Xaqiiqooyin cajiib ah oo ku saabsan maska

Maska nooca kobraha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maska waa mid ka mid ah noolaha ugu faca weyn ee ku nool dhulka guudkiisa malaayiin sano. Bisha July sanad walba waxaa loo dabaaldagaa maalinta maska ​​adduunka.

 Waa maxay sheekooyinkee laga hayo masaska? Waa maxay se xaqiiqooyiinka ku saabsan ? Masasku miyay dhab ahaantii ciyaaraan markay maqlaan dhawaaqyada qaarkood? Maxaa la sameeyaa haddii mas ku qaniino?

 Hadabo waxaan halkan ku eegeynaa 8 arrimood oo ku saabsan Masaska.

Sidee wax ku maqlaan Masaska?

Waxa jirta oraah la yiraahdo qofka maqla dhawaaqa hoose ama codadka hoose in la yiraadso dhegaha Maska ayuu leeyahay. Taas macnaheedu maaha masasku waxay leeyihiin dhego. Runtii ma laha dhego muuqda. Laakiin cilmi-baaris la sameeyay ayaa waxay muujisay in ay jiraan hababka dhegaha la xiriira oo jirkooda ku jira oo ay wax ku maqlaan.

 Laakiin maadaama aysan lahayn dhego sida dadka, si toos ah uma maqli karaan dhawaaqyada.

Marka Maska ​​maqaarkiisu dhulka taabto markuu gurguuranayo, qaab dhismeedka jirkiisa wuxuu soo qaadaa hirarka dhawaaqa dhulka dhex mara markaasi oo uu dareemo shanqarta.

Haddii aysan si toos ah u maqlin, sidee u ciyaaraan?

"Runtu waxay tahay in gariirka dhulka, dhawaaqyadu ay gaaraan Maska ​​jirkiisa, markaas oo uu ka falceliyo oo wuxuu sameeyaa waxyaabihii lagu tababaray oo ay ka mid yihiin marka durbaanka la tumo oo uu ciyaaro )," ayuu yiri macallin ka socda Jaamacadda Andhra, ee dalka Hindiya Manjulata, mar uu la hadlayay. BBC-da.

Mas

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxay wax uriyaan Masaska iyagoo isticmaalaya carrabka

Masaska ayaa waxay leeyihiin dareen aad u sareeya oo dhanka wax urinta ah. Marka ay wax urinayaan masasku waxay isticmaalaan carrabkooda oo ay wax ku uriyaan. Masasku waxa ay indhahooda ku arki karaan laba midab oo keliya. Masasku ma libiqsadaan, sababtoo ah ma laha xiribo, laakin waxay leeyihiin lakabyo loo yaqaano 'eyecap'.

Xayawaankan dhiiga qabaw waxay leeyihiin carrab ka caawiya inay ogaadaan jihada ay urta ka jirto.

Masaska ma kuwa xanaq badan baa?

Dad badan ayaa u haysta in masasku yihiin kuwa caro dhaw oo duulan badan. Filimo badan ayaa la sameeyay si ay taas loo muujiyo. Runtu waxa ay tahay masku xasuus fiican ma laha. Masasku caadiyan looma qaabayn inay qaniinaan bini'aadamka, balse awxa ay qaniinaan oo kali ah marka ay dareemaan in ay halis ku jiraan. Maska ayaa qofka qaniin marka uu dareemo in khatar kaga soo fool leedahay markaasi oo difaac ahaan uu uga fal-celiyo.

Masaska dhammaan wax miyay qaniinaan?

Dhammaan masasku dadka way qaniinaan, balse dhamaantood sun ma laha. Mararka qaar masaska halista ah ee sunta badan leh dadku way qaniinaan laakiin ma sii daayaan suntooda. Waxaa jira in masaska qaar ay leeyihiin mariid ama sun aad u badan oo marka uu qofka qaniino markiiba uu jirkiisa saaqayo islamarkana uu wax u dhimo neef mareenada. Waxaa jira nooc kale masaska ka mid ah oo aan lahayn mariid ama sun. Marka ay ugaarsanayaan waxay adeegsadaan ilkahooda . Sunta maska ee noocaan ah waxay inta badan dhaawacdaa unugyada maqaarka waxayna sababtaa dhiigbax gudaha ah.

Masaska dunida ugu khatarta badan

Waxaa jira mas ku dila haddii ay ku qaniinaan, maska nooca loo yaqaano Pinjari waa mid ka mid ah masaska ugu khatarta badan. Waxaa laga helaa meelo badan oo adduunka ah laga bilaabo galbeedka Afrika ilaa Hindiya. Maskan aya inta badan dadka waxyeelo u geesta xilliyadii habeenkii ee mugdiga ah. Waxaa sidoo klae masaska ugu halista badan ka mid ah Maska loo yaqaabo Kobraha (Cobra)

Dalka Hindiya Masaska qaar waa la tababaraa

Xigashada Sawirka, INFO

Maxaa dhacaya haddii Mas caalamka laga waayo?

 Masaska oo caalamka laga waayo ayaa khalkhal galin kara dheelitirka nolosha kala duwan. Masaska ayaa wadamada qaar laga ugaarsadaa si loo cuno amaba looga ganacsado.

waxaa sidoo kale jira alaabooyin badan oo laga sameeyo maqaarka Masaska. Koonfurta Hindiya, qabiilka Ilaru ayaa inta badan qabta masaska oo waxay iibiyaan maqaarka.

Maxaad sameynaysaa haddii uu Mas ku qaniino

Muxuu qof sameynayaa haddii uu Mas qaniino? maxaa se ka reeban ?

Khubarada dhanka caafimaadka waxay ku talinayaan in degdeg uu qofka u raadsado daawayn , haddii uu mas qaniino. Ha isku dayin inaad qabato Mas haddii aanad khibradaas lahayn waayo masaska badankoodu ma jecla in la dhibo ama la qabto.