Duurjoogta: Harmacadka ka sii suulaya Afrika ee sida sharci darrada ah looga dhoofiyo Somaliland

.

Xigashada Sawirka, AFP

Muddooyinkii u danbeeyey ganacsiga harmacadka ee aan sharciga ahayn ayaa laga arkeyey goobo ka mid ah Somaliland, inkasta oo dawladdu isku deyeyso in ay ka hortagto aya se haddana weli waxaa jira walaac weyn.

In ka badan 3,600 oo harimcad ah ayaa si sharci darro ah looga ganacsanayay adduunka oo dhan tobankii sano ee la soo dhaafay ilaa Disembar 2019, sida lagu sheegay cilmi baadhis la daabacay sanadkan taas oo diiwaangelisay boqolaal xayeysiis ah oo loogu talagalay harimacad yar yar oo iib ah, kuwaas oo lagu soo baahiyey aaladaha warbaahinta bulshada oo ay ku jiraan YouTube iyo Instagram.

Qiyaastii kala badh dhallaankii la badbaadiyey ee harimacadka ahaa ee ku sugan Somaliland, waxaa jira walaac ku aaddan noloshooda xilli nafaqo darro ay haleeshay. Waxaa ka mid Green, oo miiseenkeedu yahay 700 gram oo hadda lagu haya duleedka hargeysa. Waa harimacad yar oo toddobaadyo jiray oo muddooyinkii u danbeeyey la ilaalinayey xaaladeda caafimaad, ayaa weli aanay fiicnayn ka dib markii laga soo badbaadiyay ka ganacsiga duurjoogta sharci darrada ah ee Geeska Afrika.

"Aad ayay ii taabatay xaaladda Greeen" ayay tidhi Laurie Marker, oo ah aasaasaha Sanduuqa Ilaalinta Harimacadka (CCF), iyada oo kormeeraysay kuwooda gubka ah ee ee xarunta samatabbixinta hay'adda aan faa'iido doonka ahayn ee Somaliland ay ilaaliso. Qaybta ay hay'addan ilaaliso ayaa ah intooda nasiibka heshay.

Sannad kasta qiyaastii 300 oo harimacad ayaa Somaliland loo soo mariyaa maalqabeennada Bariga Dhexe ee doonaya xayawaannada qalaad.

Deegaankoodii ayaa laga soo qaadaa waxaana laga dhoofiyaa Yemen oo ay dagaalladu aafeeyeen, una sii gudbayaan Khaliijka, kuwoodii safarkaa halista ah ku badbaada ee nabad ku gaadha halkaas, waxaa suuqa madaw lagu kala iibsadaa lacag gaadhaysa illaa $15,000.

Waa ganacsi mashquul badan, oo aan laga aqoon suuqyada dambiyada ee fool-maroodiga ama geeska wiyisha lagu kala gato, bal sidaas oo kale cidhib tiriya mid ka mid xayawaannada la jecelyahay ee ku nool Afrika.

.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Laurie Marker, oo ah aasaasaha Sanduuqa Ilaalinta Harimacadka

Qarni ka hor, waxaa jiray qiyaastii 100,000 oo haramcad ah adduunka oo dhan. Maanta in ka yar 7,000 ayaa soo hadhay, kuwaas oo tiradooda ay ay yaraysay xadgudubka iyo burburinta lagu hayo deegaankii.

Xatooyada joogtada ee lagu kala gadanayo sida sharci darrada ah ayaa iyana qayb ka aha dabar go'dooda.

In ka badan 3,600 oo harimcad ah ayaa si sharci darro ah looga ganacsanayay adduunka oo dhan tobankii sano ee la soo dhaafay ilaa Disembar 2019, sida lagu sheegay cilmi baadhis la daabacay sanadkan taas oo diiwaangelisay boqolaal xayeysiis ah oo loogu talagalay harimacad yar yar oo iib ah, kuwaas oo lagu soo baahiyey aaladaha warbaahinta bulshada oo ay ku jiraan YouTube iyo Instagram.

