Maxaad ka taqaannaa xayawaannada qabta badanaa 'shaqooyinka leexsan'?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhisma weyn oo la deggan yahay oo Jabbaan ah ayaa kiraystay riyo si ay cawskooda u gaabiyaan una qurxiyaan. Waxynuna warbixintan ku eegaynaa xayawaanka kale ee shaqo inoo qaban kara.
Riyaha
Waxaan wada aragnay riyaha, waxaa lagu tilmaamaa qashin cunayaasha xoolaha waayo wax walba way cuni doonaan! Awooddooda ay ku quudan karaan qaddar badan oo dhir ah ayaa si fiican loogu isticmaalaa beeraha, laga bilaabo nadiifinta duufaannada dhirta burburisa iyo cawska isku xeera xabaalaha.
Hoonbarada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hoonbarada ayaa ka mid ah xayawaannada xariifka ah. Dhab ahaantii, noolahna badda ku jira ayaa lagu sheegaa inay yihiin xayawaanka ugu caqliga badan meeraha.
Markaa la yaab maaha in saynisyahanno xariifiin ah oo ka tirsan ciidamada badda ee Maraykanku ay go'aansadeen inay isku dayaan inay tababaraan, si ay uga caawiyaan ogaanshaha walxaha sida kuwaa qarxa.
Barnaamijka Mammal Marine ee Taliska Ciidanka Badda iyo Nidaamka Badda ee San Diego, California waxay tababaraan 85 dolphins iyo 50 libaax badeed. Waa arrin yaab leh, se macquulnimadeeda la joogaa.
Ferret - bahal ka tirsan bahda shurunshuurka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sideed ayaad u marin kasrtaa fiillada ama waayirka meel aad u dhuuban? Hagaag, waxaa jira dhawr siyaabood oo aad ku samayn karto, laakiin hal dariiqo oo aad ku samayn karto waa isticmaaladda bahalkan lagu magacaabo Ferret!
XayawaannadaN yaryar waxay ku fiican yihiin gelitaanka meelaha ay adag tahay in la gaaDHo sida tuubooyinka.
Fiilada oo ku xiran jaakad gaar ah ayaa xayawaankani si dhakhso ah ayuu ula dhex mari karaa meel kasta oo cidhiidhyoon.
Si aad ah ayaa loo isticmaali jiray, laakiin sannadihii u dambeeyay waxaa aad loo isticmaalayaa Robot-yada, sababta oo ah ma caajisaan, waayo iayaga waxaa suuragal ah in ay dhex seexdaan tuunbada ama beedka wax la dhex marinayo gudihiisa.
Dirxiga

Xigashada Sawirka, PA Media
Haddaba, ma garanaysaa waxa uu dixirigu yahay? Run, waa cayayaan yar - laakiin malaha ma fiicna. Waxaynu ku aragnaa dhakhaatiirta oo ka soo saaraya maqaarka dhintay isaga oo kud dhex sugan nabarrada.
Taasi waa sax, dirxigan yar yar ayaa loo isticmaalaa sababo kale waayo ma jecla wax ka roon in la nuugo maqaarka dhintay iyo kuwa cudurka qaba!
Cayayaankan ayaa aad ugu wanaagsan daawaynta nabarrada, iayada loo isticmaalo jeermis dilayaasha loo yaqaan MRSA, taasoo u adkaysa daawaynta caadiga ah.











