Goob Masar ku taala oo ay dadka u dalxiis tagaan ayaa lagu eedeeyay marin habaabin

Maamulka kaymaha ayaa beeniyay in ay qurxiyeen dameerka

Xigashada Sawirka, Mahmoud A Sarhan

Qoraalka sawirka, Maamulka kaymaha ayaa beeniyay in ay qurxiyeen dameerka

Kayn xayawaanka ah oo ku taala magaalada Qaahira ayaa beenisay in la xardhay dameer si loogu ekeysiiyo dameer faraw.

Arday lagu magacaabo Maxamuud Sarxaan oo booqasho ku tagay kaynta ayaa soo sawiray dameerka, kadibna soo dhigay baraha bulshada, waxaana dhacday in uu sawirka si weyn u faafo.

Marka laga yimaado yaraanta xayawaanka sawirka ka muuqda marka lala barbar dhigo iyo dhegaha soo taagan, wajiga ayaa waxaa laga mariyay rinji madoow.

Qof xayawaanka ku xeeldheer ayaa sheegay in xayawaanka sawirka ka muuqda uu aad uga duwanyahay dameer faraw, wuxuuna farta ku fiiqay xariiqyada aan toosnayn ee dushiisa ka muuqda.

Sarxaan ayaa u sheegay warbaahinta in dameer kale oo kan la mid ah.

Dameer Farawga ayaa ka dhego yaryar Dameerka
Qoraalka sawirka, Dameer Farawga ayaa ka dhego yaryar Dameerka

Agaasimaha kaynta Maxamed Suldaan ayaa raadiyaha Naquum u sheegay in xayawaanka uusan ahayn mid la been abuuray.

Ma ahan markii ugu horeysay oo la been abuuro xayawaan, sanadkii 2009-kii, kayn ku taala Qasa ayaa xaradhay labo dameerood si loogu ekeysiiyo dameer faraw.