"Haddii tani ay sii socoto... caynkaas oo kale ah ayaa sababa in xayawaanku ay ku dabar go'aan muddo aad u yar gudaheed," ayuu tidhi Marker.

Haramcadka waxa lagu qiimeeyay xayawaannada dabjoogta ama guriga dhanka kale ah saaxiibbo ku fiican ugaadhsiga. Waxaana ay tan Boqortooyadii Roomaanka ahaayeen duurjoogta keliya ee sida qaaliga ah loo kala gato ama la isugu hadyeeyo.

Qayb ka mid ah ololaha lagu joojinayo ganacsiga casriga ah ayaa diiradda lagu saaray isbeddelka hab-dhaqanka waddamada Khaliijka ee barwaaqada ah, kuwaas oo ah suuqa ugu weyn ee iibsada, welina haramacadku uu ka yahay xayawaan laga jecel yahay.

Marker waxa ay sheegtay in mulkiilayaasha maalqabeenada ahi ay jeclaayeen in ay haramacadkooda ku soo bandhigaan sawirada selfie-ga ah ee ay galaan, si la mid ahna uu tusaale u noqdo hantida ay haystaan, taas oo ka dhigan in ay isugu faanaan.

.

Xigashada Sawirka, AFP

La dagaallanka ganacsigan ayaa socda

La-dagaalanka ganacsigan sharcidarrada ah ayaa ah mid aad u adag, sababtoo ah waxay Marker ku gaafwareegtaa Somaliland, oo ah jamhuuriyad iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida oo aan aqoonsi caalami ah helin, kana mid ah gobollada ugu saboolsan adduunka.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in ciidan yar oo ka tirsan ilaalada xeebaha ay ku dadaalayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen haramacadka marka laga reebo sida oo kale in ay ka hortagayaan tahriibta iyo budhacad badeeda.

Sannadihii u danbeeyey dawladda ayaa isku deyeysay in ganacsigaas ay la dagaallanto iyada oo ka hortagtay isku deyo lagu dhoofinayey.

Muddooyinkaa inta la qabtay, maanta waxaa gacanta CFC ku jira 67 Haramcad oo la soo badbaadiyey oo ku kala nool saddex guri oo badbaado ah oo ku yaal caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxaa sidoo kale la bilaabay in la dhaqan geliyo sharciyo dembi ka dhigaya iibinta harimacadka.

Bishii Oktoobar 2020, koox wax tahriibinaysa ayaa la qabtay, nin caan ku ah hawshaasna xukun taariikhi ah ayaa ku dhacay.

La dagaallankan oo ay maalgeliso dawladda UK, Somaliland waxa ay balaadhinaysaa sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen sirdoonka dalalka jaarka ah iyo Yemen si ay ula dagaallamaan dambiilayaasha Afrika ee ka ganacsada habkan.

Laakiin dawladdu waxa ay sidoo kale la shaqaynaysaa bulshada reer miyiga ah ee danyarta ah, kuwaas oo iyana qayb ka ah la dagaallanka ganacsiga.

13 dhallaanka harimacadka ah oo la qabtay bilihii Sebtembar iyo Nofembar, ugu yaraan afar ka mid ah waxaa qaatay beeralayda iyagoo rajeynaya inay iibiyaan oo ay dib u soo ceshadaan khasaaraha ka dib markii ay sheegteen in xoolahoodii ay dileen haramicad.

Edna Aadan Ismaaciil, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland, ayaa ka sheegtay shir ka dhanka ahaa ugaadhsiga bishii September in aanay suuragal ahayn in la dhammeeyo 'Xayawaanka halkan Alle ku abuuray".

Qaar a mid ah ayaa lagu sii daryeelaa goobo ay leeyihiin dad gaar ah, waxaana hadhaw loo raraa goob weyn oo loogu talagalay oo Hargeysa dusheeda ah.