Sawirradii ugu cajiibsanaa ee duurjoogta laga qaaday sanadka 2017-ka

Madax kuti faraxsan

Xigashada Sawirka, Penny Palmer/ Barcroft Images

Qoraalka sawirka, Madax kuti faraxsan

Xayawaanka madax kutiga ee badda ku nool oo aad u faraxsan ayaa sawir lala heley, wuxuuna ka mid noqday sawirrada sanadkan ku guuleystay abaalmarinta sawirrada majaajilada ee loo yaqaano Comedy Wildlife Photography Awards.

Sawirrada badankood ayaa waxa ay muujinayaan nooleyaal kala duwan oo samaynaya falal aysan dadka inta badan ku arkin iyaga oo samaynaya.

Shan ka mid ah sawirradaas oo kaliya ayaa abaalmarinta heley, balse waxaa jiray kuwa kale oo badan oo u qalmay in ay tartanka soo galaan.

Waxaa sawirrada guuleystay ka mid ah guumeys inta laantii ay saarnayd ka fakatay, isku dayaysa in ay dib u korto.

Guumeys

Xigashada Sawirka, Tibor Kercz/ Barcroft images

Qoraalka sawirka, Sawirkan waxaa qaaday Tibor Kercz waxaana loogu magacdaray 'i caawi'

Sawir qaade Tibor Kercz waxaa la siiyay koob gacanta uu ku sameeyeen dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo ku nool Tanzania, iyo qalab dheeraad ah oo kaamirada ka caawiya.

Waxaa kale oo abaalmarinta heley sawir qaade Andrea Zampatti oo dalka Kenya ku sawiray nooc ka mid ah dabangaalaha (uun reys) aad u qoslaya, sawirkaas oo sidoo kale aad ugu baahay baraha bulshada.

Dabangaale (uunreys)

Xigashada Sawirka, Andrea Zampatti /Barcroft Images

Qoraalka sawirka, Dabangaale (uunreys)

Inkasta oo badda ay aad u guda weyntahay, haddane sawirka oo laga qaaday badda dhexdeeda ayaa waxa uu ka mid noqday kuwii lagu heley abaalmarinta.

Wuxuu muujinayaa kalluun weyn iyo qubo is garab lalaya.

Wuxuu muujinayaa kalluun weyn iyo qubo is garab lalaya.

Xigashada Sawirka, Troy Mayne/ Barcroft Images

Qoraalka sawirka, Wuxuu muujinayaa kalluun weyn iyo qubo is garab lalaya.

Hawada lafteeda kama marnayn sawirrada laga qaaday ee abaalmarinta heley, waxaana abaalmarin heley sawir qaade John Threlfal oo qaaday sawirkan muujinaya shimbirro hor buubaya diyaarad hawada ku jirta.

Shimbirro

Xigashada Sawirka, John Threlfal/ Barcroft Media

Qoraalka sawirka, Shimbirro

Waa kuwan sawirro kale oo soo galay tartanka balse aanan guuleysanin.

Shimbir sare-joog kaniisad kusii socota

Xigashada Sawirka, Carl Henry/ Barcroft Images

Qoraalka sawirka, Shimbir sare-joog kaniisad kusii socota
Bakayle afka buuxsaday

Xigashada Sawirka, Olivier Colle/ Barcroft Images

Qoraalka sawirka, Bakayle afka buuxsaday
Madax kuti

Xigashada Sawirka, Daisy Gilardini/ Barcroft Media

Qoraalka sawirka, Madax kuti
Lo' gisi

Xigashada Sawirka, Jean-Jacques Alcalay/ Barcroft Images

Qoraalka sawirka, Lo' gisi
Xayawaan badda laga helo

Xigashada Sawirka, George Cathcart/ Barcroft Images

Qoraalka sawirka, Xayawaan badda laga helo