Hab-taranka masaska: Maxay maska dheddig u liqdaa kan lab?

Xigashada Sawirka, TONY PHELPS/NATUREPL.COM
Hab taranka nooluhu waa wax cajiib ah oo qoto dheer. Markasta oo cilmi baaris badan laga sameeyo siyaabaha nooluhu isugu tago si uu u tarmo, waxaa la arka waxyaalo la yaab leh oo kale.
Jesus Rivas waa khabiir ku takhasusay masaska oo ka shaqeeya Jaamacadda Mexico Highlands ee Maraykanka. Dhawaan.
Jesus wuxuu ogaaday wax cajiib ah oo ku saabsan nolosha galmada mas weyn oo laga helay Koonfurta Ameerika.
Makska dheddigga ah ee nooca loo yaqaan Anaconda ayaa cunta midka labka ah kadib falka taranka, saynisyahannadu waxay horaan rumaysnaayeen in maska lab uu awoodda leeyahay xilliga galmada. Laakiin warkan ku saabsan nooca maska ee Anaconda loo yaqaan ayaa ah mid layaab leh. Sida Jesus sheegay, tani waa warkii ugu dambeeyay ee cajiibka ah ee ku saabsan galmada masaska.
Noocyada kale ee xaywaanka waxaa badanaa weyn midka lab, kana xoog badan kan dheddig, laakiin masasku waa ka duwan yihiin. Masaska Anakonda, dheddiggu waxay inta badan shan jeer ka weyn tahay labka. Markaa si fudud ayey u liqi kartaa.
Baaxadda maska dhedigga ah waxay ka caawisaa inay ukumo badan dhasho. Haddaba masaska yaryar ee ragga ah ayaa dumarka u raadsada inay la galmoodaan, laakiin su’aashu waxay tahay sidee ku heli karaan mas dheddig oo ay la sameeyaan falka taranka noolahan maadaama sida laga war qabo masasku ay aad uga liitaan dhanka aragga?
Cilmi baaris ayaa lagu ogaaday in rabitaanka galmada ay marka hore muujiso dheddiggu. Maska dheddig ayaa xuub siibata marka ay ka soo baxdo qabow daran ama kulayl daran. Kadibna waxay soo daysaa hormoon la yiraahdo pheromone. Masaska lab ayaa soo raaca hormoonkaas.
Mar kasta oo ay dheddiggu weynaato xilliga taranka, waxaa badanaya hormoonnada jidhkeeda ka soo baxaya.

Xigashada Sawirka, FRANCO BANFI/NATUREPL.COM
Maxay dheddiggu ugu tagaan lab badan?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Haddii ay ku qanci waydo xidhiidhka jacayl ee ay la leedahay hal mas, isla markiiba way iska riixaysaa waxayna raadsanaysaa lamaane kale.
Hadda su'aasha ugu weyni waxay tahay, sidee ayay mas dheddig u go'aamisaa in maska lab ku habboon yahay inuu u galmoodo iyo in kale?
Saynis yahanadu ilaa maanta umay helin jawaab cad su'aashaas. Waxay ku xiran tahay awoodda iyo rabitaanka maska labka ah. Ama waxaa laga yaabaa in dheddiggu ay ku hesho dareenka awoodda ninka iyada oo loo marayo awoodeeda taabashada.
Maska dheddig ma’aha inay u tagto hal mas oo keliya. Inta badan waxaa la arkay mas dheddig oo falka taranka la samaynaya dhowr mas oo lab ah. Dhanka kale, masaska labka ah ayaa daacad u ah dheddigga marka ay ogolaato inay is qalaadiyaan.
Xataa marka abeesadu seexato, maska labku wuu la sii joogaa isaga oo isku dul wareejinaya.
Waxaa laga yaabaa inay tahay rabitaanka taranka oo kordhay ama masas badano oo ay u tagtay, balse maska dheddig ayaa go'aaminaysa midka lab ee ku haboon in uu dhalo ilmo adag. Waxa muhiimka ah in la ogaado waa in ujeedada galmo ee masasku ay tahay oo kaliya inay tarmaan.
Dheddiggu waxay awood u leedahay inay jirkeeda ku kaydiso shahwadda maska lab muddo dhawr maalmood ah. Taasi waxay noqon kartaa sababta ay ugu tagto dhowr mas oo lab ah, taas oo badbaadinaysa shahwada soo saari karta ilmo caafimaad qaba.
Masaska dheddigga ah waxay soo daayaan nooc gaar ah oo hormoonka pheromone ah ka dib isu tagga dhowr jeer si ay maska lab ugu diraan fariinta ah in aysan diyaar u ahayn qalaadis ama falka taranka. Cid qasbi kartaa ma jirto maska dheddig.
Gudaha qaybta taranka ee maska dheddigga ayaa xiran. Si kale haddii loo dhigo, xataa haddii uu masku labi doonayo, wax taran ah ma soo kordhin karo sababtoo ah unugyadiisa taranku meel ay ka galaan dheddigga malaha.

Xigashada Sawirka, FRANCO BANFI/NATUREPL.COM
Dheddiiggu waxay liqaysaa labka
Ugu horreyn tani ma aha mid mar walba dhacda, laakiin lama oga marka ay dheddiggu go’aansato in ay liqdo labka ka dib isu taggooda.
Lama oga sababta keentay arrintan, balse geerida maska lab ayaa laga yaabaa inay sabab u tahay sidii dheddigga uurka leh ay u heli lahayd cunto nafaqo leh, maadaama ay uur yeelanayso iyadoo aan waxba cunin muddo toddoba bilood ah.
Qaababka galmoodka ee masaska ayaa ah sida dadka oo kale, laakiin masasku waxay leeyihiin dabeecad la mid ah tan caarada. Kuwa dheddig way ka weyn yihiin masaska labka ah, waxaana tartan xoog leh uu ka dhex dhacaa masaska lab oo isku dayaya inay soo jiitaan mas dheddig. Maska dhedigga ah ayaa awood buuxda u leh inay xakameyso xilliga lammaanaha, waxayna inta badan cuntaa labka ka dib marka uu dhaco falka taranku.












