Ma la hakin karaa gabowga? 8 arrimood oo muhiim ah in aad ogaato

Xigashada Sawirka, Reuters
Saynisyahanadu waxay magacaabeen sideed cabbir oo gabowga hoos u dhigi kara ilaa lix sano.
Talaabooyinkan waxaa ka mida helidda hurdo caafimaad leh iyo jimicsi joogto ah, waana qayb muhiim ah oo ka mid ah inuu gaabiyo xawaaraha gabowga ee bayloojiga jirka.
Ilaalinta miisaanka jirka, sonkorta, dhiigga, kolestaroolka, iyo dhiig karka ayaa ah kuwo u baahan inaad la socoto adigoo ilaalinaya hurdada caafimaadka leh, nidaamka cuntada iyo samaynta dhaqdhaaq jireed oo joogto ah.
Cabitaan la’aanta sigaarka waxay sidoo kale hoos u dhigi kartaa geeddi socodka gabowga ilaa lix sano sida ay sheegeen khubarada Maraykanka
Daraasad la sameeyay ayaa soo jeedinaysa in marka la raaco tillaabooyinkan ay kor u qaadayso caafimaadka wadnaha, taas oo iyaduna hoos u dhigi karta xawaaraha gabowga noolaha ilaa lix sano.
Natiijooyinkan oo ku salaysan xogta in ka badan 6,500 oo qaan-gaar ah oo celcelis ahaan da'doodu tahay 47, ayaa lagu soo bandhigay Shirarka Kalfadhiyada Sayniska ee Maraykanka (AHA) ee Philadelphia.
Cilmi-baadhayaashu waxay sheegeen in dadka caafimaadka wadnaha ugu wanaagsani ay ahaayeen ilaa lix sano jir bayoloji ahaan.
"Natiijooyinkani waxay naga caawinayaan inaan fahamno xiriirka ka dhexeeya da'da taariikhiga ah iyo da'da noolaha iyo sida raacitaanka caadooyinka qaab nololeedka caafimaadka leh ay nooga caawin karaan inaan sii noolaano" ayuu yiri Donald Lloyd-Jones oo ah gudoomiyaha kooxda Caafimaadka AHA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa uu inta ku daray in qof kasta uu rabo inuu noolaado waqti dheer, haddana ka sii muhiinsane waxaa la rabaa inaan ku noolaano caafimaad dheer kuna raaxaysan karno nolol tayo leh waa kuwo u baahan taxadar dheeriya.
Life Essential 8 waxay qeexday in caafimaadka wadnaha lagu salaynayo afar hab nololeeed oo wax badali kara iyo afar calaamadood oo caafimaad ahaan loo baddeli karo.
Si loo cabbiro sida uu qofku ula falgalo deegaanka ama baylooji ahaan, da'da cilmi-baarayaashu waxay hubiyeen dheef-shiid, shaqada xubnaha iyo bararka.
Dardargelinta da'da waa faraqa u dhexeeya da'da noolaha iyo da'da dhabta ah taas oo leh qiimayaal sare oo muujinaya gabowga noolaha.
Marka la xisaabiyo arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo tirakoobka, cilmi-baarayaashu waxay yiraahdeen haysashada dhibcaha ugu sarreeya ee Nolosha Aasaasiga ah oo macnaheedu yahay inaad leedahay caafimaad wanaagsan oo wadnaha iyo xididdada, waxay la xiriirtay da'da noolaha ee qiyaastii lix sano ka yar.
Qoraaga daraasadda Nour Makarem oo ah kaaliye macallin oo ku takhasustay cudurrada faafa ee machadka Mailman ee jaamacada Columbia qaybta xarunta dhexe ee dawada ee New York ayaa sheegay inay ogaadeen in caafimaadka wadnaha oo sarreeya uu la xiriiro gabowga bayoolojiga ee hoos u dhaca sida lagu cabbiray da'da phenotypic.
Daraasadda ayaa muujisay in celceliska kuwa wadnadoohu wanaagsan yahay ay ahaayeen da’doodu 41
Daraaasadda ayaa muujinaysa in da’da dhabta ee qofka wadnihiisu wanaagsan yahay tusaale ahaan isagoo jira 41 sano ay celceliska da’da bayloojiga muujinayso 36 sano jir.
Sidoo kale dadka caafimaadka wadnaha iyo xididadiisu ay liitaan waxaa lagu qiyaasay in da’dooda dhabta oo celcelis ahaan maraysa 53 ay dhanka baylooji ahaan da’doodu gaarto 57 sano jir.
"U hoggaansanaanta weyn ee dhammaan mitirka Aasaasiga ah ee Nolosha 8 iyo hagaajinta caafimaadka wadnahaaga waxay hoos u dhigi kartaa habka gabowga ee jirkaaga waxayna leedahay faa'iidooyin badan oo hoos u dhigaya" ayey tiri Makarem.
Siddeedda cabbir ee caafimaad ee uu sheegay Ururka Wadnaha ee Mareykanka
1.Cunidda cunto caafimaad leh.
2. Noqo qof firfircoon.
3. Joojinta sigaar cabidda.
4.Helida hurdo caafimaad leh.
5. Ilaalinta Miisaanka caafimaadkaga.
6. Xakamaynta kolestaroolka.
7. La socoshada sonkorta dhiiga.
8. Ilaalinta iyo la socodka dhiig karka.
Taalaabooyinka ayaa ah kuwa ay daraasaduhu muujiyeen in la joogteeyo si loo helo caafimaad wanaagsan.
















