Maxaa ka jira in saacaddii qiyaamuhu soo dhawaatay?

saacadda

Saacadda laga matalay in ay tahay tan qiyaamaha, taas oo muujineysa sida aadanuhu ugu dhawyahay dhanka burburka ayaa waxa hal ilbiriqsi u durugtay dhanka hore 89 ilibiriqsina u jirsatay xilliga kala bayrka.

Barnaamijka lagu magu magacaabo Saynisyahanadda Atamka ee (BAS) oo saacada rakiba sanad walba, ayaa waxa uu sheegay in – khataraha dhanka hubka nukleyrka ee taagan, sida qaldan ee loo isticmaalo biology ga aadka u horumaray, garaadka macmalka ah iyo sidoo kale isbadalka cimilada in ay yihiin waxyaabaha aasaaska u ah baqdinta la qabo.

Danial Holz, oo ah madaxa barnaamijka gaar ahaan guddigiisa Sayniska iyo Ammaanka, ayaa waxa uu sheegay in talaabadaan ay qaaday saacaddu "ay digniin u tahay dhammaan hugaamiyaasha caalamka".

Saacaddaan ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu saxay in ay joogto 7 daqiiqo ka hor xilliga saqda dhexe sanadkii 1947 dii. Sanadkii la soo dhaafay sagaashan daqiiqo ayay u jirtay dhanka hoogga adduunka balse waxaba kuma darsamin oo intaas ma dhaafin.

Bayaanka Talaadadii ay soo saareen BAS - oo ah hay'ad samafal oo fadhigeedu yahay Chicago – waxaa lagu yiri: "Marka ay saacadda hal ilbiriqsi oo kaliya u jirsato saqda dhexe, waxaan diri doonnaa digniin adag.

"Maadaama dunidu ay mar horeba si khatar ku sii socotay, ilbiriqsi kasta oo is roga waa in loo qaataa calaamad muujinaysa khatar aad u daran iyo digniin aan la garan karin waxa ku xiga oo ah in ilbiriqsi kasta oo loo sii dhawaado dhanka saqda dhexe uu kordhinayo suurtagalnimada musiibo caalami ah."

saacadda

Hay'adda ayaa waxay ka digtay in dagaalka sii socda ee Ukraine - oo hadda ku dhow muddo saddex sano ah tan iyo duulaanka buuxa ee Ruushka uu halkaas ku qaaday - "uu noqon karo mid isku bedela nukliyeer daqiiqad kasta sabab la xiriir karta go'aan degdeg ah ama shil dhaca amaba in si qaldan xisaab la isugu dhufsado".

"Colaada Bariga Dhexe waxa ay halis gelinaysaa in uu faraha ka baxo oo la galo dagaal kale iyada oo aan war loo hayn," ayaa lagu yiri bayaanka.

Guddiga saynis yahanada ayaa sidoo kale sheegay in "saadaasha mustaqbalka fog ee isku dayada aduunka ee wax ka qabashada isbedelka cimilada ay weli tahay mid liidata, iyada oo inta badan dawladaha ay ku guuldareystaan inay sameeyaan maalgelinta iyo hindisayaasha siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah joojinta kulaylka caalamiga ah."

Qaybta noolayaasha ee BAS ayaa iyana waxay sheegtay, "cudurada soo ifbaxaya iyo kuwa dib u soo laabanaya waxay sii wali khatar geliyaan dhaqaalaha, bulshada iyo amniga adduunka".

Waxa kale oo ay ka digtay in "tiknoolajiyada badan la horumaray sanadihii la soo dhaafay taas oo khalkhal gelinaysaa koonka oo dhan kana dhigaysa mid halis ku sugan".

Ururku wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhammaan khatarahaas "ay si weyn uga sii daraan karaan mar walba dhawr khatarood oo kala ah: faafinta macluumaadka khaldan, wararka been abuurka ah iyo aragtiyaha aan xaqiiqda ku salaysnayn.