Maxaan ka naqaanaa "Guriga qiyaamaha"?, waase maxay sheekada ka dambeysa?

Albaabka laga galo mid ka mid ah hoyga dhulka hoose oo laga dhisay Waqooyiga Ireland.

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Albaabka laga galo mid ka mid ah hoyga dhulka hoose oo laga dhisay Waqooyiga Ireland.

Iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha iyo colaadaha ballaaran ee ka jira meel badan oo adduunka ah ayay shirkadaha dhismaha guryaha waxay bilaabeen inay horumariyaan qorshe ku habboon in la helo aag looga dhuuman karo khatarta ku xeeran.

Guryahan ayaa loogu talogalay inay dadku helaan guryo ammaan ah oo ay muddo dheer ku noolaadaan, ugana nabad galaan khataraha oo dhan, taas oo ku kacaysa adduun lacag oo malaayiin doolar dhan.

Hoygaan waxaa lagu magacaabaa "Qiyaamaha"; waxaan uu calaamada u yahay dhammaadka soo socda ee adduunka,iyo saacadaha ugu dambeeya ee nolosha Dunida.

fikradda dhismaha hoyga leh dhufaysyada lagama maarmaanka ah si loo helo meel looga baxsado dhulgariir, masiibooyinka dabiiciga ah, dagaallo, iyo in hubka nukliyeerka oo la isku garaaco. Waxaa loo adeegsanayaa dhismeyaashan biraha shubka ah oo dhulka hoos la galinayo in ka badan 3 mitir si aysan xitaa bombooyinku u waxyeeleyn.

Wadamo dhowr ah ayaa ka shaqeynaya sidii ay u dhisi lahaayeen guryaha noocaan ah, sida Israel, Mareykanka, Switzerland, Kanada, Sweden iyo dalal kale, kuwaas oo durba bilaabay in la hirgaliyo qorshahan dhowr sano ka hor.

Shaqaale dhisaya hoy dhulka hostiisa ah

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Shaqaale dhisaya hoy dhulka hostiisa ah

Shirkadda Maraykanka ee "Rising S", oo ka shaqaynaysay dhismaha guryaha in ka badan 20 sano, ayaa sheegtay in baahida hoyga laga dhisayo dhulka hoostiisa ay kor u kacday ilaa 10-laab tan iyo markii ciidamada Ruushka ay galeen Ukraine.

Injineerada ku howlan dhisamah guryaha dhulka hoostiisa ayaa ka shaqeynaya sidii ay u abuuri lahaayeen deegaan dhulka hoostiisa ah, oo awood u siinaya bini'aadamka inay ku sii jiraan muddo dheer, iyagoo ka helaya adeegyada aas-aasiga ah sida dhakhaatiir, macalimiin, fasallo, beero lagu nasto, goob caafimaad, xarumo jimicsi.

Shirkaddu waxay tilmaantay in codsiyada lagu dhisayo hoyga ee ay heshay aanay ku koobnayn Ameerika, balse ay ka yimaaddeen dalal ay ka mid yihiin Ingiriiska, Switzerland, Denmark, Talyaaniga, Jarmalka, Kanada, iyo kuwo kale.

Shirkadda ayaa sheegtay in liiska macaamiisheeda ay ku jiraan shaqsiyaad caan ka ah siyaasadda, farshaxanka, ciyaaraha, iyo shirkadaha tignoolajiyada, sidoo kale macaamiisheeda waxaa ka mid ah ciidamada Ukraine, oo bilaabay iibashada guryahan tan iyo 2019.

Maxaan ka ognahay hoyga dhulka hoose ee Israa'iil?

haweeneey Israa'iiliyadda ah oo ilmaheeda

Xigashada Sawirka, REUTERS

Qoraalka sawirka, haweeneey Israa'iiliyadda ah oo ilmaheeda
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sharciga Difaaca Madaniga ah ee Israa’iil waxa uu dhigayaa in dhammaan guryaha, dhismayaasha la dego iyo xarumaha warshadaha ay leeyihiin gabbaadyo looga dhuunto bambooyinka, si loo ilaaliyo Israa’iiliyiinta marka la maqlo dhawaaqo seeriga, taas oo ah meel amaan ah iyo deyra ay kaga dhuuntaan gantaallada ku socda.

Sanadkii 1993, Israa’iil waxay soo saartay sharci cusub kaas oo ku qasbayo maalgashadayaasha hantida maguurtada ah inay abuuraan qol deyrar ah oo loo yaqaan "Mamad".

