Muxuu ahaa maska weyn ee lagu arkay Doolow?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa maalmahan baraha bulshada qabsaday muuqaalka mas weyn oo soo galay guri ay daadad ku fataheen oo ku yaalla degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Doolow ayaa ka mid ah meelaha gobolka Gedo ee ay aadka u saameeyeen daadadka Webiga Juba. Doolow waxaa usii dheer oo kusoo fatahay Webiga Dawa ee ka yimaada Itoobiya.
Muuqaalka ayaa laga arki karaa mas weyn oo oo dhex galaya guri ay biyuhu galeen, isla markaana ay wiilal la dhacayaan waran.
Maskan ayaa ah nooca jebisada oo ku badan degmada, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka. Maskan ayaa muddo kaddib lagu guuleystay in la dilo.
Musharraf Xasan Xaashi, oo ah qofka muuqaalka duubay isla markaana wax ka dilay jebisada ayaa BBC-da u sheegay in habeenkii Arbacada maskan lagu arkay guri ku yaalla xaafadda Halgan ee degmada Doolow.
"Waxay ahayd jebiso aad u weyn. Qiyaastii neef lo' ah way liqi kartay," ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in dhanka Webiga Dawa ay kasoo gashya oo ay biyaha soo raacday, isla markaana guriga ay soo gashay aysan xilligaas dad joogin oo laga barakacay, keliya uu ku haray ninkii reerka.
"Dadka toos uma abbaarin, waxay aadday meel digaagga lagu xareeyo, ku dhowaad shan digaag ayuu masku doonayay inuu liqo, qeylada digaagga ayaa lagu soo baxay" ayuu intaas ku daray.

Xigashada Sawirka, MUSHARRAF XASAN
Markii hore ayaa waxaa la moodayay mas yar, waxayse noqotay mid weyn oo haddana aad u dagaallameysa. Wuxuu Musharraf sheegay in xooggeeda awgii ay kor u qaadday qolkii ay digaaggu ku jireen.
"Aniga, wiilka guriga iska lahaa iyo wiil kale oo deriska ah ayaa la dagaallannay, waran baan usoo qaadannay oo aan madaxa uga qabannay," ayuu yiri.
"Haddii aan birta la weyn lahayn, illaa 10 qof ayay jejebin lahayd oo ay dili lahayd" ayuu intaa raaciyay.
Jebisada ayaa inta badan lagu arkaa degmada Doolow. "Dadku waxay aaminsan yihiin inay degmada khaas u tahay, gaar ahaann xilliyada roobabka iyo waxaa la arkaa marka fathaadda webigu sameeyo," ayuu yiri.
Waxay inta badan ku nooshahay agagaarka webiga, iyadoo soo baxda marka uu webigu soo fataho.
"Shanqar ayay sameysaa markay wax dili rabto, way is buufisaa markaas ayay u diyaar garowdaa inay qof liqdo," ayuu yiri Musharraf.
Sidee ayay daadadku u saameeyeen Doolow?

Xigashada Sawirka, JUBALAND TV
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Daadadka ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay degmada Doolow iyo deegaannada ku hareereysan, iyadoo ay degmadu maraan labo webi - Webiga Juba iyo Dawa -taasoo sababta inay biyo aad u badan soo galaan magaalada.
Guddoomiyaha degmada Doolow, Maxamed Xuseen Lafey oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in daadka ay gaar ahaan saameyn xooggan ku yeesheen beeralleyda oo ay ka burbureen dalaggooda.
"Dalaggii beeraha laga sugayay oo dhan halkaas ayay ku baaba'een" ayuu yiri.
Magaalada waxaa kale oo deggan barakacayaal ka yimid qeybo badan oo Soomaaliya iyo Itoobiya ah, kuwaasoo sida uu guddoomiyuhu sheegay ka barakacay guryahooda.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in in muddo ah la sugayay roobabka, maaddaama wax ka badan afar sano oo is xigxiga aysan degmadu roob ku filan helin.
"In badan baan Ilaahay ka baryeynay inuu roob inoo keeno. Waxaan Ilaah ka baryeynaa inuu kuwo kheyr qaba ka dhigo," ayuu yiri.
Dadka barakacay ayaa loo diyaariyay goobo ay degaan, iyadoo gargaarna uu ka yimid dhanka Jubaland, sida uu guddoomiyuhu sheegay.
"Waxaa kale oo jirta in magaalada ay deggan yihiin hay'ado iyo dad ehlu kheyr ah, kuwaasoo ayagana gurmad u fidiyay dadka." Ayuu yiri guddoomiye Lafey.
Masaska ayuu guddoomiye Lafey sheegay in lagu arkay qeybo kale oo magaalada ka mid ah, ayna jiraan kuwo dad dhaawacay, isla markaana ay baaritaanno ku hayaan.
















