Waxa aan ilaa hadda ka ognahay ee ka soo kordhay dayaaradaha isku dhacay ee Washington DC

Diyaarad rakaab ah oo ay la socdeen 64 qof oo isugu jiray rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda ayaa ku burburtay wabiga Potomac ee nawaaxiga magaalada Washington DC, ka dib markii ay hawada iskula dhaceen diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka.
Ugu yaraan 19 mayd ah ayaa laga soo saaray wabiga ilaa iyo hadda, sida ay sheegeen ilo wareedyo. Shakhsiyaad ka soo jeeda Maraykanka iyo Ruushka ayaa ka mid ah dadka la og yahay inay saarnaayeen diyaaradda markii shilku dhacay.
Kooxaha samatabixinta ayaa waqtii badan ku bixinaya sidii ay biyaha wabiga baaritaan ugu sameyn lahaayen oo ay u heli lahaayeen dadka la la' yahay.
Gegida diyaaradaha ee Ronald Reagan ee ku dhow Washington ayaa si ku meel gaar ah loo xiray iyadoo mas'uuliyiintu ay baarayaan waxa dhacay.
Maxaa dhacay?
Abaare saacaddu markay ahayd 21:00 wakhtiga maxaliga ah ee Arbacadii, Diyaarada PSA Airlines oo u shaqaynaysay American Airlines 5342 ayaa ku dhacday diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidanka Maraykanka, xilli ay ku soo dhawaatay Garoonka Ronald Reagan Washington, sida ay sheegeen Maamulka Duulimaadyada Federaalka (FAA).
Wararka ayaa sheegaya in diyaarada rakaabka ah ay laba cad noqotay iyadoo dhowr taayaradeeda ah ay ku dheceen wabiga,halka diyaarada helicopter-ka ah ay ku dhacday dusha biyaha.
Diyaaradda oo nooceedu ahaa Bombardier CRJ700, ayaa ka soo duushay Wichita, Kansas, waxaana saarnaa 60 rakaab ah iyo afar shaqaale ah, sida ay sheegtay shirkadda American Airlines.
Pentagon-ka ayaa sheegay in diyaaradda helicopter-ka ah ee ku lugta lahayd shilka ay ahayd Sikorsky H-60 taasoo ka soo duushay Fort Belvoir ee Virginia.
Saddex askari oo Maraykan ah ayaa la socday, duqa magaalada Washington DC Muriel Bowser ayaa sidaas sheegay. Sarkaal kale ayaa sheegay in ay ku jirtay duulimaad tababar ah, waxaana iska lahaa Shirkadda B, Guutada 12-aad ee Duulimaadka oo ka timid Fort Belvoir ee Virginia.
Muuqaal la baahiyay, ayaa lagu sheegay in uu jiray wadahadal dhexmaray maamulka hawada iyo diyaaradda daqiiqado ka hor shilka.
Qaybta Kontoroolka ayaa lagu soo waramayaa in la maqlayo digniinta ku saabsan diyaaradda helicopter-ka, balse ma helin wax jawaab ah. Codka ma aysan xaqiijin BBC-du.
FAA waxa ay sheegtay in ay baari doonto shilkaas, iyada oo la kaashanaysa Guddiga Badbaadada Gaadiidka Qaranka (NTSB).
Ma jiraan dhaawacyo?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ilo xog-ogaal u ah baaritaanka ayaa CBS u sheegay in ugu yaraan 19 meyd ah laga soo saaray wabiga – inkastoo saraakiishu ay ka gaabsadeen inay xaqiijiyaan wararka noocaas ah, iyagoo sheegay inay diiradda saarayaan dadaalkooda badbaadinta.
Wararka ayaa sheegaya in dadka rakaabka ah ay ka mid ahaayen "dhowr xubnood oo ka mid ah kooxaha barafka ku dul taraaraxa. Waxaa la sheegayaa in kooxdani ay ka koobnayd ciyaartoy, tababarayaal iyo xubno qoys oo ka soo guryo noqday Kansas.
