Maxay tahay abaalmarinta caalamiga ah ee ay wasiir Khadiijo u tartamayso, yaase la tartamaya?

Xigashada Sawirka, ASO
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa ka mid ah musharraxiinta u tartamaya billadda Afrika ee Sustainability Outliers Award (ASO) oo ah abaalmarin lagu maamuuso dadka wax ka qabtay deegaanka iyo isbaddellka cimilada .
Tartankan oo ka dhici-doona magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa wasiir Khadiija Al-Makhzoumi kula tartamay saddex rag iyo hal dumar oo dhammaan Afrikaan ah.
Haddaba maxay tahay abaalmarintani?

Xigashada Sawirka, socail media
Waa abaalmarin la siiyo shakhsiyaadka Afrikaanka iyo xarumaha sameeyay howlaha wax ku oolka ah ee lagu dardargaliyo korna loogu qaada ajendayaasha Horumarrada Waara ee Qaaradda.
Billadda oo ah mid lagu dhiirrigeliyo dadka Afrikaanka ah ee sameeya isbadellka iyo qorshayaasha waxtarka u leh bulshooyinka Afrika sida horumarinta, kobaca dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, iyo horumarinta hab-nololeedyo mustaqbal waara u leh qaaradda Afrika.
Maxaan ka naqaannaa dadka kale ee billladda u sharraxan ?

Xigashada Sawirka, socail media
Marka laga yimaado wasiir Al-Makhzoumi, ilaa afar qof oo kale oo u kala dhashay dalalka Zambian, Niger kuwaas oo qaarkooda ay horey abaalmarinno kale ugu guuleysteen .
Dadka loo soo xulay in abaalmarinta in ay u tartamaan waxaa ka mid ah Harsen Nyambe oo ah Madaxa Qaybta Guddiga Midowga Afrika ee Deegaanka, Isbeddelka Cimilada, Biyaha, Kala duwanaanta noolaha, Dhimista Khatarta Musiibada, waxaan uu leeeyahay 23 sano oo waayo-aragnimo.
Waxaa uu kasoo shaqeyay hay'ado kala duwan oo kuwa caalami ah,waxaan uu nqaday Maareeyaha Barnaamijka Sare ee Kheyraadka Dabiiciga ah, Iyo Agaasime ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska iyo Wasaaradda Beeraha, Biyaha iyo Kaymaha ee dalka Namibia.

Xigashada Sawirka, socail media
Mobolaji Ogunlende, oo ah khabiir ku takhakhusay saliidda iyo isbaddellka deeganka, jagooyin kala duwan kasoo qabtay dalka Nigeria ayaa sidoo kale ka mi ah dadka ku hamminaya in billada lagu abaalmariyo.
Waxaa uu horey ugu guuleeystay Abaalmarinta Hoggaaminta Tusaalaha Pan-Afrika, isaga oo sanadkii 2016 aasaasay urur ka shaqeeya hormarinta xalalka waara ee Afrika.

Xigashada Sawirka, socail media
Guddoomiye hore oo laga soo doorto gobol ka mid ah dalka Niger laguna magacaabo Maxamed Umaru Bago, ayaa sidoo kale qeyb ka ah tartanka billadda loogu jiro.
Saddex jeer ayuu xubin ka noqday Golaha Wakiillada ee Nigeria. Waxa uu u tartamay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee 9-aad ee dalkaasi waxa uuna galay kaalinta 2-aad isaga oo noqday Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga iyo Is-dhexgalka Afrika.

Xigashada Sawirka, social media
Thandie Mwape Villadse u dhalatay dalka Zambi ah 20-kii sano lasoo dhaafayna ka shaqeeynaysay isbedalka iyo hormarinta Afrika, Aasiya, Yurub iyo Ameerika, una Dhaqdhaqaaqa arimaha Bani'aadamnimada ee gobolka ayaa qeyb ka dadka u loollamaya abaalmarinta .
Dhibaatooyinka isabddelka cimalada ee ka taagan Soomaaliya

Xigashada Sawirka, socail media
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Billadda ay u sharaxan tahay wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa kusoo aadeysa ayada oo Soomaaliya ay wahayso dhibaatooyin badan oo ka dhashay isbaddellka cilimada oo ay ka mid tahay xaaladda El nino .
Inta badan goballada dalka ayaa waxaa sameeyay roobab mahiigaan ah oo ka da’ayay muddo ka badan toddobaad waxaa xiran garoonka diyaaraddaha ee magaalada Beledweyne kaddib markii ay biyo fariisteen dhabbaha diyaaraduhu ka kacaan ama ay caga dhigtaan.
Sidoo kale magaalada Baydhabo ee maamul-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in roobab mahiigaan ah ay halkaa ka da’een saacadihii la soo dhaafay, kuwaas oo saameyn ba’an ku yeeshay dadka.
Gobolka Gedo, waxay biyo go’doomiyeen degmada Luuq kaddib markii Webiga Juba uu ku fatahay qaybo badan oo kamid ah magaalada.
Dad jooga degmada Luuq ayaa BBC-da u sheegay in qofka doonaya in uu magaalada soo galo ama uu ka baxo ay tahay in uu doon raaco, gudaha magaalada, xaafaddo badan ayaa laga qaxay.













