Saciid Muuse: "Dad maskaxdoodu aaney caadi ahayn iyo meydad ayaa doonta aan ku tahriibeynay noo saarnaa"

Tahriib

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sheekooyinka tahriibka ku saabsan intooda badan waa kuwo xanuun badan marka ay ka warramayaan dadka goob joogga u ahaa xaaladaha qaar.

Tahriibayaasha ayaa adeegsada waddooyin halis ah iyagoo istimaala doomo u nugul safaraka dheer iyo masaafada la soconayo.

Waxaa jira dad ka badbaaday safarradaas badda iyo birriga ah, balse u soo joogay dhimashada dadkii ay jidka dheer wada marayeen isla markaana hadafkoodu ahaa in mar uun ay gaarayaan dalalka hilaacu uga bilig yiri oo ay aaminsanyihiin in ay ka helayaan nolo dhaanta tan markaa ay ku jiraan

Dadka dhacdooyinkaas xanuunka badan goob joogga u ahaa waxaa ka mid ah Saciid Muuse Yalaxoow oo sheegay in markii hore ay ahaayen 12 qof oo Soomaali oo ka mid ahaa lixdan (60) qof oo hal doon ay wada saarnaayeen kuwaas oo laga waday dalka Mauritania ee ku yaalla Waqooyi galbeed qaaradda Afrika .

Saciid waxa uu sheegay in intii loo sii waday badda si ay halkaa doon uga raacaan ay dhex uga tageen gabar la socotay kadib markii ciidan baacsaday.

"Badda ayaa naloo qaaday kadibna gabadh ayaan dhex uga tagnay oo ciidan ayaa na cayrsaday, markii ciidanku na eryadeen gabdhii dadkii kale way gaari wayday oo waa la qabtay," ayuu yiri Saciid.

Saacado kadib ayaa Saciid iyo kooxdii la socotay gaareen badda, iyagoo halkaa doon ka raacay xilli saqdhexe ah, waxaana qorshahoodu ahaa in saddex bari kadib ay tagaan dalka Spain. Balse taasi ma dhicin oo waxaa cilladi ku timid qalabkii jiheynayay ee GPS-ka.

"Maalintii saddexada oo la qorsheeyay in ana galno jaziiradda al hero ee waddanka Spain, waxaa naga ciladoobay GPS-kii," ayuu Saciid hadalkiisa raaciyay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Markii jiheeyihii ka ciladoobay ayay arkeen maraakiib badda gooashaya waxayna isku dayeen wadayaashii doonta in ay caawimaad ka dalbadaan maadama jihadu ka dhumi karto, hase-yees dhowr Markab ayaa ka baxsaday oo ka dhaga adeeygay in ay gacan u fidiyaan kooxdii dahriibayaasha ahaa ee doonta saarnaa.

"Naaquudayaashii doonta waday ayaa isku dayay in ay badbaado ka dalbadaan markab ay arkeen, markabkiina wuu naga cararay, mid kale ayaan aadnay wuu naga cararay mid saddexaadna wuu naga cararay, ilaa maraakiibtii oo dhan ay naga ordeen jihadiina naga dhunto," ayuu yiri Saciid Saciid Muuse.

Saciid ayaa sheegay in wixii intaa ka dambeyay ay u bilaabatay maalintii afaraad, dadkiina ay sii liidanayaan maadaama ay badda dhowr maalmood ku jireen.

Markaan doonta waxay ku saaranyihiin 11 qof oo Soomaali ah waxaana ay habow ku yihiin biyaha badda dushooda oo ma garanayaan meel ay u socdaan iyo meel ay ka yimaadeen toona. Mid ka mid ah dhalinyardii dooonta saarneed oo Saciid oo BBC-da u warramay uu magaciisa ku soo koobay Cabdulqaadir ayuu sheegay in uu aad u xanuusaday isla markaana uu geeriyooday maalintii lixaad oo badda ay dul hee-heebayaan.

"Cabdulqaadir ayaa u geeriyooday qabow, gaajo iyo harraad isugu darsamay. Wiil Cabdulqaadir la oran jiray Allaha u naxariistee ayaa xaaladiisu aad u xumaatay wuxuuna u geeriyooday qabow,gaajo iyo harraad," ayuu yiri Saciid.

Markaan doontii waxaa ku soo haray toban qof oo Soomaali ah oo muddo toddobaad ah ku jira badda, maadaama Cabdulqaadir oo la socday uu geeriyooday, horeyna gabar loogala haray.

Tahriib

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tobankii qof ee doonta ku soo haray laba ka mid ah waxaa saameyn ku yeeshay geeridii saaxiibkoodii doonta la saarnaa iyo xaaladihii ay wajahayeen markaa, waxaana ay noqdeen kuwa isku dhex yaacsan, iyagoo gaaray xaalad waali lagu tilmaamay.

Saciid Muuse Yalaxow oo sharrxaya sida xaalku noqday markii mid ka mid ah wiilashii la socday uu geeriyooday, ayaa yiri:"Raggii kale qaarbaa maskaxdii si ka noqotay, ilaa laba nin ayaa maskaxdoodii is badeshay oo waashay. Raggiibaan celcelis u galnay, ilaa xaaladoodii ay ka sii dartay,".

Waxay badda dul sabbeeyaanba waxaa ay doontii kula soo laabtay biyaha dalka Marooko, waxaana ay la kulmeen doomo kalluumaysato ah, iyadoo mid ka mid ah labadii nin ee xanuusanaa ee maskaxda wax ka gaareen uu geeriyooday kaasi oo magaciisa lagu sheegay Maslax.

Saciid ayaa sheegay in meydadkii ay doonta u saaranyihiin halka dadka kale ee tahriibayaasha ee doonta la saaran ay tuurayeen dadka ka dhinta.

Mar kale ayaa laba qof oo kale ay ka xanuusadeen Soomaalidii oo badda bannaankeeda ku sugaya ciidamada xeebaha Marooko oo loo diray qaylo dhaan. Ciidamadii markii ay yimaadeen dadkii meydadka ahaa goobtii ayaa looga tagay halka kuwii kalana la geeyay isbitaal, halkaas oo markii dambe laba wiil oo ka mid ah kuwii xanuusanaa ay ku geeriyoodeen.

Saciid Muuse Yalaxow ayaa BBC-da u sheegay in markii isbitaalka laga saaray iyagoo gaaraya toddobo qof la geeyay xabsi ku yaalla dalka Marooko halkaasna uu wiil kale kaga dhintay, iyagoo lix ahna ay hadda ku suganyihiin xero ku taalla caasimadda Marooko ee Rabat muddo bil ah iyo xoogaa ah.

Dhanka kale safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Marooko Salaad Cali Catoosh oo qayb ka qaatay dadkaan Marooko ku sugan ee tahriibayaasha ah soo badbaadintooda ayaa sheeegay inuu ku adkeynayo in dadku ay dalkooda joogaan maadaama tahriibu ay leedahay dhib badan iyo xaalado halis ah.

Wuxuu intaa ku daray in dadka doonaya in ay ku laabtaan dalka ay gacan ka siinayaan sidii ay u noqon lahaayeen, iyadoo safaaraddu horeyba dad uga soo celisay dalkaas oo waraaqo iyo wixii ay uga baahnaayeen u fududeysay.