Ruushka ayaa sheegay in laba ka mid ah muwaadiniintooda, oo tababarayaal u ahaa ciyaartooyda barafka ku dul orda iyo ciyaaryahankii hore ee adduunka Yevgenia Shishkova iyo Vadim Naumov, ay sidoo kale saarnaayeen diyaaradda.
"Ilaa 300 oo ka mid ah kooxaha gurmadka ah oo saaran doomo caag ah ayaa la geeyay si ay u raadiyaan kuwa badbaaday", ayuu yiri Madaxa Adeegyada Dabka iyo iyo gurmadka Degdegga ah ee Washington DC John Donnelly. "Caqabadda jirta ayaa ah helitaanka, waxaa jira dabayl, qaybo baraf ah biyaha wabiga. Waa khatar oo way adag tahay in laga shaqeeyo," ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Maxay goobjoogayaashu arkeen?
Ari Schulman ayaa u sheegay NBC Washington in uu arkay shilka diyaaradeed xilli uu marayey waddada George Washington Parkway, taasoo u dhow goobta shilku uu ka dhacay.
Waxa uu sheegay in habka ay diyaaraddu u socotay uu u ekaa mid caadi ah, ilaa uu ka arkay diyaaradda oo si adag dhinaca midig u jaleecsanaysa, isla markaana iftiin uu ka baxayo qaybta hoose.
Waxaa uu sheegay inuu arkayay in ay u muuqatay "in wax weyn khaldanaayeen ". Mar uu horay u arkay diyaarad ku soo degeysa halkaasi, waxa uu sheegay in diyaarada dhinaceeda hoose dhimbilo ka baxayeen".
Dhimbiluhu, waxay u ekaayeen "shumac " ka soo baxay qaybta hor ee diyaaradda ilaa qaybta dambe,".
Jimmy Mazeo ayaa sheegay in uu arkay shilkan xilli ay saaxiibtiis ku wada cashaynayeen beer lagu nasto oo u dhaw garoonka diyaaradaha.
Wuxuu xusuustay inuu arkay wax u eg " olol " oo cirka ka muuqda. Waxa uu sheegay in diyaaradaha ku duulaya garoonka diyaaradaha ee Ronald Reagan ay u muuqdeen kuwo ku duulayay qaab aan caadi ahayn.
Mr Mazeo waxa uu sheegay in aanu wax badan ka fikirin waxa uu arkay ilaa ay kooxaha gurmadka ahi bilaabeen in ay goobta yimaadaan.
Maxay sheegeen saraakiisha Maraykanku?

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in si buuxda loogu wargeliyay "shilkan daran" isla markaana uu si dhow ula socdo xaaladda.
"Ilaahay Naftooda ha u naxariisto" ayuu ku yiri hadal uu soo saaray. "Waad ku mahadsan tihiin shaqada cajiibka ah ee ay qabteen kooxaha gurmadka degdeg ah.
Bartiisa bulshada ee TruthSocial ayuu sidoo kale su'aalo ka keenay sida ay wax u dhaceen isagoo qoray: "Xaaladdani waa xaalad xun oo u muuqata in laga hortegi lahaa, ma fiicna!!!.
Madaxweyne ku xigeenka JD Vance ayaa u duceeyay dadkii ku dhintay shilkan.
Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth iyo Xoghayaha Gaadiidka Sean Duffy, oo dhawaan la magacaabay, ayaa sidoo kale sheegay inay la socdaan xaaladda.
Mar la weydiiyay haddii dariiqyada duulimaadka ee u dhow garoonka diyaaradaha ee Ronald Reagan la beddeli doono shilka ka dib, Duffy wuxuu yiri "waxaan qaadi doonnaa tallaabada ku habboon haddii loo baahdo". Waxa uu intaa ku daray: "Waxaa dib u eegis lagu sameyn doonaa wixii caawa halkan ka dhacay."
Madaxa shirkadda diyaaradaha ee American Airlines Robert Isom ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay shilkaas, muuqaal la soo dhigay website-ka shirkadda.