Waxaa jira saddex nooc oo hoyga dhulka hoostiisa ah ee ugu waaweyn Israa'iil: "Mamad" oo ah qol deyr leh oo loo isticmaalo gabaad oo ah hal guri oo gaar ah, "Mamak" oo ah hoy wadajir ah oo ku yaal dhismo gaar ah sida dhismo la deggan yahay oo loogu talagalay dhammaan dadka deggan dhismaha, iyo " Mikelt", kaas oo ah hoyga wadajirka ah ee dadweynaha oo ku yaal bannaanka dhismayaasha iyo waddada dadweynaha ay isticmaalan.

Guryahan oo ku yaal dhulka hoose ayaa ka samaysan shub xoogan, lehna daaqad aad u culus oo xiran iyo albaab bir ah, waxa ay leeyihiin godad koronto iyo hawo-mareeno oo ka ilaaliya dadka gudaha ku jira qaraxyada iyo gantaalada, waxaan hada tirada hoyga Israa'iil ee guryaha Qiyaamaha ay gaadhay in ka badan hal milyan.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay in uu jiro nooc kale oo ka jaban oo lagu dhisi karo si waafaqsan sharciga dawladda, kaas oo ah qafis bir ah oo ku dhex jira qol guriga, oo lagu daboolay shub adag, maadaama boqolkiiba 60 Israa’iiliyiintu aanay haysan hoy gaar ah, taas oo ku khasabta inay isticmaalaan hoyga dadweynaha.

Khabiir dhanka millatariga oo lagu magacaabo Hilal Al-Khawaldeh ayaa wareysi uu BBC-da siinayay ku sheegay in Israa'iil ay garowsatay sannadihii u dambeeyay in gabbaadyada qaar aysan ku habboonayn xaaladaha cusub ee duqeymaha iyo gantaallada, taasoo qasabtayi n qaar badan oo ka mid ah hoyga Qiyaamaha hormar lagu sameeyo

Baahida loo qabo in la dhiso guryahan ayaa ku soo badanaya deegaanada ku xeeran marinka Qasa ee koonfurta iyo xuduudka Lubnaan ee dhanka waqooyi, maadaama ay yihiin goobo colaadeed, fiditaanka colaadaha ayaa keenay baahi badan oo loo qabo in hogya dhulka hoostiisa laga hirgaliyo magaalooyinka waaweyne ee lagu bartilmaameedsado gantaalada, sida Qudus iyo Tel Aviv.

Washington Post ayaa daaha ka qaaday in ay jiraan dugsiyo, isbitaalo, baarar lagu caweeyo, xarumo kale duwan oo laga hirgaliyay dhulka hoostiisa, kuwaas oo uu soo bandhigay Sawir-qaade Adam Reynolds.

Sanadihii la soo dhaafay, tobanaan kun oo gantaallo ah ayaa laga soo ganay Israel gudaha marinka Qasa, qaar kalena waxa ay Xisbullah ku tuureen waqooyiga Israa’iil intii uu socday dagaalka.

Kulamada "dhulka" hoostii lagu qabtay Israa'iil

kulanka Golah Wasiiradda Israa'iil

Xigashada Sawirka, social media

Qoraalka sawirka, kulanka Golah Wasiiradda Israa'iil

Sanadihii lasoo dhafaay, Ra'iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa dhowr kulan oo heer wasiir ah ku qabtay Xarunta Maareynta Xasaradaha Qaranka, taas oo ku taal hoy u eg hoyga "Qiyaamaha" ee dhulka hoostiisa, sida laga soo xigtay wargeyska Israa’iill "Yedioth Ahronoth."

Go'aanka ah in shirka lagu qabto hoyga ayaa yimid si looga fogaado hawlgallada basaasnimada ah ee laga yaabo in ay fuliyaan hay'adaha sirdoonka shisheeye, iyo in laga fogaado in la faafiyo arrimaha looga hadlayo fadhiyada golaha wasiirrada sida uu sheegay Netanyahu.

Sida wargeyska daabacay , fadhigii ugu horreeyay ayaa lagu qabtay hoyga, kaas oo u adkaysan kara xitaa weerarrada nukliyeerka, 7 sano ka hor, waxaan la diiday in lala galo wax kasta oo lagu jaajuusi karo oo ka mid yihiin telefoonada gacanta.

Qarashka ku baxay dhisamaha hoyga ayaa gaarayay boqolaal malyan oo doolar, waxaana loo diyaariyay in ay u adkeyso dhammaan noocyada weerarada, kuwa caadiga ah, kiimikaad, iyo xitaa weerar nukliyeer ah

Israa’iil ayaa dhawaan soo saartay codsi ay ugu yeertay Digniin Casaan ah oo ay uga digayso muwaadiniinteeda gantaallada Xamaas, waxaana adeegsigeedu uu kordhay inta lagu jiro dagaalka socda.