaas oo dhan.
"Waxaan ku fekerayaa inaan aado waddan kale haddii Eebbe idmo," ayay tiri.
Laakin dadka kale ee tahriibka u arka inay dookh u noqon karo, ayaa waxay ku tiri, "Waxaa u roonaan lahayd inay dalkooda joogaan, cudur baa waddada ka jira, dhimasho ayaa jirta, qaar badan oo saaxiibaday ah ayaa waddada ku dhintay.
Iftu Jamal oo la dhalatay Nehima ayaa BBC-da u sheegtay in Nehima ay ka baxday waxbarashada fasalka 11-aad ee magaalada Shashemene ayna u haajirtay Liibiya siddeed bilood ka hor.
Sida laga soo xigtay hay'adda Qaxootiga Liibiya, Nehima Jamal oo 20 jir ah ayaa ku dhacday gacanta mintidiinta maalmo uun ka dib markii ay gashay Liibiya bishii May ee la soo dhaafay.
Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka ayaa beesha caalamka ku eedeeya in ay iska indha tirayaan ka ganacsiga bani'aadanka ee ka socda dalka Liibiya.
Kooxaha u dooda xuquuqda ayaa sheegay in Liibiya ay noqotay xabaal ay ku aasan yihiin muhaajiriin Afrikaan madow ah, gaar ahaan kuwa qaxaya













